Jaaliyadaha Yurub ee u Dhashay ismamulka Diridhabe iyo goobolka shiinile oo Taageeray Heshiiska Dawlada Fedraalka Ethoipia iyo Ururka ONLF

(Oslo) 16 Oct.10– Jaaliyadaha ku dhaqan dalalka Holland, Sweden, UK, Norwey , Swisarland iyo farnas ee u dhashay ismamulka Diridhabe iyo goobalka shiinileh ee deegaanka Soomaaliada Ethoipia ayaa taageeray heshiiska nabada ee ay kala sexeexdeen dawlada fedraalka Ethoipia iyo Ururka ONLF, xubnaha jaaliyadahaas ayaa kuyshin shir nadeedki cadika aha okadhacay dalka Norway casimadiisa Oslowaxaay kasoosaren war murtiyad waxaay ku sheegeen sidan;
“Hadaan nahay Jaaliyadaha degen wadamada Yurub qaar ka mid ah ee u dhashay degmooyinka Aw-barre iyo Dambal ee deegaanka Soomaalida Ethoipia waxaan taageersanahay heshiiska nabadgelyada ah ee dhexmaray Dawlada Fedraalka Ethoipia iyo Ururka ONLF, heshiiskaas oo aan u Aragno mid u dan ah shacabka Soomaaliyeed ee degen deegaanka Kililka 5aad ee Soomaalida Ethoipia, haddii ay tahay xag nabadgelyo, Horumar iyo dhaqan//dhaqaale, isla markaana dani ay ugu wada jirto guud ahaan wadanka Ethoipia horumarkiisa, dhaqaalihiisa iyo nolosha shucuubta ku wada nool.
Waxaan aad ugu hambalyaynaynaa sida fiican ee ay labada dhinac u gaadheen heshiiskaas taariikhiga ah, waxaanan taageersanahay in wax walba wadahadal lagu xaliyo, nabaduna ay tahay furaha horumarka shacabka.
Sidoo kale waxaan si aad ah ugu hambalyaynaynaa Madaxweynaha dawlada Deegaanka Soomalida Ethoipia Cabdi Maxamuud Cumar oo isagu dadaal dheeraad ka sameeyay deegaanka Soomaalida Ethoipia Horumarkiisa iyo Nabadgelyadiisa, wuxuuna ku dedaalay sidii heshiiskaasi loo wada gaadhi lahaa, waana arin uu amaan ku mudan yahay, waanan ku taageersanahay M/weynaha dedaalkiisa, waxaanan u rajaynaynaa in uu halkaas ka sii wado waxqabadkiisa muuqda. waxaanan leenahay NABADU waa furaha Horumarka shacabka Soomaaliyeed ee reer Ethoipia, dedalka ay wadaan dawlada fedraalka ee Ethoipia iyo dawlad deegaanka Soomaalida Ethoipiana waan soo dhaweynaynaa waanan taageersanahay.
Sidaas iyo Nabad Waarta.
October 16, 2010
By staff-reporter
Jaaliyada degenYurub ee u dhashay ismamulka Diridhabe iyo goobalka shiinileh ee Deegaanka Soomaalida Ethoipia.
Afhaynki ururka . Xusen Hbane