QORE: MAXAMED CABDI GURXAN
Mas’uulku marba hadduu dadkiisa soo bariidiyo, waa hogaamiyahooda dhabta ah.
Qarnigii aan soo dhaafnay ee labaatanaad, waxay aqoonleyda badankoodu ugu yeedheen “Qarnigii Teknolojiyada Xogta” ama “the century of information technology.” Sababtunay waxay ahayd caalamka oo ka gaadhay teknolojiyadan heer aan xataa hore loo male-awaalin. Waxay dunidu si layaab leh horumar uga gaadhay farsamada xog is-dhaafsiga, ururinta iyo kaydinta. Waxaa qarnigaas soo ifbaxay aaladaha warisgaadhsiinta sida: telefoonka, telekiska, fakiska, iwm. Aaladaha warbaahinta sida: raadiyaha, telefishinka, internetka, iwm. Waxaa kaloo la soosaaray dayaxgacmeedyada iyo qalabka kale ee warqabashada iyo warlaliska iyo waliba kombuterka oo ah aaladda ugu muhiimsan ee soo baxday qarnigaas, marka laga reebo danab-dhalinta (Electric generation).
Soo ifbaxa iyo baahidda teknolojiyada xogtu, waxay dunida horumartay u horseeday is-afgarad ka dhashay xog-isdhaafsiga iyo iska warhelidda. Waxay gabi ahaanba meesha ka saartay malamalihii iyo sheeko-baraleeydii dad yaru ay ku kala qoqobi jireen bulshooyinka iyo beelaha dunidan. Waxayna dadyawga dunidu awood u yeesheen inay daqiiqad walba helaan xogta ay u baahan yihiin, iyagoo ka helaya ilo-xogeedyo aad u baahsan, tiro ahaan aad u badan, baaxadda ay isu jiraanna aad u kala fog tahay, oo waliba fikir ahaan aad u kala duduwan.
Dadku sidoodaba, markay wada-hadlaan, markay isu waramaan, markay wax iswaydiiyaan, markay iska warqabaan, way is-fahmaan, way is cafiyaan, way isu calool-fayoobaadaan, marka dambana waxay isu kaashadaan siday u xallin lahaayeen dhibkooda guud ahaan, kaas oo aasaas u ah xallinta dhibka gaarka ah.
Waa Maxay Macnaha Bariidin
Bariidin waa booqasho ama isbooqasho dad aan meel ku wada baryin, iswaraysi, wax iswaydiin ama isu xogwaran dad aan iska warhayn. Waxaa jira siyaabo badan oo la isu bariidiyo, waxaana ka mid ah: in qof ama dad u tagaan kuwo kale; in lagu wadahadlo telefoon; in lagu wada xidhiidho adeegga internetka; in la isu diro dhambaallo qoraal ah; iwm.
Bariidin ama isbariidintu waa billowga xog isdhaafsiga. Xog marka la helana xal baa yimaadda. Waa billowga iska warqabka. Marka la iska war qabana, waa la isu garaabaa. Waa billowga heshiiska. Heshiinta dadkuna waa furaha xalka dhibkooda. Bariidin waa billowga nabadda, caanaha iyo caafimaadka. Ma waxaan idhi: nabadda, caanaha iyo caafimaadka? Sabab? Maxaa iska khuseeya bariidin iyo saddexdaa? Bal aynu isla eegno.
Bariidintu waa mid ka mid ah caado-dhaqameedyada bulshada caalamku wadaagto ee la kowsaday markuu qofka-uunka ahu afka furtay. Way soo jirtay isbariidintu tan iyo markuu aadanuhu billaabay inuu hadal sameeyo, oo wax isugu sheego erayo xidhiidhsan oo leh qaab weedho, oo macno samaynaya.
Waxay bariidada bulshooyinka caalamku sida badan ku salaysan tahay, hadba waxa ugu wayn ee bulshadaasu ay aad ugu baahan tahay, ama dhibka iyo walbahaarka ugu badan ku haya. Inkastoo ay dadyowga dunidu leeyihiin weedho isbariidin oo kala duwan, kuna salaysan afafka iyo dhaqamadooda aadka u kala duwan, haddana waxaa jira saddex aad caam u ah oo inta badan ay adeegsadaan. Saddexdan weedho-isbariidin oo mid walba ay leedahay aaggeeda iyo macnaheeda u gaarka ah, waxay kala yihiin: Bariidin nabadeed, Bariidin kadab ama caano iyo Bariidin shakhsi ama caafimaad. Bal aynu haddaba mid mid u eegno.
Bariidin nabadeed
Isbariidinta nabadeed waxaa aad looga adeegsadaa waddamada lagu sheego dunida saddexaad, gaar ahaan, waddamada Bariga Dhow iyo qaaradda Africa. Waxaa bulshooyinka waddamadaas caado u ah in marka ay dadku isu yimaadaan ay isdhaafsadaan erayo bariidin oo nabad iswaydiin ama isugu ducayn ah. Waxaan maqalaa dadka oo isku leh: “Nabad ma la sheegay?” “Nabad gelyo.” “Nabadiina.” “Be salaam aderaaju?” “Salama saana.” Iyo kuwo kale oo la mid ah.
Nabaddu waa waxa ugu horeeya, uguna muhiimsan ee ay beel ama bulsho meel dagganu u baahan tahay. Haddaanay bulshadu nabad haysan, haba yaraatee ma samayn karto horumar dhaqaale, dhaqan ama bulsho.
Inkastoo erayga nabad uu leeyahay macne ballaadhan, oo ka gudo wayn midka duleed ee dadka badankiisu yaqaanno, haddana marka ay dadku nabad isku bariidinayaan waxay muujinaysaa cabsi inay jirto. Mar haddii cabsi ay jirtana, way adag tahay in bulshadaasu ay samayso horumar taabbogal ah. Tallaabada ugu horaysaana waa in bulshadu ay hesho nabad, oo ka xorowdo cabsida.
Bariidin kadab ama caano
Isbariidintan, la is waydiiyo wax cunidda ama gaajada, waxaa aad loogaga dhaqmaa waddamada Koonfur-bari Aasiya. Waxaa ka mid ah waddamadaas: Hindiya, Bakistaan, Bengaladhesh, Burma, iyo kuwo kale. Waddamadan oo dadkoodu bulsho ahaan aanay dhibaato nabadgelyo-darri ah qabin, ilaa xadna ka xoroobay cabsida, waxaa dhib ku hayay qarniyo badan cunto yaraan.
Waxay sida badan dadka waddamadaas ee ku hadla afafka Hindiga ama Urdugu, marka ay isu yimaadaan isku bariidiyaan weedhan: “Khaana khaaye?” Labadaa afba weedhan macnaheedu waa, “Cunto ma cuntay?”
Beer abuurashada iyo cunto soo saariddu waa tallaabada labaad ee ku xigta nabadda. Markay bulshadu nabad hesho, waxay billowdaa inay dhaqaale raadiso, inay nolol abuurto, inay ku dadaasho horumar.
Bariidin shakhsi ama caafimaad
Arinka saddexaad ee dadku iska bariidiyo waa midka dadku iswaydiiyo guud ahaan xaalka qofku sida uu yahay ama gaar ahaan caafimaadkiisa. Bariidadan oo dunida meelo badan caado u ah, waxaa sida badan lagu yaqaanaa waddamada horumary, gaar ahaan kuwa qaaradaha Yurub iyo Amerika.
Waddamadan oo bulshooyinkoodu aanay qabin nabadgelyo la’aan iyo cunto yaraan midna, waxay isku bariidiyaan erayadan: “Hoe gaat het met u?” “How are you?” “Comme stai?” Iyo weedho sidaas oo kale ah.
Bariidintii Dawladda ee Qurbo-joogta
Bariidintu, hadduu qofka mid kale soo booqday waydiiyo nabadqabkiisa, ama inuu wax cunay ama fayaqabkiisaba, waxay mar walba muujinaysaa qalbi-furaanta, samo jacaylka iyo kalsoonida ku jirta qofka qof ama dad kale soo bariidiyay.
Aadanuhu, guud ahaanba wuu ka siman yahay xushmad jacalka. Qofka ina soo booqda ee bariido inoogu yimaadda, waxaynu u tixgalinaa inuu yahay saaxiib wanaaggeenna jecel, dhibkeenana ka danqada. Waa xaqiiqo haddii qof dhib qaba aysan soo booqan qaraabadiisa iyo asxaabtiisu, in qofkaasu dareemi in la dayriyay ama aan la doonayn. Sida dadka badankiisa caadada u ah, marka uu qof ina soo bariidiyo, waxaynu u furnaa qalbigeenna. Waydiinta hore ka dibna, waxaan dhex gallaa is xog waraysi. Waxaan uga sheekaynaa, ama uu inooga sheekeeyaa waxyaabo kala duwan oo ina khuseeya ama aynu xiisaynayno. Sidaasayna bariidintu ku tahay furaha ama bar-billowga xidhiidh saaxiibtinimo iyo isku kalsooni dadka ka dhex abuurma.
Sida aad saxaafadda kala socotaanba, waxaa moorgadii labaad soo bariidiyay qurbo-joogta u dhalatay Deegaanka Qawmiyadda Soomaalida Itoobiya ee haatan ku sugan waddamada Yurubta Galbeed iyo Waqooyiga America, wufuud ka socota Dawladda Deegaanka Soomaalida iyo Dawladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Xidhiidhka Itoobiya.
Booqashooyinkan mas’uuliyiinta dawladda, oo ah dhacdooyin hor leh, waxay billowdeen badhtamihii kal hore, markii waftigii ugu horeeyay ee dawladdu uu soo bariidiyay qurba-joogta waddamada Skandinefiya, gaar ahaan magaalada Stokholm iyo waliba magaalada London ee cariga Ingiriiska. Booqashadaas oo kasabtay aragti wanaagsan iyo isku-kalsooni dhexmara Dawladda iyo qurba-joogtu, waxay fure u noqotay xidhiidh wanaagsan, wada-tashiga iyo wada-shaqaynta Dawladda iyo qurbo-joogta.
Sidoo kale, waxay booqashada wafdiga dawladdu kalsooni iyo dhiiranaan siisay ururadii mucaaradka ahaa, sida UWSLF iyo ONLF oo si geesinimo leh ugu badheedhay inay heshiis nabadeed la galaan dawladda.
Booqashada wafdiga Dawladda Deegaanka Soomaalida iyo Dawladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Xidhiidhka Itoobiya ee uu hoggaaminayay madaxwaynaha DDS Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, ayna weheliyaan Gudoomiyaha XDSHSI, islamarkaana ah Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi; Wasiirka Ganacsiga Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Gureey; iyo mas’uuliyiin kale, ay ku yimaadeen qaaradda Yurub, si ay u soo bariidiyaan muwaadiniinta walaalahooda ah ee ku nool qaaraddu, waxay ka marag kacaysaa sida ay dawladdu u danaynayso, mudnaanna u siinayso dadkeeda ka maqan ee qurbaha ku nool.
Waxaa xusid mudan, jawiga wanaagsan ee ay ku dhaceen kulamadii uu wafdigu la yeeshay qurbo-joogtii isugu timid magaalooyinka Kobenhagen iyo London. Khudbadihii xogwaranka ahaa, jawaabihii ay ka bixiyeen waydiimihii ka-soo-qaybgalayaasha iyo waliba baaqyadii ay u soo jeediyeen dadkooda dibad-ku-noolka ah.
Inkastoo ay adag tahay in bulsho wayn la wada qanciyo, haddana ifafaalaha muuqdaa waa mid salka ku haya guul siyaasadeed oo u soo hoyatay Dawladda Deegaanka iyo shacbiga Soomaalida Itoobiya, labadaba.
Mas’uulka dadkiisa soo booqda, u xogwarama, dooddooda dhagaysta, su’aalahoodana uga jawaaba si xushmo leh, waxay dadku isagana u tixgeliyaan inuu yahay hogaamiyahooda dhabta ah. Waxayna siiyaan sharafta iyo qaddarinta uu mudan yahay.
Gabagabadiina, anigoo si kal iyo laab ah ugu hambalyaynaya madaxda Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo kuwa Dawladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Xidhiidhka Itoobiya, tallaabooyinkan isbaddal ee ay qaadeen dhawaan, waxaan haddana ku boorinayaa in ay sii xoojiyaan xidhiidhka qurba-joogta, joogteeyaanna kulamada iyo iska warqabka.
Si kala warqabka bulshadu u noqdo mid joogto ah, oo caafimaad qaba, waxaa lagama maarmaan ah in DDS ay xoojiyo adeegyadeeda saxaafadda iyo warbaahinta, si ay dadkeeda ugu fududayso inay kala warhayaan, islamarkaana uga haqabbeelaan xogaha iyo xaaladaha dhabta ah ee ka jira guud ahaan waddanka, gaar ahaanna Dawladda Deegaanka Soomaalida.
Mas’uuliyiinta dawladda ee na soo booqdayu waxay nagu bariidiyeen, “Nabad ma sheegay?” Annana waxaanu ugu jawaabnay, “Waa nabad.” Waxaana isku sagootinay, “Nabaddiino.” Ciddii aan nabad sheeginu iyadaa cirka roob ku og.
Nabadgelyo.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.