Jaaliyada Deegaanka ee ku dhaqan Norway oo soo dhaweeyey sii daynta maxaabiista iyo shakhsiyaadka magaca ku leh dagaanka.

alt Norway (CakaaraNews) Jaaliyada kasoo jeeda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee ku dhaqan wadanka boqortooyada Norway ayaa si diiran usoo dhawaysay sii daynta maxaabiista tiradood u gaadhayso 250ka iyo waliba labada ruug cadaa ee Mahdi Ayuub Guuleed iyo Cali Cabdille Fiixiye (Cali Shucaac).

Talaabadan ay qaaday xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayay jaaliyadu u aragtaa mid dhanka wanaaga loo qaaday, isla markaana dhiiri galinaysa barnaamijka nabadaynta ee ka hana qaaday dagaankeena.

Jaaliyada oo had iyo jeer muujisa sida ay u taageersantahay in nabad buuxda lagusoo dabaalo dagaanka ay ragaadiyeen colaadaha micno darada ah ayaa talaabadan xukuumadu qaaday ku sheegtay mid taariikhdu qori doonto, isla mar ahaantaana dhabar jab ku ah cadawga nabada iyo daganaanshaha  deegaanka oo u isticmaalayay xadhiga dadkan propagando iyo beerlaxowsi si  ay usii daadiyaan dhiiga shacabka.

Waxay sidoo kale jaaliyadu ugu baaqaysaa Dowlada Deegaanka Soomaalida, labada urur ee nabada qaatay (UWLSF iyo ONLF) iyo shacabka deegaanka gude iyo dibadba in isku meel looga soo jeesto, isla markaana si wada jira looga hor tago kuwa iyagu maslaxadooda khaaska ah ka dhex arkay horumar la’aanta,  barakaca, jahliga iyo dhiig daadinta oo sii socota.

Ugu danbayntii waxay Jaaliyadu si gooni ah uga codsanaysaa Dowlada Deegaanka Soomaalida in lasii daayo hadii ay jiraan dad wali ku jira jeelasha oo aan khatar wayn ku ahayn nabadgalyada deegaanka.
 
Jaaliyada Soomaalida Itoobiya ee Norway.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
 

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews