Shirkii Dhisida Jaaliyad Khaas U Ah Dumarka Qurbajoogta Soomalida Itoobiya Ee Danmark Oo Ka Dhacay Magaalada Aarhus Ee Dalka Danmaark

alt

Aarhus 20 112010:- Shir si aad ah loosoo habeeyay oo lagu aasaasayay jaaliyad kulmisaDumarka Soomaalida kasoojeeda Itoobiya ee ku nool dalka Danmark, ayaa waxaakasoo qeybgalay,  maamulka Jaaliyada Dan-Etio, maamulka Jaaliyada somalidaItoobiya,   aqoonyahano, haween iyo dhalinyara kasoojeeda dalka Itoobiyaoo kunool  Danmark

.
Shirka waxaa furay jaaliyada soomaalida itoobiyaee danmark . Waxaa kadib  goobta ku haray haweenka uu shirka gaarka uahaa, waxaa loo guda galay dood dheer oo dhexmartay hawenka oo dhinackastalagaga wada hadlay, waxaana kamid ahaa qodobada laga dooday inta u mihiimsankuwan hoos ku qoran.


•  Ujeedada shirka oo ah inlaga tashado sidii aan wax ugu qaban lahayn dumarka iyo caruurta intadhibaateeysan ee ku nool Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.
•       Si ujeedadaas loo gaaro inlaga tashado sidoo kale qaabka  ku haboon inaan isku dhisno oonu ku gaarilahayn ujeedadaas.


Waxaa kamid ahaa dadka ka hadlay kulankaas NuurtoSaalax, Fartuun Abdi, Osob , Nimco Abdi, Sahra Wali Cabaas, Faaisa MaxamedUgaas Layli iyo gabdho kale oo fara badan oo goob joog ka ahaa shirkaas. Waxaasifiican looga dooday  ujeedooyinkaas kor ku xusan iyada oo qofkastafikradiisa la tixgalinayay oo hab dimoqaraadi ahna loo wada hadlay. waxaa kasoobaxay doodaas qodobadan soo socda:-
1.      In la sameeyo gudi kumeelgaar ah mudo hal sano ah laga bilaabo 20.11.2010
2.      In aan ka madax banaanahaywax siyaasad ah iyo wax jaalida ah wada shaqeeyn mooyee
3.      Inaan soo dhaweeynaynocidkasta oo diyaar u ah inay naga caawiyaan shaqadaas
4.      Qaaraan bileed joogta ah
5.      Nabada inaan si buuxda loo taageero


Gudiga ladoortay ayaa kala ah.


1.      Faisa Maxamed Ugaas Layli                                        ............... Gudoomiye
2.      Sahra Wali Cabaas                                                      ...............Gudoomiye kuxigeen
3.      Samsam Maxamed                                                     ............... Xoghayn iyo Qasnaji


Shirkii sidii loogu tala galay ayuu u qabsoomay,kuna soo dhamaaday, waxaana howsha  shaqo sii wadan doona gudigaladoortay.

Ugu danabayntii Waxa uu gudiga ladoortay   uu si aad ugu mahad celinayaa
•       Haweenka abaabulay shirkanoo runtii dana hooda iyo caruurtooda  ubaajiyay shirkan inuu qabsoomo.
•       dhamaan haweenka meelahaaadka u fog ka yimid ee ahmiyada siiyay shirka
•       Maamulka Dan-Itio oo nooqabtay hoolka shirka, qalabka iyo isku dubaridka daacadnimo
•       Ururka dhalinyaradaSoomalida Itoobiya ee Danmark, sida daacadnimada ay howsha
•       noola abaabuleen.
•       Maamulka Soomalida Itoobiyaee Danmark
•       Dowlada Danmark khaas ahaanmaamulka magalada Aarhus gacan qabadka howshan haweenka
•       Iyo dhamaan cidkasta oogacan naga siisayba

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews