Qormadan
waxaan ku Bilaabayaa Salaan Sharaf leh oon u dirayo:
* Warbaahinta iyo Mareegaha Deegaanka Daneeya.
Waxaan ugu horayn
salaantan qiimaha badan u dirayaa dhammaanba warbaahinta Deegaanka Qamiyadda
Soomaalida,gaar ahaan inta danaysa barnaamijka nabadda iyo horumarinta
deegaanka ee ay kow ka yihiin mareegaha sida gaarka ah ugu huray wakhtigooda
qaaliga ah in ay wax ka siiyaan ummaddooda meel kasta oo ay joogto. kuwaas oo
aan odhan karo waxay ka haqabtireen wararkii ay uga baahnaayeen dalkood iyo
deegaankoodaba, iyagoo xogta dhabta ah ee ay rabaan si joogta ah ugu soo
gudbiya Boggaga aan daalin eenan daahin dibna u dhicin.
Halkaas oo ay ka helaan warar sax ah iyo xogta dhabta ah ee dalkii
ka jirta iyagoo soo gaadhsiiya dadkooda waagii beryiyo gabalkii dhacaba
wixii dadkoodu ku suganyahay.
Waa tii hore loo yidhi warbaa ugu gaajo badan. waxaan idin leeyahayay
alaylehe waad cidhibtirteen gaajadii warka,waxaase dhimman in aynu cidhibtirno
Qabyaaladda Gaajada,Jahliga,Cudurka iyo Colaadahan macna daradda ah ee ay koox
yari ka dhex aragto danteeda gaarka ah iskuna dayayso in ay dhammaan ku
fidnayso Bulshada walaalaha ah kana dhigto Hooyo ay gablamiso iyo Gabadh ay
aasay u xidho.
Taas oo ay wadaan Kooxda aan u danaynayn Dad iyo Daltoona
(Nabaddiid Dalna umma danynayo,Dadna uma danaynyo,Diina uma danaynayo) Geeridoonna
ma wada ahee inta geeriyoon waa inta sidooda aan ubadkoodii u helin jaamacadaha
ku yaal North America,Europe,Australia,South Africa,Dalalka Carabta iyo
Dunida inteeda kale .
* Bulshada Deegaanka Gude iyo Dibadba
waxaa ugu hormarinayaa meelkastoo ay joogaanba Culimada Eebe
Sharfay ee ah Dhaxalkii anbiyadu inooga tageen lab iyo dhedigba,sidoo
kale Ugaasyada, Salaadiinta,Garaadada,Cuqaasha ,Aqoonyahanka lab iyo dhedigba,
Dhalinyarada lab iyo dhedigba,Caruurta Gabdho iyo Wiilalba,Haweenka ama Hooyooyinka
,Madaxda iyo Masuuliyiinta Deegaanka Heerarkooda kala duwan,Heer Federal,Heer
Deegaan,Heer Gobol,Heer Degmo,Heer tuulo ,Heer xaafadeed ,iyo Heer unugba.
* Walaalaha Nabadda Qaatay
Waxaa iyagana aan la ilaawi karin waa walaalaha nabada qaatay
UWSLF&ONLF oo muddo dheer kadib,go,aan ku gaadhay in ay ummaddooda uga
tudhaan Hagardaamada iyo Hoogga Xabadu Baday,oohinta iyo Aasayda joogtada ah,ee
weliba aan badhkood gabdhaha muujin karin aasayday qaadayaan,qaxa iyo
qiima dhaca dadkooda ku haleelaya meel walba,waxaan halkaas si aad iyo aad ah
ugu amaanayaa UWSLF oo aan iyagu Caqli,Cudud,Cod,iyo Maal aan meelna ku kala
hadhin gude iyo dibadtoona Nabadana si buuxda u wada qaatay Cirooliyo Caruur
oon anay maanta jirin noocuu doonaba ha ahaadee wax magaca UWSLF
sheeganaya oo Nabaddiid ah ama Dulmi iyo Geeridoon ah. Geesta kale
Inta Qaadatay Nabadad ee Ururka ONLF iyagana waxaan leeyahay Bagaad garateen in
Nabadu tahay furaha nolosha iyo qiimaha,inta idinka hadhay ee saaxiibadiin
ahaana ha ka daalina in ay gartaan in aan Bulshadani silic iyo saxariirin midna
u baahnayn,Idinkana in aad Nabad iyo wanaag Dadkiinii wax kula qabtaan waa
Geesinimo,waana sharaf iyo badbaado
ummadded,wadcikastaana Qiimayntiisuu leeyahay Bagaad Garateen boogtii dadkiinu
Baxnaanaday u baahnayd.
* Maxaabiistala sii daayay
iyo kuwa hadhsanba
Maxaabiista Xoriyadooda Heshay iyo kuwa lagu han waynyahay in ay dhakhso u
helaanba. inta maanta farxada kula joogta eheladoodii ee ka soo baxay jeelasha
intii uu bilaabmay socdaalka samati bixinta ee ay Horseedka ka yihiin
Madaxweynaha &Madaxda Kale ee Deegaanka iyo kuwa Xisbiga SHDSI iyo kuwa
DFkaba. Dadkaas xoriyadooda helay oo iyagu ah kuwa si dhab ah oo muuqata
u dhadhamiyay midhihii Nabada ama la odhan karo waxaa hiil geesinimo ah
oon loo kala hadhin,u galay Madaxweyne,Madaxda kale DDS,tan DF,walaalaha nabada
qaatay ee UWSLF& ONLF,Qurbajoogta iyo Guud ahaan Bulshada inteeda kale.
Waxaan walaalahaas leeyahay hamigiina,maskaxdiina,
Sidoo kale waxaa salaantaas la mid ah iga mudan Hooyooyinka,Aabayaasha,
Madaxweynuhu siduu in badan kaga khudbeeyayay fagaarayaasha ama uu ka sheegay
warbaahintaa (Xabsigu albaab laga galana wuu leeyahay,Albaab laga soo baxana
wuu leeyahay),inta aad tabaysaan ee ku jirta xabsiga waxay ka jecelyihiin
madaxda deegaanku in ay soo baxaan oo farxad kula noolaadaan ehelkooda iyo
ummaddooda intii ay jeel ku hayn lahaayen. Waa wax ay wada dareensanyihiin in
halkaas ay ku baaqanayaan ubad noqon lahaa madaxda mustaqbalka haddii qoysaska
kala xaniban ay wadaagi lahaayeen macaanka nabada iyo raaxada nolosha oo ah tan
Aadamaha iyo nooluba u wada baahanyihiin dhammaan. Insha allaahu taasuna
degdeg bay u iman oo dadkaasuna way helayaan cafiska inta kale ee
walaalahood ahi heleen . ee dhammaan ha la muujiyo rabitaan walaalnimo iyo wax
wada qabsi,hana laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala hagardaamo ummaddeed.
* Dhiirigelin
Madaxweynaha
Madaxweynuhu wuxuu sheegay salaadii ciida iyo khudbad ka horaysayba isaga oo ku
kaftamayay in uu Magac qiimo badnaa oo beelaha deegaanka midkood lahaa uu
jeelkaasi bi,iyay Waa(Jeel Ogaadeen),waa dhab,waana xaqiiq jirta,waxaase farxad
leh in ay noolyihiin in badan oon magacooda ceeb iyo cay midna u ogolayn oo uu
ka mid yahay uguna horeeyo Madaxweyne Abdi Mohamed Omar, Waxaan Ku dhiiri
gelinaynaa Madaxweynaha,Guddoomiyaha Xisbiga,Afhayeenka baarlamaanka,Guddiga
fulinta Xisbiga,Kan dawladda Deegaanka,Baarlamaanka,Golaha Wasiirada,Walaalaha
nabadda qaatay,Qurbajoogta iyo Guud ahaan Bulshadu in ay ku
taageeraan Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale sidii ay uga dhabeyn
lahaayeen in ay Goobtaas ka dhigaan Jaamacad, Masjid ama wax kale oo
ummaddu wada leedahay sida Maktabad,Matxaf,Carwo,Stadium ama Xarun lagu xanaaneeyo
Agoonta IWM.Inta hadda ku jirta iyo inta ka baxdayba iyagana waxaan ka
codsanayaa in ay sidii arrintaas loo gaadhilahaa gacan ku siiyaan
MADAXWEYNAHA IYO MADAXDA
DAWLADDA,taas oo ah in ay si kal iyo laab ah u wada taageeraan in geyigani
noqdo GEYI NABADEED,Madaxda joogtaana noqoto MADAXDII Nabada.Arrintaasu waa mid
laga rabo cidkasta oo deegaankan u dhalatay.
* Dadku waa Mid kasa oon karin
* Mid kara oon kasin
* Mid aan kasin oon karin
* iyo mid kasa oo kara.
Madaxweyne Abdi Mohamoud Omar Nin kasa oo kara.Halyayada la shaqaynaya ee
dhalin yarada ahna waa kuwo kasa oo kara, iyaga iyo Bulshadoodna waxaa laga
rabaa waa in ay gacmaha is qabsadaan horayna u socdaan si loo gaadho dunidaaa
horumartay. Bulshayahay Dareenkiiniyo Dadnimadiina muujiya,Dalku waa
dalkiinii,Dadkuna waa Dadkiinii,Dacdarada ka wada dhawra.
waxaad marag ka wada tihiin Xubnaha xukuumadu in ay yihiin dhalinyaro leh
aqoon sare, karti iyo wadaniyad intaba. waa kuwii ku barbaaray
waddankooda waxna ku bartay una bartay in ay ku horumariyaan isaga iyo
dadkiisada,kulana noqday intay kobciyeen aqoontooda.
Socdaalkii Samatabixinta iyo Saadaasha Ummadda.
Socdaalkaasi wuxuu ka bilawday wadanka Sweden,Uk,Denmark,Welina halkiisii ayaa
ka sii socdaa waanad aragteen Aqoonyahanada Mayalka u haya Deegaanka in
ka mid ah intiinii fursad u heshay in ay la kulantaa,inta aydaan aragna waa
aqoonyahano leh qiimahaas iyo mid la mid ah kuwaas oo haya niyad wanaag ay ku
raadinayaan Nabadda iyo Horumarka Deegaanku in uu noqdo mid waarta oo si dhab
ah ugu istaagta tiirar adag oon la loolin karin. Waa dhalin u baahan talokasta
oo nasteex u ah taas oo ah toosin ee aan ahayn tukhaantukhin iyo
jilaafayntoona. In lagu soo dhaweeyo meelaha ay imanayaana waa arin ay waajib
ku tahay bulshada deegaanka waa shay haboon. ciddii wax ka tabanaysa ha
horfadhiisato oo ha weydiiso,waxay ka taban, haddii uu shaqsi yahay iyo haddii
ay Xukuumad tahayba.
Soomaalidu waxay tidhaadaa (Af xumo Nabadna way kaa geysaa Colaadna wax
kaagama tarto), Wixii aad walaal ku weydaana Weedh xun kuma heshaan. Sida
ay ummaddaha kale u soo dhoweynayaan Madaxdooda iyo si ka fiican ayay
mudanyihiin in loo soo dhoweeyo. Marka aan sidaa leeyahay Haddii aad
khalad dareemaysaan ummadyahay, Khald wuu jiraa wuuna jirijiray,wuuna jiridoonaa
ee wixii lagu saxaa waa Wada hadal iyo is ixtiraam,isu tanaasulid, isu garaabid
iyo isa saamixid. Hadaba haddii aan in yar dib u milicsano Madaxweynaha
iyo Xubanahii Safaradii samata bixinta ku wehelinayay waxaa ka mid ahaa
Labada wasiir ee heer federaal oo markii horana ahaa wasiiro heer
deegaan,iyo madaxda ugu saraysa ee XSHDSI Mudane Abdi fatax Sh.
Abdullaahi iyo mudane Abdirahman Sh.Mohamed(Guray) Waxay maanta labaduba
ka mid yihiin Golaha wasiirada ee DF waana arin ugub ku ah taariikhda deegaanka
oon hore loogu arag ,looguna yeelan laba wasiir oo qawmiyada soomaalidu ku
yeelato taasna waa guul u soo hooyatay DDS iyo tan Federaalka oo muujisay
isibedel sixitaan ah waxaan wasiiradaa u rajynayaa in ay soo hooyaan guulo
badan oo taariikhdu kaga xusto Baal dahab ah.
Waxay maanta qawmiyadu heer federaal ku leedahay Laba wasiir oo
Buuxa.Laba wasiiru Dawle,Afar safiir Afhayeenka Federationka ,iyadoona la
filayo in meelaha dhimman iyo waxyaabaha aan tabaynana la sixidoono,lana
kordhindoono sida tirada golaha wakiilada iyo meelaha kalee maqan. dhammaan
masuuliyiintaasu waxay mudanyihiin Ummadyahay in aad u hambalysysaan ood
garab istaagtaan ood ku faantaan,ood ka toosisaan dhaliishii aad aragtaan idiin
muuqata ee ma mudna in aqoonyahanadaas niyadooda wax loo dhimmo,waxay
mudanyihiin dhiirigelin taam ah iyo duco. dhalintaasu in ay kasto oo ay
karaan waxaad ka aragteen ama ku arkidoontaan geedi socodka hawlaha deegaanka
iyo DF kaba. khaladaadkii jirijiray marka isbedel deegaanka uu ka dhaco
isagana waxaad aragtaan in wax iska bedeleen oon Madaxweynayaashii xilka
markay ka degaan Bustaha jeelka u sii qaadan jiray ay dhanka kore u socdaan
taas oo iyaduna ah rajo fiican halkii fikta u saraysa ee la gaadhaa ka ahaan
jirtay xilka madaxweyne heer
deegaan,khatinkuna jeelka.
Waxaa maanta taas marag idiinku filan in Madaxweynayaashii xilka uga horeeyay
Abdi Mohamoud omar ay qaarkood maanta yihiin Masuuliyiinta ugu saraysa
Heer federaal, .
Tusaale Abdirashiid Dulane , Abdullahi Hassan,Daud Mohamed Mid jeel
la geeyay ma jiro mid walbaana xil weyn ayuu heer federaal ka hayaa , halkaas
waxaa ka cad in Dareenkii bislaaday oo ay dhammaatay jeel isu jiidkii haddana
loo jihaystay tubtii nabadda, horumarinta iyo hagardaamo ka raysiga.
Haddii ay dhammaato xiniinyo is haysigii dhexdeena,kal hoos
guurka,isku mashquulka,is jiidjiidka,isu qayilka,is dulaynta,iyo is
dulmintu,waa hubaal in la gaadhi lagan dheerayn inta hadda inaga horaysa
qayrkeen.
Geedi socodka hawlaha deegaanka iyo is fahamka ama wada
shaqaynta Qawmiyada soomaalida iyo Qawmiyadaha kale ee dawlad wadaaga ah
waxaa muuqata in wax badani u kala kordhay tusaalaha u yar een soo qaadan
karnaana waa Muuqaalkii shirkii Xoola dhaqatada ee ka dhacay caasimada
deegaanka ee jigjiga.
Haddaba Socdaalka samata bixintu waa midkii dhidibada u taagi lahaa is fahamka
guud iyo wax wada qabsiga Ummadda deegaanka ,Qawmiyadaha kale dalka,
Qurbajoogta Deegaanka iyo guud ahaan Adduunweynaha intiisa kale
oon ka helno wixii dalkaas iyo dadkaas lagu horumarin lahaa.
Waa aasaaskii Walaalnimada iyo horumarka deegaanka.iyadoo deegaankii
aasnaa ee la ilaaway uu maanta yahay mid ifka u soo baxay.
Waa dabayshii caafimaad ee deegaanka, waa dhismihii nolosha deegaanka iyo
tasaamuxii ummadda dhexdeeda.
Waa dhab u wada xaajoodkii iyo dhiila tirkii ummaddeena.
Waa kuwii soo dhammaystiri lahaa in nabad waarta geyigaasi laga
helo,lagana raysto dhibkii iyo dhiigii joogtada ahaa.
Waa badiilkii Jeel ogaadeen, oo noqodoonta Markas Islaami ah siduu
ballan qaaday madaxweynuhu.
Walaalayaal Danteenu waa mid ,Diinteenuna waa mid ,Magaceenu waa
mid,Midabkeenuna waa mid,Afkeenuna waa mid, Isirkeenuna waa Mid eedeenuna wa
mid ee aan u wada guntano in aan gaadhno ummaddaha inaga tegay, aan innagu iska
deyno hagardaamada iyo jilaafada dhexdeena ah, Dawladnimo waa wax naaso badan
qofwalbaana halka uu jooguu kaga dhergi karaa, isaga oo sharaf leh,sharaftiisa
iyo cisigiisuna u dhawrsanyahay,been abuurka iyo dacaayadaha raqiiska ah waa
laga gudbay xiligeedii dadkuna wuxuu u hayaamay in uu heegada dhaafo. Maalin
walba dhiilo iyo dhiig daata ummaddani umma baahna,cunuriyad iyo
qabqabdhaafayna umma baahna.Nabadu waa naruurada Ummaddeena.
Hogaamiye kara oo kasa wuu hayaaye ha la garab istaago,si sharaf lehna ha loo
taageero,in maamul suuban iyo midnimo lagu xajisto nimcada eebe inagu
manaystay.
Maskaxdu ha shaqayso,in wax la dhisaa waa shay rafaad badan in la dumiyaase waa
wax fudud,walaalayaal dumin yaan lagu fikirin ee in la wada dhiso halagu wada
fikiro oo ninba dhinciisa dheeliga ka dhawro ha loo dhaqaaqo.
Qaran, Qawmiyad iyo qabiil kala qaayo weyn
Qaranimadeene aan garano
waxaan qaybtan ku soo ururinayaa Maah maah ahayd.
Madxweynaha Abdi mohamoud omar waxaan leeyahay noqo sidii Amiirkii
Islaamka Omar Binu khadaab (Alle Ha KaRaali Noqdee). oo ogow dareenka xanuun
ee hooyo walba cidlada ku haysta,iyo caruuraha dheriga madhan dabka loo
saaro,kana fur kurbo kasta ood ka faydi karto Dadkaaga illaah masuuliyada kuu
saaray,iskuna day in aad ka farxsi inta alle xilkooda ku saaray iyo intii talo
nasteex kuu ah kula garab joogta,ogow in ay jiraan in badan oon ku soo gaadhi
karin ,haddii ay ku soo gaadhi lahaayeena aad ka heli lahayd talo adduun iyo
aakhiraba idin anfacda,intaasi kuma kooban Madaxweynaha ee walaalaha
masuuliyada iyo xilka maanta u haya ummaddooda dhammaan waa dhambaal ku socda.
Nabad iyo Horumar
Walaalo is nacay way xoola yareeyaan wayna Xabaalo Badiyaan
la soco Qaybaha Dambe ee qormada