North America (CakaaraNews) Anaka oo ah jaaliyada qurbo joogta North America, ee ka soo jeedaa Degmooyinka, Aw bare, Danbal, Wajaale iyo Magaalada Jig-Jiga, waxaan ayidney baaqa soo dhaweyneed ee ku wajahan Madax weynaha DDS Ethiopa ee naga soo gaadhey, Boqor Cali Cumar Allaaleh ,ahna Xildhibaan Gole dhexe ee Ethiopia lagana soo doorto Degmooyinka kor ku xusan.
Sidaasi darteed, waxay qaybaha kala duwan ee bulshadaasi, sida Odayaasha, Aqoon yahanka, haweenka, dhalinyarada,fanaaniinta iyo dhamaan waxgaradka ka soo jeeda deegmooyinkaasi, ay isla meel dhigeen sidii ay qayb libaax leh uga qaadan lahaayeen soo dhaweynta ,weftiga uu hor kacayo Madaxweynaha Dawlada Deegaanka soomaalida ethiopia, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, waftigaas oo la filayo in ay dhawaan soo gaadhaan cariga maraykanka.
< This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. >