Minneapolis, Kulan ballaadhan oo ay Maalintii Sabtida Decembar 4 tedii isugu yimaaddeen odayaasha jaaliyadda ee ku dhaqan Cariga Mareykanka ee kasoo jeeda DDS oo lagu qabtay magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota, , ayey odayaashu ku go'aansadeen inaan loo kala hadhin soo dhaweynta waftiga balaadhan ee inooga imanaya DDS
Kulankan, oo ay odayaasha qarkood ka hadleen ayaa waxa ay tilmaameen muhiimadda wadajirka iyo isku duubnaanta guud ahaan jaaliyaadka kasoo jeeda DDS ee dalka Mareykanka, iyo sidii ay odayaal dhaqameedku unoqon lahaayeen kuwo lagaga daydo midnimada jaaliyaadka deegaanka.
Odayaasha ayaa waxaa kaloo ay sheegeen inay si wayn ugu diyaar-garoobeen soo dhaweynta waftiga Dowlad Deegaanka Soomaalida, kaasoo la filayo inuu dhawaan usoo kicitimi doono Dalka Mareykanka.
Waftiga DDS, oo uu Hogaamin doono Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Cabdi Maxamud Cumar, ayaa la filayaa inuu shirweyne taariikhi ah, iyo kulamo gaar-gaar ah, la yeesho guud ahaan jaaliyaadka deegaanka udhashay ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika, kuwaasoo ka dhici doona gobolka Minnesota.
Ugu danbayntii waxa ay odayaashu sheegeen in safarka waftiga dowladda ee gobolka Minnesota uu fursad qaali ah u yahay guud ahaan jaaliyadda ku dhaqan gobolkan, taasoo aad ugu baahan xoggaha dhabta ah ee ku saabsan deegaankooda madaamo ay gobolkan Minesota ay tahay jaaliyaadka wadanka dibadiisa kaga maqan dalka tan ugu balaadhan, waxaana si wayn ugu diyaar garawnay soo dhawaynta imaatinka waftiga DDS