Jaaliyadda Geri Ee North America Oo U Istaagtay Soo Dhawaynta Madaxwayne Cabdi Maxamud Cumar

altMinneapolis, (Diseembar 6, 2010) Guddiga Geri Community of North America (GCNA) ayaa shir ay shalay yeesheen ku go’aansaday inay qayb libaax ka qaateen soo dhawaynta waftiga uu hoggaaminayo Madaxwaynahaa Dowlad Goboleedka Soomaalida ee Ethiopia mudane Abdi Maxamuud Cumar oo la filayo inuu booqasho ku yimaaddo wadanka Maraykanka bishan December.

Jaaliyadd Geri ee waqooyiga America ayaa isku raacday muhiimadda ay leedahay in lasoo dhaweeyo madaxwaynaha iyo waftigiisa marka uu yimaaddo Washington, DC iyo magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.
Jalliyadda Geri waxay soo dhawaynasaa bogga cusub ee uu Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar u furay qurbo-joogta u dhalatay deegaanka ismaamulka Soomaalida taas oo ah mid aan horay loo arag.


Jaaliyadda Geri aad ayey ugu mahad celinaysaa Madaxwaynah iyo maamulkiisaba sida ay ugu tafo xayteen in nabad lagu soo dabbaalo gayigan ay colaadaha iyo abaaruhu diloodeen.

Ugu dambayntii, waxay Jaaliyadda Geri ee North America ugu baaqaysaa walaalahooda kasoo jeeda deegaanta Soomaalida ee Ethiopia inay gacmo furan kusoo dhaweeyaan Madaxwaynaha iyo waftigiisa oo aan loo kala harin.
Geri Community of North America (GCNA)
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews