Qaybtii 4-aad Socdaaladii Samato Bixinta iyo Saadaashii Ummaddenna:By Abdirashid Olad(Shabeel)

Qaybtii 4-aad
Socdaaladii Samato Bixinta iyo Saadaashii Ummaddenna:By Abdirashid Olad(Shabeel)
Colaadi Jacayl Ma laha
Dhismaha waddankeena iyo dhaqaalaha in aan kobcino, waa waajib dusheena saaran siday ila tahay Aniga iyo Intaan aragtida wadaagno.
Waayeelkaan Dhaqaaqi karin.Dhalintiyo Hooyadiyo,Dhalaankaan socodka baran intaba Wuu Dhawrayaa.(Intaba wuu Dhawrayaa) Waa Dalka Waxa Dhawraya Ee Sugaya Dadkiisu in ay Fahmaan Khayraadkiisa iyo Nimcadiisa nabadna ay ku soo dabaalaan kagana faa,iidaystaan. Marka Waxa Dhulku u ooyayaa Waa Nabad ,oo Dhiig Waa Horuu Ka Dhergay. Dhiiga Hada ku Daataa waa Dhiig Siduu Ku Bilawdayna Khalad ahayd,Sida uu ku Sii socdaana ay Khalad tahay. Soomaali Hadal Horay u dhammaysay ,Maahmaahbayna ku sheegtay Xikmado Badan.
Dagaal Gondahaaguu ka Dhashaa.
Haddaba siduu ugu bilawday qorshe la,aan gonde ka dhalasho ah ayay ahayd,ama la odhan karo Fudayd aan laga fiirsan ,lagana Baaraan Degin buu ahaa. Sida uu ku joogsadaase Qorshe Degenaansho, Caqli iyo Daacadnimo Raba Weeye.
Haddaba Caqligii is biirsadaa iyo taladii daacad ah,Waxay dhalaysaa Badbaado Sax ah Samata Bixisa Ummadda.
Dhammaan waa in aan garano dhulkeenii inuu na sugi midkii ka qaxiyo ku aan qixin oo degenba inaynu dunida la sinnaa .
Dadkaan baylihin wadanka, een dhibkii aan uga Cararin, wax bay ina dheeryihiin, oo dhaqmoo wayagaa dhurani nimcadiyo khayrka yaal .
Dhulkii wayagaa dhisee intaan dhab u dhuuxno hadalka,aan dhabaha isku xidhaya wadanka dhibaatada hooy ka dayno .
Deegaanada uuna gaadhin dhismaha Jidkaa wacani Wallee way tabahayaan iyaga oo Aad u tiigsan oo weliba tolow goormuu iman leh.
Haddaba inta ay dhibayso inuu dhismo oo uu dhammaado,Dhib Mooyee maxay tareen.
Dadkii tiigsanayay ee dantoodu ay halkaa ku jirtay miyay teelo u dhigteen kuwaa ka habsaaminaya ama hakadkaba ka gelin?
Miyay qabataa haddaba dadkaa Habaasku dilay in haddana loo diido Jidka kuwii u dhisayay ee dhexda u xidhay?
Hadaynaan la dhisahayn, kuwaa u kacee u dhisi,war dhalaanka yanaan ka layn oo dhiskana yaynaan ka dumin.
Dhaawacna yaynaan u geysan kuwaa dhisi Jidadka ee Cadceedu dhibayso ee, Dhaxanta u jiifsadee,Jalkana Meel dheer u doonta.
Ee Jidiinka biyaha ay ku qoyn Joogagga loogu keenayee,Qasabad soo gaadhaana jirin.
Qalabka yaynaan ka gubin,haddii qandaraasyadii ,dadkeenii qaatay oo Deegaankii dhisahayaan illeen dhagar maanay gelin,dhibaatana maanay geysan ee dhulkooday dhisanayaane.
Dadkana yaynaa ka jarin jidiinkiyo oomatada jidkii loo marin lahaa, wixii meel looga keeno,amse loo gayn lahaa.
Jirabkiyo dhibkii ka haystay jidad xumidiyo rafaadka,haday saakaba heleen wax u simoo u seesa. War yaan Sabab loo noqonin inuu Sanado Kale qaato ama Sidiisii ahaado.
War sacabka maad u tuntaan sidii loo sibdhin lahaa ee buudana loogu saari, laagaha daadku uu sabayn,ee si loo dhaafo ayna jirin ilaa ay joogsadaan biyuhu.
Dhoobada Maad kala gurtaan,Baabuurta Dhiidhiga ku jira,intaydun Baaska ugu Dari, ee aydun Beerkiyo Wadnaha jari, Dad Bari ah oon waxba Galabsan?
Dhibaatadaan joogsanayn,Gu iyo Jiilaal midnaba ee jaahwareerka inoogu wacan Jin iyo Cadawbaa Watoo Shaydaanbaa Koor u Xidhay kuwaa u Jarmaadi Xumo . (Shaydaan baa koor u xidhay kuwaa u jarmaadi xumo).
Haddaan Baday hadalka ,halkaan ku socdaan ku simi saakana waanadii yarayd.
* Colaadi jacayl ma laha! (Ma laha)
* Jaahana iyadaa badasha! (Badasha)
* Jacaylba iyadaa tirtirta! (tirtirta)
* Jahliga iyadaa dhalisa! (Dhalisa)
* Jamaal iyo Qurux ma laha! (Ma laha)
*Jugtiyo Nabarada qarsoon (HEE)!
* Jajabka iyadaa wadata! (Wadata)
* Jeeb ma dhan iyadaa sababta!(sababta)
* Jeelkana iyadaa iska le! (Iska leh)
* Jidhkana iyadaa bahdisha! (Bahdisha)
* Jihada iyadaa lumisa! (Lumisa)
* Jiidh dam qadana ma laha! (Ma laha)
* Jiqdaa iyadaa wax bada! (Wax bada)
* Jirada iyadaa dhigdhigta! (dhigdhigta)
*Jid adag iyadaa dhisata! (Dhisata)
* Juucana iyadaa dheeraysa! (Dheeraysa)
Hooy Jacaylba iyadaa tirtirta!
Alla Jacaylba iyadaa tirtirta!
Ee Dadyohow Maad Joojisaan
Intaan Jadwalku Is Bedelin.
illeen jug horaan qabnoo
Jab iyo Silic soo Marnaye.
* Jujuub layskuma Wadee,tashibaa lagu meel maraa.
Jihada loo dhaqaaqi iyo Qorshaha lagu
soconayaba waxaa toosiya tashiga.
Ee intaan Afku juuqda gabin , ee taladu jaaqla ayna noqon war hooy maad joojisaan Colaadi jacayl ma laha!
Colaadda iyo jaahwareerku horay noo soo Jabisay ooy Jidwalba ay naga xidhaye, ee intaan jartu meel xun gelin war hooy maad joojisaan Colaadi Jacayl ma laha!
Miyaan Jidkale La arag ? Mise jalkaa ka Gu,i Ruuxii Nabada u Jihaystay, oo Jeedal baa lagu garaaci. intii jeel loo taxaabo?War hooy maad joojisaan colaadi jacayl ma laha!
* Ma Jeebadahaa Qalali? Miyaynaan Jirikarayn Hadaynaan Jabhadayn?War hooy maad joojisaan colaadi jacayl ma laha!
* Miyaan Wakhtiga Isbedelay Inaga Maankeena Gelin?Asaynaan maanta arag siduu mayaygu ugu da,ay?War hooy maad joojisaan colaadi jacayl ma laha!
* Miyaynaa Maanta arag Hee!
* Inaan muuqanooynu nahay Hee!.
* Dawlad miisaan leh ooHee!
* Maarayn Danteeda oo Hee!
* Deegaankeeda MuujisooHee!
* Qorshaha Meel Dhigatay oo Hee!
* Qaabkii Fulintiisa Wada? Wada HAA HAA
* War hooy maad joojisaan colaadi jacayl malaha!
War Hooy Nabadu Waa Haldoor,Ee Ha Diidina oo Daadihiya.
War Hooy Nabau Waa Haldoor, Ee Ha Diidina oo Daadihiya.
Hadal horaa ahaa Dagaal Wiil baa ku Dhinta ee Wiil kuma Dhasho.
Haddaba Walaalayaa Wiilasha Maanta Reeraha u Jooga Ha ka Dilina Kuwa Kale in ay u dhalan Allaa Garane.
Hooyadu Wiilkeeda Joogay Ka Jeceshay,Ku in uu Dhalan iyo In kale aan la Ogayn.
Aabuhuna Wiilkiisa Jooguu ka Jecelyahay,ku dhabarkiisa ku jira.
Walaalkuna kan jooguu ka jecelyahay,ku in uu dhalan iyo in kale eebe uuni garan.
ooridu kan joogay ka jeceshay,ku dambe oo dumaashiisa wax kaga iman aysan war u hayn.
Ubadkuna Aabahood oo la joogay ka jecelyiin,Adeer Guriga soo Gala.
Ayeeyadu kuwan joogay ka jeceshay kuwo inuu Allaba kusimi ayna garanaynin!
Awoowuhu kan caawin yuu ka jecelyahay ku ushaba inuu u qaban iyo inkale eebe garanaayo!
Adeerkuna kan uu arki yuu ka jecelyahay ku in ay is araki iyo in kale Alle uuni garanaayo!
Abtiguna kan uu u duceeyuu ka jecelyahay, ku in uu ka guran iyo in kale eebe garanaayo!
Inaabtigu kan uu garan unbuu jecelyuhuu sheegan ee ku inay is af garan iyo in kale uuna garanaynin waa nasiib wixii ka naawilo e.
Inaadeerku kaa uu weheshan ee ficiisa ah ayuu dooni oo ku uu waraysani ina ayaa tahayda uga fiican.
Sodoga iyo soduhdu kaa ay diintu hooyada iyo aabaha ugu dhagtee ay barteen bay ka jecelyiin,ku dhibaato ay waalid uga dhigtay ama dhimashaduba dhaxal ugu keentay!
Saaxiibkana kamaan tegina waakanoo waa sad qaaliyahe,kaad saben wadaagteen ayaa kaaga wacan ku aadan garanayn wuxuu soo watiyo waxaad ka mudan midnaba!
Habo iyo Eedana ma aha wax sidaa lagaga tegi karoo waa lama ilaawaane iyagana ku ay garani gacalnimada waalidku halka kaga taal ayay ka jecleyihiin ku in ay calfanayaan iyo in kale eebe uun garane.
Waalidka dhabta ah ee isana intan dhammaan kulminayeen kuliba farxadiisa wada doonayaan waa Macalinkoo isana wuxuu u jecelyahay intaa ka aflaxdee uu ogyahay Baarinimadooda,ee ku in uu wax tari iyo in kale eebe uun garani wuxuu ka jecel yahay kan uu soo barbaarsadey ee uu ogyahay in uu anfici inta aan ku soo xusnay korkiyo in kaloo badanba.
Intaas oo dhanbay colaad kala dishaa oo kala kaxaysaa ee, Walaal maad ka daysaan Gacanta oon Caqliga Baandhayno,oon hadlaka door bidno intaan Cududa caawimo ka dayahayno.
Hee dhaha waxaan hadal ku soo koobay ! HEE HEE!
COLAADI JACAYL MA LAHA! EE JOOJIYA WALAALAYAAL CUDUDA OO CAQLIGA BAANDHEEYA.
Colaadi Jacayl Ma laha! .... Ma laha! .....Ma laha! .....oo Ma laha!
la soco Qaybtii-5aad Haddii eebe yidhaa.
Qore: Cabdirashiid Colaad(Shabeel)
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.