JAALIYADDA AFGODEEY oo waxka Qaban doonta dhanka Waxbarashada iyo Adeegyada Bulshada DAGMADA CADAADLE

altJaaliyaadda AFGODEY waxaa la aasaasay tariikhdu markay ahayd 11.12.2010. Jaaliyaddan oo xubnaheeda ay kala joogaan yurub, Maraykanka, Canada, Australia, Koonfur Afrika iyo Kenya ayaa ujeedada loo aasaasay ay tahay inay wax ka qabato dhinacyada waxbarashada iyo adeegyada bulshada ee Dagmada Cadaadle(BOHOLXAGARRE) iyo koonfurta Dagmada qallaaafe ee gobolka godey ee ismaamulka deegaanka soomaalida ee dalka Itoobiya. Wajiga hore ee hawlgalka jaaliyadda ayaa ka billaaban doona dagmada Cadaadle oo ah tan ugu dad badan dagmooyinka gobolka, marka laga reebo dagmada godeey oo ayadu ah magaala madaxda gobolka sida ku cad tirakoobkii ugu dambeeyay ee la sameeyay
 
Cadaadle ayaa juqraafi ahaan ku taalla wabiga shabeelle dhinaca waqooyi, galbeed gobolka afdheer, koonfur gobolka bakool iyo Hiiraan, barina dagmada qallaaffe ee gobolka godey. Dagmadu waxa hoos yimaadaa 45 qaballe oo 11 ka mid ahi waawayn yahiin isla mar ahaantaana laga codeeyo xilliga doorashooyinka. Dhinaca wabiga shabeelle waxuu dhulbeereedka dagmadu ka soo billowdaa deegaanka Gabbal ilaa deegaanka Jeerrey. Deegaanka waxa kale oo uu leeyahay Kalliga oo ah tog xiliiyada qaar biya keena gaar ahaan marka roobabka ay ka da'aan buuralayda cadaadle iyo waqtiyada wabigu fataho.
 
Dagmada cadaadle ka sokow khayraadka beeraha ee ilaahay ku mannaystay, waxay kaloo hodon ku tahay dhinaca xoolaha nool: geela, lo'da, ariga, dameeraha iyo waliba duurjoog fara badan oo noocyokaladuwan ah sida libaaxa, dhurwaaga, dawacada, shabeelka, haramacadka, guduudanaha, geriga, biciidka, garanuugta, cawsha goodirka, sagaarada, goroyada, iwm. Dhulka ay dagmadu ku fadhido oo ah mid aad u wayn ayaa waxaa kala qaybiya buuro silsilad ah oo ka soo billaabma gobolka afdheer illaa dagmada qalaafe.

Buurahaas ayaa waxay leeyahiin dul baaxadeedu gaarayso illaa 30km, dherekeeduna 300km qiyaastii. Dagmada waxay dhacdaa 160km dhinaca xuduudda Soomaaliya. Waxyaabaha ay caanka ku tahay waxaa ka mid ah dusha oo ah dhul siman oo leh daaqsin, xooluhu ku barbaxaan gaar ahaan xilliyada abaaraha. Dagmada waxaa ku yaalla togag fara badan sida: cadaadle oo ah togga loogu magac daray dagmada, daanyeerre, fadhiwayne, dhuurre, gabsooti iwm oo dhammaantood biyaha ka keena buuraha.Waxaa kale oo dagmadu leedahaya dhul bay ah oo xoolaha u roon, gaar ahaan xilliga roobka, jiilaalkana hodan ku ah xabagta sida : xanja midhafurka, malmalkaiyo xabag hadiga(xamako).
 
Cadaadle waxaa mara wadada isku xirta Gobolka afdheer iyo Godeey iyo tan isku xirta Bay iyo Bakool iyo Godey. Waa deegaan ku wanaagsan dhinaca dalxiiska,waxay leedahay dhulka loo yaqaan Ban Aw Dambeey, dooxooyin, dul, doh, togag, ilo biyood, laago, gollo iyo dhul qalqashe ah oo waraabuhu ku dhuunto intaba
 
Dhinaca waxbarasha: dhamaan qabalayaasha waawayn ee Cadaadle waxaa ka howl gala Dugsiyo Hoose dhexe marka laga reebo Dugsi Sare oo laga hirgaliyay xarunta dagmada. Hawlaha Dugsiga Sare ayaa si habsami ah uga socda ayadoo ay waxka dhigaan macallimiin tayo leh. Jaaliyadda ayaa gunnooyin u billaabi doonta macallimiinta dagmada si loo helo arday tayo waxbarasho leh oo ka qay qaadata horumarka dalka iyo dadka.
 
Tixdan hoos ku qoran ayaa tilmaan ka bixinaysa qaybo ka midah deegaanka dagmada Cadaadley
 

    * ALLOW YAA LAFTII IGA JABTIYO KABA LAXAADKAYGA
    * ALLOW YAA LIBOOYIYO KA TAGA WAAMA LABACEEDA
    * OO YAA LIBAAXLIYO U KACA LUUQA GARANUUGLE

 

    * ALLOY YAA LUR BADAN BAAN MAREE LUUNKA IGA MAYDHA
    * ALLOW YAA INTAAN LUMI LAHAA LAXAMKAY II GEEYA
    * OO YAA SOKEEYAHA LAFTA AH IGU LAMMAANEEYA

 

    * ALLOW YAA KU LAASIMA BANKIYO WABIGA LIILKIISA
    * ALLOW YAA KOL LAAFYAHA KU TAGA LABIYADII YAYLE
    * OO YAA KU LADA BAADIL BAA LAGU LADNAADAAYE

 

    * ALLOW YAALO' IYO GEELKU DHAQA LAABABKA HULUUQO
    * ALLOW YAA LAXAADSIGA KU TAGA LAGADKA GAALWAYNE
    * ALLOW YAA LAWAYTIILE IYO HUBIYA LAAS JIIQLE

 

    * ALLOW YAA LIBDHADA WAABARKII DHUURRE IGU LEEXSHA
    * ALLOW YAA ASAGA OON LUR QABIN CEELBARDE U LAABTA
    * ALLOW YAA INTUU LOOGGA CUNA KURUSKA LAAC LAACA
    * OO YAA LABEENTIYO LISTIYO DHAYDA LIQI WAAYA
       
      Dagmada dadka baarlamaanka ugu jira waxaa ka mid ah Dr. Axmad Sheekh Muxummed Faarax, kana mid guddiga fulinta,  khadar Ugaas Baaruud Ugaas Xuseen iyo Soocane Cabdi Ilwayn. Guddoomiyaha maamulka dagmada Xuseen Cabdi Gacameey. Meeyarka dagmada Aadan Bashiir Aw-Cabdi(Aadan Kaadiri)
       
       
      Qaar ka mid ah magacyada xubnaha jaaliyadda
       

   1. Maxamuud xasan axmad Gurxan  USA
   2. C/rashiid Sheekh Maxamed Aadan coomeey    UK
   3. Cali xaaji yuusuf Sammad  USA
   4. Saacid Jire Qalinle USA
   5. C/Fataax Carte Cali     Norway
   6. C/Rashiid Xasan Nuur    Norway
   7. Maxamad Jire Qalinle  Canada
   8. Najiib Maxamud Cali    UK
   9. Xasan Cabdi Xalane   UK
  10. Cabdi Ibraahim Magan    Norway
  11. Munasar Kaydsane Salaad    UK
  12. Cabdi Geeddi Xaashi  Canada
  13. C/Risaaq Amiir Cali     Kenya
  14. Cumar Ismaaciil Jeeraar   Kenya
  15. Nuur Maax Gaabane        Canada
  16. Amina Cali Gaboose      Canada
  17. Xasan Qoorgaab       USA
  18. Xuseen Maxamed Xaaji Cabdi  USA
  19. Faadumo Nadiir Xaaji     USA
  20. Yusuf Cabdi Maxamed   Norway
  21. Nadiir Naadir Ugaas    UK
  22. C/Qaadir Sheekh Cismaan  Australia
  23. C/Qaadir Amiir Cali   Danmark
  24. Miyir Axmad Cusmaan  USA
  25. Igraan Maxamud Cali    UK
  26. Bashiir Sheekh Ibraahim  Australia
  27. Axmad Asheed      USA
  28. Aamina Maxamed SH Yuusf  UK
  29. Miyir Xasan AW Xuseen    SA
  30. maxamed maxamud Geelle  Australia
  31. Sanwayne Ibraahin Cadde  SA
  32. Xasan Xaaji Cumar     SA
  33. Cumar Jeeri  Gaboose  Canada
  34. maxamed C/laahi Aadan(Sulley)  UK
  35. Axmad Cabdi Xalane     UK
  36. Shukri Taraar Sahal   USA
  37. Aadan Dubbad Caddoow  Holland
  38. Faa'iso salaad Xuseen  UK
  39. Maryan Cabdi Jire   Dnmark
  40. Xuseen Maxamuud Axmad  Danmark

 
 
Waxaan idiin soo gudbin doonnaa goor dhow maamulka jaaliyadda iyo qaabka ay u hawlgali doonto
 
Xuseen Cabdi Digaale
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews