Qaybtii 7-aad Socdaaladii Samato Bixinta iyo Saadaashii Ummaddenna:By Abdirashid Olad(Shabeel)

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
الحمد لله وحده، والصلاة والسلام على من لا نبي بعده، وبعد
Waa
Qaybtii 7-aad
Socdaaladii Samato Bixinta iyo Saadaashii Ummaddenna:By Abdirashid Olad(Shabeel)
Cilmigiyo aqoontii maxaa caad inaga saaray oo Caqligeenii ka dhigay mid ku caarooda wanaaga?
Maamuladeenii soo maray meeshan iyo meelihii la Ilduufay ee la maareeyay hadeer mar kalaan gelidoonaa.
Waxaanse meeshan soo dhigayaa madaxdii dalka haysay intii qawmiyadeenan qorshaha ay la wadaagtay ee qiimaysee qaybtoodii u hibaysay.
Iyo intii quudhsatayee il qaloocda ku eegtay ee qool iyo dil mooyeee waxba aanan ka siinin Qawmiyadaa dhan dadkeedii dalkii uu eebe ku uumay.
Ee weliba qasdigoodu ahaa qawmiyadaani dalka may laha ee biyay daba socdaan iyo daaqaa xooluhu ruugo.
oo waxaan yara muujin Mujrimiintii ina dulaysay iyo midiba meeshuu ka soo jeeday,Ee dadkeenuna u haystay in ay meel uun ahaayeen!
Ciilkoodii horaa weli cunaha ii fadhiyoo aan dhanna iiga degayn, ee maanta waan muujinayaa Menelik iyo kuwii ka horeeyay iyo Madaxdii dhergigee mindida uun nala dhacaysay ee iyana Mengiste dhiigooda ku maydhay illeen waa maag arinkooduye.
Oo weli maanan ilaawin siday noola hadheen ee ay hoos inoogu dhigeen iyo hardidii ay nala dhacayeen.
Haatan soo yara eega Aabahood la gubkii martabad hoose nageeye meelna noo quudhi waayay ee wadnaha uun na jaraayay.
Markaasaynu ka doodi maanta meeshaynu joogno iyo waxa aan mudanee mahada Eebbe u baahan.
Mujrimiintii Waa Kuwan:
Menelik I (Ibnul-Al-Xakiim) Waxaa la sheegaa in uu Yuhuudi ahaa.Wuxuu ahaa xukunkiisu 950 BC.Inagana xun iyo samo midna maynaan isugu iman hayeeshee labada magac ee meesha ugu qoran isku muunad may aha. Midbaa waa na dhibi jiray.oo kaasay wadaagan oo weedhayda ku soo dartay iyo taariikha wax reebee xumo iyo wanaagba waayo lagu xasuustaa ee Menelik(Mililkh) tay wadaagaan.
Tewodros II(Kassa Haile Giorgis Wolde Giorgis)Wuxuu dhashay 1818 Waxaanu Bakhtiyay April 13, 1868) .Wuxuu ku dhashay Dembiya Waa Degmo ka mid ah Deegaanka Axmaarada. Wuxuu boqortooyada hayay 1855 illaa intii uu ka dhimanayay.
Menelik II (Sahle Maryam) Wuxuu dhashay sida la sheego 17 August 1844 halka uu ku dhashay waxaa layidhaa Angolila oo ka tirsan ah Shawa. Wuxuuna dhintay 12 December 1913.Wuxuu Xilka Boqornimo ku haystay Ethiopia 1889 illaa uu ka bakhtiyay 2 December 1913(1913-12-12) .
Haile Selassie (Ras Tafari Makonnen).Wuxuu dhashay 23 July 1892 – Wuxuu ku dhashay Ajersa Gora. 1916 illaa 1930 waxaa loo barbaarinayay Boqortooyada. Wuxuu xilka boqortooyada qabtay 1930kii wuxuuna hayay illaa 1974tii Markaas oo ahayd kolkii ay kooxdii milaterigu ka qabsadeen Awoodii isagana ay xidheen. Wuxuu dhintay 27 August 1975. Wuxuu Ethiopia boqortooyo ku haystay1930-1974.
General Aman Mikael Andom Wuxuu dhashay 1924tii wuxuu ahaa kusime Markii ay milaterigu Xayle Salaase Xabiseen 12 September 1974 illaa 17 November 1974 oo ahayd xilligii Mengiste khaarajiyay wuxuu ahaa Hogaankii u sareeyay Dalka. Dhalashadiisa Waxaa lagu sheegaa Ereteri (Eriterean).
Mengistu Haile Mariam Wuxuu dhashay sida taariikhdu sheekto May 21, 1937-oo weli wuu noolyahay eegga.Da,diisuna waa 73 ay bilo u dheeryihiin. Dhalashadiisa waxaa lagu Sheegaa kolba qolo laakiin Amxaaro ayaa loo badiyaa.
wuxuu ahaa ragii ugu sareeyay Golihii Milatergia ee Ethiopia qabsaday 1974tii wuxuuna ahaa ninkii ugu qafalka xumaa ee jaray saaxiibadii Ilaa uu isu magacaabay Madaxweyne 1978dii ilaa intii uu ka baxsanayay,wuxuu ahaa ninka kala gaabiyay guud ahaan Qawmiyadihii Ethiopia,Gaar ahaan dadkeenii. ,Xilligii uu is magacaabay 10 September 1987 - 21 May 1991)
Markii uu Dilay Sareeye Guud Aman Mikael Andom,Wuxuu qabtay xilkii Guddoomiyaha isku xidhka Golahii Militeriga 17 November 1974 wuxuuna hayay illaa 28 November 1974 (11 maalmood markuu hayay ayuu u magacaabay Guddomiyihii Golaha Sareeye Guuto Tafari Benti.
Jeneraal Tafari Benti. wuxuu dhashay 1921dii ,waxaanu ku dhashay Addis-Ababa sida taariikhdu sheegto. Wuxuu dhintay 1977 markii uu mengiste mariyay halkii uu mariyay madaxdii dhergiga ee ka horaysay.wuxuu dalka xukumay 28 November 1974 ilaa iyo 3 February 1977.
Mengistu Haile Mariam 11 February 1977 ayuu soo rogaal celiyay oo uu guddoonkii dhergiga iyo xukunkii dalka dib u qabsaday illaa uu Madaxweynaha Dawlada Dimuquraadiga ah ee Dadka Ethiopia uu isu magacaabay 10 September 1987- Waxaa laga Caydhshay hadh cad 21 May 1991.
Halkuu tegay?
Waynu ognahay.
Menigste markuu cararay waxaa is dhariijiyay
Tesfaye Gebre Kidhan, wuxuu dhashay 1935 tii mase saxna taariikhdaasu,Waxy doontaba ha ahaatee intee in la eg ayuu is dhariijiyay , Waa Madaxweynihii usbuuca 21 May 1991 illaa 27 May 1991 intaas ayuu xilli cadaab ah hayay,laakiin maxaa ka qabsaday?
Wuu Haleeli waayay in uu sidii mengiste iska baxsado oo damac doqonimo ah ayaa galay,waxaanu is yidhi kursibaa kuu banaanaaday,muxuuse ka dheefay? isaga oo kabna luli kabna laalaadin ayuu safaarada Talyaaniga dalaq yidhi! halkaas ayuu muddo dheer ku rafaadsanaa oon dhanna looga qaadin illaa uu Saaxiibkii muran ka dib Qudha kaga jaray meeshii. Waa Goorma? oo waa kuma ka qudha ka gooyay?
Waa 2 june 2004?Markuu saaxibkii surka gooyay.
Waa wasiirkii arrimaha dibadda Birhanu Bayah
ninka khaarajiyay saaxiibkii ay qolka ku wada carareen.
Saan madoobayaashii ina soo silciyay iyo saqajaanadaas kore eega oo midkastaaba wiilkiisu ka koreeyay wiilkeena. Wakuwaas isa aakhirkii is seegee safaaradaha isku dhex laayay ee gawraca isku jiiday intii ay jiidhkoodii jarjareen.
Halkana waa madaxdii qawmiyadeena cisaysay ee qaybteenii ogolaatay,ee qorshaha aynu wadaagno.
Waar maynu qabaw iyo qurux hadalkeena u yeelno oon qorshayaasha wanaagsan qawmiyadeena la samayno?
Ma qalbigeenaan wax galayn mise waan qasanoo wax kalaa ina walaaqi.
Xaqii goormaan helnoo Xisaabtii soo noqotay?
Xilligii kala guurka iyo markii uu xayle tegay yaan
xaqeenii badh helnoo xisaabtii soo noqotay.
Waxaa xigtay taan haddana markii dawladda la dhisay deegaanadu leeyihiin ee dadkeenii is maamuleen.
Waxaa xigtay taan haddana xisaabta markii la fiirshay in xaqeenii hooy maqnaa haddana badh la soo celiyay.
Haddii saa lagu wadoo samaanta lagu wada socdaa Saaxiib hal maqnaanimaayo.
"Siduu yahay weeye hadalku" Waa siday tahay!
War hooy samaanta gartoo EEGGA yaa ka koreeya wiilka qawmiyadeena sidana maad fiirisaan laga soo bilaabo 28 May 1991 oo ah markii uu Mudane Meles Zenawi xilkii Madaxweyne nimada qabtay.
Markaas oo ay ahayd xilligii kala guurka waa inta uu xaqeenii inoo soo noqday isagoo is daba sabayn.
Mudane Meles Wuxuu Madaxweyne ahaa 28 May 1991 illaa 22 August 1995, intii ka dambaysay ilaa hadda waa Raisul Wasaaraha Waddanka. M.Meles wuxuu dhashay 1955 tii .Wuxuu ku dhashay Adwa oo ka tirsan Gobolka Tigray.
Madaxweynihii u horeeyay ee Dawladda Federaalka Ethiopia.
Dr. Negasso Gidada Solon .Wuxuu dhashay September 1943-dii. Wuxuu ku dhashay Dembidolo Waa Gobolka Oromada.wuxuu xilka qabtay 22 August 1995-tii waxaanu hayay illaa 8 October 2001-dii. Waa Oromo.Waana aqoonyahan bartay Cilmiga Taariikhda Bulshada. waxaanu weli wax ka dhigaa Addis Ababa University.
Girma Wolde-Giorgis Wuxuu dhashay December 1924tii . Wuxuu ku dhashay Addis-Ababa.Xilka wuxuu qabtay 8 October 2001-dii waana Madaxweynaha DF ee illaa hadda xilkiisii haya.
Dawladda aan maanta wax ku leenahay Qawmiyad ahaan waa mida uu mayalka taariikheed u hayo Rasisul Wasaare Melas Zena.
Labada Wiil ama gabdhood ee maanta kuwada dhasha deegaankeenii Qawmiyada ay doonaanba ha ahaadeene, in wiilkeenu dhan walba kaga fiicnaado mooyaane lagama yaabana in ay sida taariikhahaas kore ahaadaan oo wiilkeenu wiilkooda ka hooseeyo,Haddii Aabayaashood Aabayasheen ka wakhti fiicnaayeen, Inigana laga yaabo in ay inaga wakhti fiicnaayeen kuwoodii da,deena ahaa, haddee eegga inankoodu inankeena kama wakhti fiicna,Awoowyo waa lays kala yimid, ee marka taas uun maynu eegno. oo Wiilasheena iyo Hablaheenaba wakhtigooda u dayno.
Haddaba waa teennan joogta hadeer tobaneeyadeenii ka horaysay wixii ay ka tageen ee aysan uba tabtaysan sidii loo dhaqaajin lahaa dhinacyadaas la xusuustay ee haatan lagu dhaqaaqay.
Ee inta aanan jibaaxin tilmaanbaan ka horaysiin. Socdaalkaan ku hagaajin iyo safarka laydiinku imaani ee samaha laydinkaga raadin . Soo dhoweyntii horaybaynu u sheegnay ee Eegga see baydun yeeli tolow?
Waa aqoonta badhkeed booqashadii lagu baxaa ee beledkale loo aado socdaal.Duruustay ku jirtaayoo dal kaa dheerbaa lagu tagaa.
Dadka waaba loo kaxeeyaa iyadoo loo wada xiisoon oo xiisadaha ka mid ah.
Ardaygii ka hadhee casharkaasi uu dhaafee cishadaa tigiwaayana cadhaabuu la ulmaa.
Waa haddii aannu cudurdaar kale haysan oon caafimaadku u diidin ama aanu caruusba ahayn .
Anoo taa cuskanaaya waa in aad tustustaan sida dawladahaasu dadkooda ugu shaqeeyaan ee cidna aysan tubnayn meelaha laga shaqayn iyagoon dan lahayn ama dooni shaxaad.
Ujeedada hadalkaasu waxaa weeye, madaxda waa in aad tustaan sida ay xafiis walba shaqadu uga socoto iyadoo sekenkiyo saacadaha lagu xisaabtamaayo.
Ee ruux ruux jiidhayaa uusan u jirin,ruux la leeyahay kan celi kana soo daa aysan jirin,ee qofkastaa markuu soo istaago tirsigiisa u qaadan.
Ee nidaamka qofba kalkiisa uun uu sugaayo.Waa nidaamka waxa kala horraya dadka,ee ma aha ul iyo budhtoona
Iyadoo aan muhimadda socdaalka la luminayn,waa in haddana fursada lagaga faa,iidaysto in la arko sida dadkaa horumaray ay hawl maalmeedka u kala wadaan iyo qaabkay u shaqaynayaan.
Qaabkii wanaagsani shaqaduu qurxiyaa ee qorshaha taa ku daroo qaybtaas yaan la ilaawin!
Samato bixintay ku jirtaa in daraasadda socdaalku soo aragtoo wax ka keento dawladuhu say u shaqeeyaan.
Waana in nidaamka suuban ay ku soo kordhisaa faa,iidooyin wax ku ool ah oo farsamadooda la yaabo.
dhinac kale haddaan taabto : sida aan la wada socono dhammaan Dadyawga kale ama ummaddaha kaleba iyaga oo argtida ku kala duwan yay haddana maamuuska iyo Sharafta dadnimo awgeed isku qaabilaan Madaxdooda iyo Mudanayaashooda.
Way wada fadhiistaan oo wixii dan ah yay ka wada hadlaan ee saas miyaynaan karaynin?
Mise Saar baan leenahayoo haragaa laynoo lulaayoo,Hees walwaaleed baa lay noo tiryaa oo hagardaamadeenaan kahelnaa?
Wax badan oo la taaban karaayo oo maanta in ay toosiyaan laga dhawri, wiilasheenaa jooga hadeer iyo hablahaa la wadee waaxdooda hayee la waldaafinayaa, waa in aan fahamnaa oo fikiradaha aan hayno ku darnaa.
Inta loo sii mohanaayo in ay soo mulkiyaan ee ay marinkeeda hayaan, walaalahaas maanta socdee samaanta uun daydayaaya waa in aan ku mabsuudno gacana aynu ku siino. Waa siday tahay dhahoo saaka yeela warkaygaas.
Inta ay micnaheeda fahmeen,mahad weeye Ilaah ee bal aan soohdin u yeelo sida ay tahay eegga ee ay ku dhaanto sidii hore.
Habhablayntii hadhay eegga oo haadaantii laysaga boodayay ee hunguriga uun ku dhisnayd,haatan way soo idlaatay. oo samaantaa soo ifbaxaysa ee in aysan suyuc yeelanin saatirkeen ma ka tuugnaa?
Cadka uu rag isku raaco ama uu ku kala rooro rag horaa sheegay warkiisee,wax ka weyn yaan lagu eegin marimaayo ileen oo margashaa ka dambaysee maskaxda maad dejisaan inta meel xun ka fiirsaneey?
Waxaa loo wada baahanyahee bulshadeenu sugayso waa samaan bilatoo,xaqa soo celisoo,xishoodkii oo ku dheehan,xaafad walba dhex timaada oo dhammaan la farxaaye ficilka maad saas ka dhigtaan farxaduna balaadhato?
Ee waxaa laydinka doonahayaa in aynu durba dhaafno dhawrka dal ee u sareeya ee adduunkan hagaaya ileen waa la hawaystaa halkaad yoolka ku hayseed higsanayso walaal.
Oo dhankii aynu ka eegnaba dhakadaa ka ahaano, dhan dhaqaale ha ahaato, oo dhan bulsheed ha ahaato ,oo dhan siyaasadeed ha ahaato ee haddaba taydaa maqla oo tiigsadoo yaanay idin seegin intii aan saaka ogayneey.
Hooy intiinaas sii fadhidee xuska saynta ku haysee, weli aan sooba baraarugin siigada iska jafoo samaha soo raaca walaal!
War intiinaas say noqon layd ku mashquulsan iyagoon sina doonayn, sidan maad isu dhaantaan,ood samaanta garataan,ood miyirka soo ceshataan?
War hooy yaan laga moosine daaya meelahay ku socdaan ee maankooda ka guuxi inta aad murmaysaan eed mindi mindi ku taagta ku haysaan !
Madaxdaa soctee marmaraysa adduunka maskaxdoodaa ku koraysa oo xikmad bay ka macaashi nidaamka ay arkayaan iyo maamuuska yaala adduunka.
Haddii aad marisaan meel walba oo ay tagayaan, goobaha ugu muhimsan ee maamuladu ka socdaan ma hadhay noqon laydoo maankooday geli layd.
Haddii aydaan ku mashquulin hadal aan micna lahayn, Iyo reer hebel maa wax la siiyo oon meel sareba la eegin saw rabtii uun fadhin mayno(Rabtu waa rabteedii).
Intii aad wax tarkiiniyo indheergaradka aad xulataan,xafiisyada u kaxeeya iyo xarumaha daryeelkee dadka lagu daweeyo,iyo xanaanooyinka dhalaanku hadhsanayo ee ay dhex ciyaari.
Xaga kalana tusa oo sida aan ruuxna ruux kale ugu xadgudbaynin ,Iyo sharciga suu u shaqeeyo ee sharafta loo wada dhawran dhaayahoodu ha arkeen.
Oo kormeerkaas ku dhagsiiya dhinacyada ugu muhiimsan. oo wax soo saarka tusoo warshadahoo dhanna geeya, oo ha wareegeen waaxyaha tacliintiyo wadooyinka hoosiyo jidadka waaweyn dhammaan.
Oo mareegaha dooni In ay dantu toosto, oo diihaalkeenii dhammaado, degdeg ha ugu tebiyeen inta ay taagtoodu gaadho. Iyo inta uu codkoodu tagaayo idinkaa taabsiin karoo tusaya say wax yihiine .
Isagoo Mar qoraal ah oo akhris loogu dhaqaaqi.
Marna muuqaal ah oo muunadiisa la daawan.
Mar dhagaysi ah oo dheguhu ay maqalkooda la macaansan samaanta .
Midkii dooni wanaag Illaahbaa la wadaaya,oo ciddii weecin la maagta ka weyn oo ka wareejin.
Waxtarkiinana waa la arkaaye weedhiinu ha samaato oo saaxad walba ha joogto subixii alla keenaba.
Waaxidkeenaa asteeya halkuu ruuxu maraayo,iyo meesha uu ku danbayn oo wakhtigu wuu ordayaa.
Oo midkii aad joogto unbaad leedahood wax ka dheefi ee dhaxal fiican ma uga tagnaa dhalinta soo kori eegga dhibka intaynu ka deyno oo dhalanteedk ka saarno.
Adduunyada dusheeda haddii uu ruux ku waari lahaa Nabigeenaan ka tageen(SCW) iyo intii uu Rabbi doortay ee rusushiisa ahayd.
Oo Saxaabadii baan ka tageen,oo Saalixiintii ka danbaysay yaan ka socdeen,oo Suldaanadii baan ka safreen, oo Sayidadii baa ku sugnaan laa, oo Awoowyadeen iyo Aabayaasheen baan ka samreen oo haday karayaan sii joogi lahaa.
Ee sidaa uu ruuxba ruux safka ugu banayn yuu safarkii u socdaaye Samo aynu u reebno intii aynu Sun u dhiibi lahayn iyo Sawaariikh dadka laysa.
Waar Ilaahay ka yaaboo wanaag uun Ka Shaqeeya,kaas ayaa hadhidoona,oo kaasii hormaraaya ee hagardaamada dhaafa iyo hogga laysu qodaayo.(Bohol haddimo ha qodin ku dhicidoontaana mooyi)
Weynaheenaa wax ogsoon oo Nina aan ka waraysanahayn waxa ruux uu sameeyay,iyo wixii uu damcay toona,oo wadnaheeniyo laabtaba waxa yaala arkaaya weedheenu ha samaato.
Waa Adduun waxaan joognaa nina aanu ku waarayn ee wehel fiican ma isu ahaanaa oo samaanta ma dhawrnaa.
Weynahaa isagoon meel kaleeto ka raadin,oo cidna aan la miciinsan, oon caawimaadna dalbanaynin hawshuu doonaba yeeli.
Isagoo amar uun ku ridaaya oy ahaan siduu doono(Kun Fa yakuun)ee inagu maan arinkeena Abshirta uun aan ku deyno.
Eebe mooyee car yaa siduu doonaba yeeli Karaaya ? Xaashaa kallaah Ciddna.
Mar haday taldu ta ilaah uun tahay heedhe,haddee maxay noo diiday in aan tubta toosan wada qaadno?
Saw shaydaan iyo camalkii caadadaasu ma ahayn? war tubta toosan wada raaca oo tawfiiqdana wada ogaada.
Ma caqlaynaan lahayn aan xumihiisa ku diidno iyo xaasidnimadiisa qarsoon? Maya walaahi illaahay Aadamuu inaga dhigay oo xoolo inagama dhigin! ee malah waynu siloonahay.
War xantu way iska joogsan,xumaana waa ninkii geystay ee xinka uun yaan loo xabadweynaanin illeen xabaal baa inna sugaysee!
Hal ogaada dhammaan waxba yaynaan isku daalin oo dadka yaana lalaynin,mar hadaynu tegidoono halka aan waxba laysu tarayn ee ninba tiisu cuslayn.
Xasanaad ninkii haystoow,ninkaleeto xantaadu heedhe yay u wareejin xisaab wixii kuu noqon laa ee miisaanka kuu xajin laa!
Wixii uu Eebbe abuuray ee ifka uu ku dul uumay Aadamahaa u Wanaagsan,oo Isna Wuu gafayaa oo meeluu gees marayaaye ee miisaankiina iyo maankiina ilaasha.
Marmarsiiyo xumaan ihi meelna kuu wadi mayso,murtina kuu noqon mayso,martina kuu soori mayso,Mabdana kuu dhawri mayso .
Ee Meel la,aan yaanay ku tuurin muranna waxba kuu tarimaayo,iyo male beena oo habawsani ee madhanta yanay ku fadhiisin!
Macnahaasu dhab weeyoo macsuumiintii iman maysoo waa horay ka socdeene,oo aadamahaas yaynu nahoo meel unbaynu ka badoodiye maan Macbuudkeena ka yaabno oon samaanta uun ka shaqayno!
Oon beenta meel ku xidhnoo ,Xadhig aanay goyn karahayn iyo Silsilad xooggan ku daguugno oo xabaalna aynu ku duugno?
Maan Mawlaheen barrino in uu balaayada kore inaga raaro,oo tan hoosana inaga riixo,oo tan dambaysana inaga reebo,oo tan hareeraha inaga oodo,oo tan horeetanna inaga roorsho iyadoon ruuxnaba taaban?
Wixii uu mid ilduufo mid kaluu u saxmaa,oo markuu arka toosiya tuluxdii ay kaqaloocday iyo halka ay ka tifmaysay ama ay ka tifqaysay waana siday ku tanaado ee ma yeelnaa sidaas hooy?
Duulkaa soo kacay maanta ee da,doodii wada joogaan ee midna aanu ka danbay maad ku raysaan aragooda ileen waa Raxmad Eebee?
War waa daad rogmadoo dib u soo noqonmaayaan dadyawgeenii hore ee dunidan looga Sareeyay.
War sankoodii dhulka yaalay sarena aan eegi karayn saaka ma aha sidiiye sidaa maad fahamtaan,nina kaama sareeyee!
Tilmaantii toosani ahi waa sad ilaah uu ku siiyee samirbaa guushaba keena iyo sadrigoo la sifaysto.
Saaxiibayaal sumadaysta sadar yar baan idin siin oo si fiican u eegta si aydaan u ilaawin.
Ruuxwalbaw kabahaaga intii aad kor u qaado,bal sankaaga ku toosi salkooda(Sarta) hooseed dhulka saarto adigoonan sifaynin.
Haddii aad ka sariigto,oo sidaa aad qaadani weydo, adigii saaray kabtaas,dee dadku waa wada saase, oo cidna saas kaa yeelimaysee,Saaxiibow dee ha ku fiiqin.
Sankaagu wuxuu diiday San kalana doonimaayo.
Oo wixii aad ku dhibaa,dadkana aad u dhibaaya ee dhab taas u dareema!
Haddaad foolxumi diiday dadkuna wuu diiday ee in ay daw tahayna ogow.
Adoon ciddi kugu fidinin haddaad keligaa is tustay in ay kabtu rogantahoo hoosteeda khalad ku jiro ,ha ku dayin ruux kalana.
Adba waad kahatayood, kariwayday midaase,
intaad kabta soo rogato oo aad si quman u dhigto,
ha u quudhin qof kale naftaadu waxayna rabin .
Waxaan rubadaadu rabin In uu ruux kale aqbalo miyaad raali ku noqon?
Wiilashaa raacdayn danteena durba way gaadhayaane dabin yaan loo dhigine dhabha u baneeye hooy.
Oo sideenii yaynaan daadan Dabaal inagoon baranin oo Badweyn yaanaan ku degin?
Saqiir yaynaan noqon, sidaas yaynaan ku madhan, ee samaanta u toosa oo Sidaas aan isku ogaano.
Ee sidaa kii aan jeclayn Rabbibaa soo celindoonee waxba yaynaan sii didin.
Waa intaas oo ay soo noqdaan iyagoo soo hagaagoo Samihii u halliillaya haatan.
Dantu waa seetadaas kay ka daahdaw nasiibkaa cidkaleeto ha eersan,eedna hayska fogayn aayar taada uun fiiri.
In badan oon xiskoodaba xumaan soo marinbaa,mar walba lagu xantaa.
Illeen waa dhaqankii iyo dhibaatadii jaahiligoo weli aanan dhammaanin.
Dhibka ruux uu sameeyo in ku kale lagu dhibaana! diintu meel uma hayso iyo qiil loo weji saaro sidii loo joojin lahaana jid dheer bay heedhe rabtaa.
Is qaloocin ma fiicna, qabna waa laysku nacaa,qaladna waa la saxaa,qiso waa la dhegaystaa,qaadirkaa la ajiibaa,qabrigaagaa la iftiinshaa,qolo waa laysku gartaa,qaarad waa la degaa,qofka waa la xurmeeyaa,qalbi waa la nadiifshaa,qabyaalad waa laga faanaa ,qawmiyadaa lagu nastaa oo Qaranbaa la dhistaa.Qaabkaa ma u soconaa?
وصلى الله على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
la soco qaybta 8-aad iyo socdaaladii Samata bixinta
Abdirashid olad(shabeel)
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.