DEGELJOOGI WAA RASMIGA DADOOW TAA WADA OGAADA!

altDEGELJOOGI WAA RASMIGA DADOOW TAA WADA OGAADA!
Degeljoog(Daljoog) :


Waa laba eray oo isku micno  ah. waxay u rarmaan oo ay is ceshadaan erayga Qurbajoog.
Haddaba markii qoraaladeenii iyo afkeeniiba ay aad ugu badatay waayahan dambe weedha ah qurbajoog, ee aan ka yaabay in dadkii dalka joogay  ay is weydiiyaan kaalinta ay iyagu leeyihiin,waxaa ii muuqatay in aan qeexno kaalintooda iyadoo aan leeyahay sidatan:
Maahmaah horaa tidhi "Haddii lagu sheego waa lays sheellaa,Haddii lagu sheellanna waa lays sheegaa"   Inta aanay degeljoogtu(Daljoogtu) is sheegin in aan sheegaan  saw daw ma aha qurbajoogay? Sidaa saw miynaan jeclaysan mar haddii ayna sheegeen oo soo dhoweyn sharaf leh noogu dareen iyana way naga muteen in aan maanta tilmaamno.


Kaalinta degeljoogtu waa ta Hooyada u ah in la soo hadal qaado qurbajoogta oo hoygoodii loogu yeedho.
Waa kuwa uu Allaheen waafajiyay in ay suura geliyaan dawladaa suuban ee dalkii maamuli eegga.
Waa kuwa baylah u diiday ee degelkii  aynu lahayn Dugsiyada ka sameeyay ee dadkeenii kobciyee jahligii baal uga tuuray intii ay karayeen.
Waa kuwa maantaba geeyay dadkiisii ka qaxee dibadaha yuururay ee iniba meel dibjiraysay.


Waa kuwaa horkacaaya  qurbajoogta tagtee dalkii aaday hadeer ee dareenka nabaddeed  la wadaagatay.
 Wakuwaas iyagoo dhan oon cagajiid iyo gaabis lahayn inba meel ula roortay ee qurbajoogtii qiiro ku beeray ee tuseen dalkeenii  sharafkiisa.
Sidaas yaan u qaatay eraygaas oon weliba siinayo Ahmiyad xoog leh.
Waa laba aan kala maarmin,oon marna kala hadhidoonin haddii Eebbe yidhaado.
Waa iftiinkaa ka baxaaya degelkeenii  wacnaa ee nuurkiisa ay dareemi  naftii daacad ah ee quman .
Ee ay weliba naawilayso tegidiisiyo tamashlaynta dhexdiisa.


Degeljona la,aanteed Qurbajoogeey dalku wuu  dhaxal wareegi lahaa idilkiiba. Degeljoogi wataa,weliba kuma koobna intaase inta hoosana eega oo akhriyoo ha ka boodina.
 Degljoog waa weedha  isu dheeli tiraysa labada dhan ee bulshadu ku kala nooshay  ee mid aan waayahan aad u hadal hayno "Qurbajoog".
Sidaa awgeed iyadu waa waalidkii lagu wada hoyanayay.

Warbaahintana waxaan ku soo kordhinyaa in uu eraygaasu noqdo mid aad loo isticmaalidoono hadal xikmadeed hore ayaa ahaa"Falaadha Salka iyo tan Isha mideen kaa jaraa? Jawaabtiisuna ahayd,war horta salka aan meel la helo oo micnaheedu yahay ta Salka iga fuji"  Degeljoogtu waa Salkii ama saldhigii,waa Wadnihii waana waaxyihii,waa Maskaxdii waana madaxii,waa Waalidkii ,Qurbajoogtuna waana Ilmihii waana ubadkii.
Erayga qurbajoog wuxuu soo koobay guud ahaan  noocyada kala duwan ee bulsho dalkeedii ka maqan  kuna dhaqan dibaddaha.
Degeljoog(Daljoog) ayaa haddaba isna ah mid soo koobaya noockasta oo ka mid ah dadkii dalkiisa joogay ee dhulka laf dhabarta u ahaa una ah weli,una ahaan doona.
Dadkaa lagu soo hirtee,dalkii sii joogay ee,dadaalka baaq  fidiyay degeljoogta saw ma aha?
Dadbaa si xun wax u arkoo,doorsoomi markay maqlaan,dadbaa degelkii u kacay! ! ! kuwaa rabiyoow DAWEE, OO DAREEN CAAFIMAAD KU BEER.
Dantoodu maxay bal tahay?

Dadkaba qaarbaan jeclayn wanaaga iyo samaanta iyo nabadba in lagu seexdo!
Dadbaa  la foosha xumaanta oo aan dharaartii soo hadhgalin, habeenkiina fool halaaba.
ALLOOW SOO DAWEE KUWAANA OO FITANTA KA BADBAADI KULIGOOD.
DADYOOW AAD II DHAGAYSTA HALKAAD DOONTAANBA JOOGOO.

Dalkaasi haduu daycamo,dadkeenuu eersan doonaa  ee fursada yaynaan khasaarin oo hadeer yaanaan luminin! aan  nabadda salka u dhigno.
Dadkeenii xabadaa la degtay oo dhimmaade walaalayaa!
Dhug iyo dhac bay maqlaan iyo hebelna maanta dhimay!
Dhibkaas ALLOOW  NAGA DHAMMEE! oo nabbad deyr adag u yeel.
ALLAW NAGA QABO AFWARQI. Aamiin
Waxaan hadalkaa u idhi  een illaahay ula cuskaday.
Haddii uu daacadyahay Afwarqe! dhankiisuu ka oogi laa dagaalka uu soo rarayo.
Ee dhallaanka uu nagaga layn,ee degelkana luggooyada ku noqday.
AFWARQE QOFNA KAGAMA DHINTO DHANKAA TAAKADA U JIRA
OO HORUU U ARKAY KHASAARAHA!
Afwarqe nina kagama dhinto dhankaa taakada u jirta.
Gabadhna hadalkeeda daa oo sharkaas Shiraaruu ku arkay!
Shidana lama raboo halkaas oo horuu ugu hoogee garta!
Ee xasaradaas uu dhankeenna u soo rarayo dadoow
Iyo dhimashada dadkeenna muxuu kuwooda ugu diidayaa?
Muxuu Innagga nabadda Inoogu qoonsan?  Qasad kale saw ma aha?
Galabba guribaa la tegi oo gabanadoodii  la layn.
Doraad qaarbaa la galay,maantana ku kalaa la tegi
oo gurboodkaa laga birayn! Dhegtiisu taasay Rabtaa
Ee Rabaw naga qabo adigu. Aamiin
Dhibkaasuu nala rabaaye Raboow degdeg nooga qabo. Aamiin
Hadduu tiisii daryeelay oo Nabad kula degenyahay dhankiisa
Muxuu noo dhibi annag oo dhiillada noo gelini ?
Rabaw degdeg nooga qabo dhibkiisa naga dawee!
Sababtiisay u dhintaan sabiyo uu soo khaldoo saxaaraha uu ku shubo.
Dhibkaas yuu nagu hayaa oo dhabbaha nabadduuna rabin.
Horumarka uu naga horjoogo isagu sawkaa higsani ee heshiisyada geli marwalba
Raboow degdeg nooga qabo Colaaduu nagu dhexwado.
oo intii aad naga dhex saarto Rabaw dhibkiisii naga dawee!
Maxaa loo  dhibsan nabadda isba uu dhawranayo.
Dadkiisu intii u hadhay dhammaan sawkuwaas ku jooga
Jirrabna aanu la rabin ma kuwanaan Jiho lahayn oo Jabkooda ciddina ka danqan!
Rabaw adigaa na uumay oon addoomo kuu nahay oo waad ogtahay.
Alloow adunbaan ku eeggnaa oo awoodaadaan ku noolnahay.
Alloow Annaga miyuu nooga rayn adduu kugu caasiyaye Afwarqe.
Dadkeenoow ma waxay u ahystaan in uu diin ahaan uga dhawyahay
kuwaan dawladda wadaagno ee dalkuna uu naga dhaxeeyo?
Rabaw garansii dadkayga in  uusan dantooda wadin.Aamiin
Dhaqaalaha iyo waxsoosaarka  dadkuba ay tiigsanahayaan
War hooy yaynaga horjooga? dhibkuu wado saw ma aha iyo dhallaankaa uu naga khaldayo?
Dhibaatada yaa inoogu wacan ?  Waxbadanbaa lagu jawaabay waxanse ku koobi laa
Dhibaatadu waa caqliga iyo halkuu dhaawacu ka iman
CAQLIGA WEEYAAN JAWAABTU.
Dhibaato meel walba way ka jirtaa ee caqlibaa lagu moosaa,
Oo maareeya wixii murga ee marinkiisa ka leexda.
Khasaare meelwaba wuu ka dhacaa ee caqlibaa lagu kabaa
Kobtii uu ka yimaado.

Bulshadu way tartantaa ee haddii uu dhib ku keeno
Caqlibay kaga baxdaa oo ka illaaliya qalooc  dambe.
Baraf deyn waa dhalaal,  Dhedo roob  noqon wayday, Afwariqina deyn waa dhibkeena,
Inna dhoodhoofi weynay oo weli waa taas qaar ku sii dhusdhus layn! ee dhibkeena raadsan!
Ee Alloow labadaba nooga illaali degeljoog iyo qurbajoog dhibaatada uu noo qorshayni. Aamiin
oo dhibkiisa daantiisa u leexi iyo daartuu ku jiree ka maleegi xumaanta. Aamiin
Alloow nooga badbaadi ummaddaas eegga meesha fiican maraysa.Aamiin
Iyo dawladaas aad noo dhistayee Rabbiyoow aad noogu gargaartay.Aamiin
Ee amarkaaga uun eegga ku taagan .Aamiin

Degeljoogta uu dhibku gaadho dhankeeda yaan intaa ugu dheeraaday dartood.
oo qalfookayga unbaa qurbajoogee Maankaygu iyaguu la jiraa.
Dhibkoodaa i danqaaya taasuna keligay ma ahee malaayiin baan isku noocnahay.
Degeljoogta(Daljoogta):  lama huraan waa caws jiilaal, Degelku waa lama huraan, daljoogtuna waa laf dhabarta,waa hooyada dhabta ah,Magacu wuxuu siduu ku yimid "Dhulkii hooyo" saw lama yidhaa? Afkana saw lama yidhaa"Afkii Hooyo" dee Aan saxeexno waalidnimadii in ay degeljoogtu(daljoogtu) leedahay Marwalba haddii ay hooyadii iyada raacday.

Degeljoog  la,aanteed  dalku xiisaba ma  yeesheen.
Dubaaquna ma qaateen in aan wada dareernoo daawasho u aadnaa.
Degeljoog la,aanteed dadkani uma dhaqaaqeen dhulka iyo ciiddii.
Degeljoog hadaan jirin duunyadu ma dhaqanteen ee bahaladaa dhamayn laa.
Degeljoog haddaan jirin dadku isma waraysteen, dalna lama xasuusteen.
Degeljoog haddaan jirin diinta lama adkaysteen, dadku wuu bedelmilaa.
Degeljoogay waxaad tahay:kuwa lagu ladaa tahay,ee lagu farxaa tahay.
Degeljoogay waxaad tahay:wehelkii naftaad tahay,oo waalid loo bogaad tahay.
Degeljoog bal weedhaada ii dhiib, waddankii ka sheekee iyo ubadkaa idiin yimid!
Degeljoogay qurbajoogtii qiiradoodii ma la yaabteen? HAAHEEY
Illeen waa duul la qasoo qalbigii laga haystoo qayla dhaan hore may helin in dhawayd ka horowba.
Degeljoogay qurbajoogtaa dhegahooda wanaaga dhugdhugleey baa u dhaxaysay oo dhiilo unbay maqlayeen ee ma ka soo dhurteen wixii jiifay dhexdoodda ? Haa baan u malayn oo dhabtii way soo arkeen waxa yaala dhulkii.
Bal dhansiiya wanaaga
Bal dhegahooda sifeeya
Bal dhaayahooda wax tusa
Bal dhulkii soo bara haatan oo
qalbigooda ku beera kalgacaylkii baari lahaa.
Dadkeenii soo wada toos.
Ee qurbajoogey degeljoog Rabbigiin uga tuugga
Duco waalid lalla eegto ta ugu wacan ee u wanaagsan.
Illeen waynaga muteen,oo indhihiinay waxtuseene,
In illaahay ku illaaliyo wanaagaas oo uu awoodiisa ku dhawra
Aamiin ma tidhaadeen? Haa,  Aamiin Alloow.
Degeljoogay idinkuna ubadkiinaa u duceeya!
Dhabtaa aad eegga saarteen mar dambe yaan laga qaadan
in aan wax ka dhantaalaa Illaah agtoodaba soo marin.
Idina taa Aamiin ma tidhaadeen?Haa, Aamiin Alloow.

Abdirashid Olad(Shabeel)
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews