SANAD WACAN OO WANAAG IYO HOODABA LEH ALLOOW KA YEEL (1432/2011) AAMIIN.

altSADRIGA IYO LAABTAAN SALAAN IDIINKA SOO TABIN
EE SAMO  KU WAARA HALKII AAD KU
SUGANTIIN SAMO BIXIYAYAALOOW

    
Degeljoog(Daljoog) iyo Qurbajoogeey Sanadkii horumarkiyo samaantu waa kan soo galay ee Qalbiga wada sudha Saadaashaa wanaaga leh 

SAMAANTAAN SUGAYNUU SANADKUNA LA KOWSADAY OO SAFIIRADEENII SANADKII SAMAHA WADAY SAAKABA LA HAWLGALE.

SALANTAA KOREETANA SAAXIIBAYAALOOW SEDWEYNBAAD KU LEEDIIN EE SEED TIHIIN MA NABADBAA? SOO DHOWAADA KULIGIIN.

Bal aan maantana idiin daro sida uu dadkeenii dantii isula meel dhigay ee degelkii laga fili dib u dhicii inuu ka raystaa oo dadkiisu horumaro.

  • Degljoog iyo Qurba joog Dani miyay ka dhaxaysaa?  Haa.
  • Degeljoog iyo qurbajoog  dadka may iska xigaan? Haa.
  • Degeljoog iyo qurbajoog ma derbibaa u dhexeeyay?Haa.
  • Degeljoog iyo qurbajoog ma doqomay heedhe ahaayeen? Maya ubad looma quudho midaa Waalidna hadalkiisaba daa.
  • Degeljoog iyo qurbajoog dadku say u yaqaanaan? badhbaan taa horey u sheegay ,wixii dhimmanna dib ayaan  idiinka sheegi haddii uu Eebbe yidhaado.
  • Degeljoog iyo qurbajoog duulwalaalo ah saw ma ahayn?Maya waa bay isaga sokaayaan oo waa waalid iyo ubadkii
  • Degeljoog iyo qurbajoog dooda yaw furay eegga?Waalidkiibaa samri waayay oo ubadkiisii aayar doontay(Nimaad dhashay kuma dhalin)
  • Degeljoog iyo qurbajoog ma dadbaa u dhexeeyay maxaa dhibaatada keenay? Haa duul beenta aad u yaqaana u dhexeeyay.
  • Degeljoog iyo qurbajoog ma sidii Haabiil iyo Qaabiil bay isku noqdeen? Maya kuwaasu walaalayba ahaayeen,ee iyagu waa sidii duulkii Nebi Nuux ee intii raacday badbaaday iyo wiilkiisii diiday warkiisa ee dadkii buurta u raacay ee duufaanadu la tageen,oo inta diidan wanaaga darxumo weeye waxa looga digaayo.
  • Degeljoog iyo qurbajoog midkoodee dawga ku taagan? Intoodii dooni wanaagga een laynaynin dhalaanka ee nabadda korinaysa,ee wadajirka u heelan,ee horumarinta ka shaqayn,ee dhulkooda wanaajin,dhaqankoodana xoojina,dhibna aan doonahayn,ee cadaalada dhawri,oo cidna aanan dulmaynin dee kuwaasaa heedhe ku taagan.
  • Degeljoog iyo qurbajoog dhankee bay isu raaceen? Haa indhacbay u bateen oo samatabixinbaa laysku raacay oo samaantii baa lawadaa sidii loo wada qaadan lahaa.
  • Degeljoog iyo qurbajoog dhan haday u bateen dee maxaaba inoo hadhay? dhulka oynu habaysano iyo dhaqaalahoon sare u qaadno.
  • Degeljoog iyo qurbajoog  mar haday isu tageen dawladii saw ma dhaqaaqin? Dawladii way dhaqaaqday oo dhabahay cagta saartay oo dhankii aad eegga ka eegtaba hal in aynu ahaano iyo horumarbaa loo dhaqaaqay.
  • Degeljoog iyo qurbajoog dhibka maysla arkeen oo dhinac mayska dhigeen?Haa dhibkii way isla arkeen oo qolowalbaa dhanaceeda in ay  dhaliilahooda saxaan dhab ayaa loo wada qaatoo,gacantaa lays wada saaray oo dhibkii jiray waa la dawayni ee (ishii buktaay ku bikaacso)
  • Degeljoogtii iyo qurbajoogtii qaarbaa soo baxayoo dalalka qaar soo maraya arintaasu ma dhabbaa? Haa oo Madaxweynahaaba hoggaaminayoo Maraykanka way soo marayaan,Koonfur Afrika way maridoonaan,Keenyana way tagayaan Haddii eebbe yidhaa oo weliba Aad baa loo sugayaa.
  • Degeljoogtii iyo qurbajoogtii haddii ay dalkiiba jiraan dibada loosoo baxayo wax ma iiga sheegi kartaa? Haa oo sidii aan horeba kuu idhi (Nimaad dhashay kuma dhalin waa hadal horoo murti weyn  leh midkaasu)  waalidku waa ururiye oo ubadkiisa midna kagama tago cidla dhibna uma ogola oo meel kasta wuu ugu tagaa ducadana wuu ku dayaa, waana raxmad eebbe ku beeray marka waa sidaas arinku  marna waalid ma dayrsho mana tuuro ubadkiisa.

Warkii waad ii dhammaysay anna wuu iga daadegay oo dhab ahaan waan qaatay xogtaas oo samatabixintii way i haleeshee haddee seen ula kulmaa sidii hore saw lay moodimaayo? Maya

Maya taasu dhammaatay ummaddii eegga way heshiisay oo walaalawdaa lays hayaa.
Maxaa eegga Dardaaran ah?
Dardaaranku waa nabadoon wada daadihinaa oon
dawladeenna adkayno,dadkana aan la dulayn mar dambeeto.
Maxaad Qurbajoogta loo iman iyo Degeljoogta u iman labadaba odhan lahayd? Hadlku waa midkaa kore.

Marka Hore Maqlaysaa!
Marka Xiga Arkaysaa!

Waad Maqasheen  Dhedo roob noqon weyday
Waad aragteen       Dhalaal dayn waa  barafkiina

Afwarqina xasarad iyo xaasidnimaba dayn waa! oo dhibkii haystay dadkiisa dhinaceenuu u soo raray. dhulkeenuu dooni inuu xal uga dhigo dhibkiisii
oo dadkiisa lama rabo inay kaga dhintaan ama dhaawacmaan dhulka taakada u jira ee dhinaceenuu soo dhigay dhibaataduu ku jiray beryo.

Degeljoog iyo Qurbajoog labadaba waan doonayaa  oo waa dadkaygii .

Degeljoogeey qurbajoogtii maysu soo orodeen oo madaxa maysu salaaxdeen?

Qurbajoogtii waan aragnaa qafiskay geliyeen indhahooda ee ilmadu ay qubanayso farxada qaaday darteed.

Hadalkaan qaadan jirnee dad qoraal maynaan ahayn oo isku maynaan qumanayn.

Ee Alloow ay qaataan warkooda iyo Weedhaha toosan ee wanaagga xambaarsan  ee warbaahintu siini(Aamiin).

Qofwalbaaba wanaaguu qaadiroo doonahayaaye halka quman nagu toosi Addunbaa karayee oo dadaalkaanu samayni yuuna noo dirin meel xun (Aamiin).

Qaaradahaas aanu ku baahanay qaar nala dhashaa noogu yimoo qaylo dhaan bay noo sideen ee intii aan qaadan garan sii!(Aamiin)

Iyagaas qudhigooda(Degeljoogta) baaqyadii ay noo wadeen qaylo dhaan weeye wanaagsan oo qowmiyadiinii dhista weyee.

Ee wixii ay Eebbe dartii ummaddaas u hagaajin ee qalbigooda dhexyaala ee qofkasta soo jiidan laah Allahayow karasiin oo iyagana ku hagaaji,(Aamiin).

Qayla dhaantii utimee loogu keenay qurbihii iyo qaarba meeshii uu joogay,  yay qurbajoogtii la dhaqaaqday oo qaadirkaa  karansiiyay degelkii oy tagaan iyo dadkii oy soo arkaan oo waa kuwaa qulqulee qabalee walba gaadhay.

Qummanayaal baa ugu baaqay in ay beledkoodii arkaan oo booqasho ay ku yimaadaan iyagoon baqanaynin,oo baarkooda dhaliili.

Bartaasay qurbajoogtii ku fahmeen oo bishaaradii madaxdoodaa beerkoodii ku dhex baahaday oo farxad bay la baqooleen.

Qalinku waa in uu qoraa baariyadii baaqa u keenay iyo baxsantii la wadee bilicdeedu samaydee malaayiin badan  dhaantay ee bartii aanu  ku noolayn kabilaabay  Socdaaladii Samato bixinta.

Degeljoog iyo qurbajoogeey  taariikhdu waa ma guurtee qalbigiina geliyoo qorta oo buugta  haydiinku taalo iyo badhtamaha maskaxdiina.

Haddana aan ku bilaabo Hogaamiyihii wafdigaas  Mudane Cabdifataax Sh.Cabdullaahi. Waa Guddomiyahii XDSHSI,Waana Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee heer federaal,oo markaas ahaa Wasiir heer Deegaan.

Taariikhda waa la xusaaye Adeerkay Sh.Cabdullaahi waa shaqsigii u horeeyay ee anoo ah dhalaan dhulkaa ii soo kaxeeyee, jarrarna ii saaray cagaha, oo araarsaa u horaysay meel  carigeenna aan ka seexdo habeen oon caanaheeda dhammaa.

Intaas aan ku dhaafo midaa oo mar kalaan soo dhigidoonaa iyadoon dhoobo ku duulin haddii Eebbe yidhaahdo oo dhigaal bay iigu taalaa dhakhso aan u daabicidoono hadii eebbe ogolaado.

Aan dhammeeyo xubnihii keenay bishaarada ee bariidada inoogu  soo baxay hoggaanbuu ahaa heedhe  kolkaase ee aan ku xigsiiyo Madaxweynaha  Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Wasiiradii kale waa kuwan Cabdirahman Sh.Maxamed Bulxan(C/Raxmaan Guray) wasiirka ganacsiga  heer federaal oo markaas ahaa w.w.barashada heer deegaan.

Dr.Suldaan Weli
wasiirka biyaha heer deegaan,Bashiir Cabdullaahi Caydaruus wuxuu ahaa w.dawlaha beeraha heer federaal.
Baxsantii aan kor ku sheegay ee Malaayiinta ka fiicnayd waa tane barta oo sharafteeda bal eega oo buugta ha ugu horayso Marwo Sadiiqaa Cabdi Ismaaciil .Waa muunadii hablahoo horseedkay ku jirtaa. Lix xubnood bay ku socdeenoo keligeed baa Dumar ahayd oo haweenkay matalaysay waana Marwadii Madaxweynaha.

Intaasuu ahaa safarkii u horeeyay.Baaqii kuma joogsan halkaas ee haddana way soo baxeen.
Iyagoo badanoo waliba ay barbarkooda socdeen xubnihii u buseelay wanaaga ee nabada qaatee u badheeday UWSL/ONLF.

Iyagoo bulshadoodii ugu baaqi wanaagga iyo in ay burburinta iska daayaan,oo balaayadii iska dhaafaan oo dhulkoodii beerihiisa qotaan.
Iyagoo dooni in ay bulshadooda baxnaanshaan oo la badbaadsho dadkaas badhba meel ku silcaayo ee badh  ay xabadu beerkooda jarjarayso. oo badh ay Jeelka dhex jiifaan. oo,badh ay gaajadu layni,oo badh ay dhaxantii  Sanbabkoodii biyo dhigayso, oo barrarku uu ka muuqdo korkooda intii ay la bukoodaan.

Badhana ay busaaradu layni ,oo badhkood ay tuugo barayso oy markaa dadka boobi baahidaa haysa darteed,badhna aysan tacliinti baranaynin rafaadka iyo beeso la,aanta.

Badhana ayba balaayadii ku abuurtay  Agoonimo oo wax baashoodaa dhawra aysan lahayn,oo badh yaaceen iyagoo baxsadoo fakanaaya oon Eeggadaaba la hayn meel jaanba dhigeen.

Badh kalaa ku basbeelay bacaadadii lama degaanka(Saxaaraha) oo badhtankiisa qaar ku hadheen.
Badhna waabay ku daateen baddihii ay ku tahriibeen,oo bahaladii ku cuneen.

Badhna buurihii bay ku go,een ay balaayadu keentay,oo badhbaa ku duloobay derisyadii aynu lahayn oo qiimo beeloo sharaf waayay.

Badhna waaba la dhoofshaa sida xoolaha nool oo dheeman baabay noqdeen illeen waa dhakafaaroo iyagaa diiday dhulkoodee.

Badhna waa la kiraystaa sidii waaggii Adoonsiga,oo badhbaa layska boobaa hantidooda intii lagu hoos dilo aayar sida Koonfurta Afrikoo kale iyo meeshii kalee Xabdi ay ka dhacaysaba.
Badhbaaba la seexshaa cadceedoo  baadhitaan lagu sameeyaa,sidii oy balaayo wataan.

Badhna waxay la  curyaameen barafkii ku da,aayay bartay joogaan ee loo la yaacay.

Badh ayay kal fardheen Ehelkii beled gaalaad dhexdiisa,oo badh Hooyadu dhaaftay,oo badhana Aabuhu dhaafay,oo badh dhaafeen labadiiba,badhna dhaafeen Caruurtii oo keligood fadhiyaan cidladii.

Badhbaa Diintii loola baqaa inay baal ka maraan,badhna waxaa looga baqaa in aayar layska bireeyo oo bidhaantooda la waayo.

Walaalayaal  intaas oo Basan Baasa yuu socdaalkaasi dawayn ee Birmadka maad maqashaan ?

Qurba joogtu dhammaan may qunyar soo eegaan dalkii oo dadkii u tagaan iyagoo u tudhaaya oo Eedaadka uga hiilin,oo inta aaday hadeer halkoodaa kula hadlaan si ay hore ugu socdaan oo hamigoodu u hagaago.

Saleebaan
waysagaa tegay haatan, ee hoboladii caanka ahaa halkaa ay ku salaameen,Abwaanadiina dalka joogayna ku sooreen ee soo dhoweyn heer sare ah u sameeyeen .

Abwaanada aan tegin ee weli jooga qurbuhu may soo arkaan Arligii sida uu yahay eegga? oo indhahooda may wax tusaan,arinkaas maad fulisaan intii aad hoos u eegtaan oo intii dooni wanagu may dhammaan isu raacdo?

Dhego dhegayn way dhamaatay ee indhahaagaa wax la tusaa warxumo tashiil ha ku quustee?

Saleebaan baa soo maray oo saad ogaydeen loogu soo galbiyee,gidigiin  maad soo booqataan, bandhig maad ka samaysaan,bulshada maad la wadaagtaan Barkhadaa ay heshay eegga?

Hooy intaad beenta ka deysaan iyo waxaad buufinaysaan maad balaayo xijaab iyo barkhad weeye tidhaadaan ood dhibkiina ka dhawrtaan ?

Qawmiyadii soomaaliyeed kobta ay ku dhanyiin ee kuligeed ay wada joogto kobtaas uun weeyee ogaada haddeer  kuwa aanan wax ogaynow.

Abwaanadaa tegay bal waraysta oo Maxamed weydiiya Su,aalo.

Khalad haddii aad tirsanaysaan qunyarbaa loo hagaajin oo qumanibaa lagu eegi Ee Qurbajoogta bal raaca oo Qalabkiina horay u qaata hobalada dooni wanaaga iyo Sharafta qawmayadeenoow.

Jigjiga iyo Shiniile,Dhagaxbuur iyo Qoraxay,Fiiq iyo Wardheer, Godey iyo Afdheer iyo Liibaan Gaadha oo qaabilaad qurxdeeda layaabo iyo qadaba  ha laydiinku sameeyo  idinkiyo qurbajoogta qaybahooda kaloo dhan.

Aroortiina quraac qurbaha teedii ka fiican oon qabooje soo marin,qandacna aan uba baahnayn yaydun qacdaaba ku hayn idinkoo qoslayoo qiiraysan dhamaantiin oo qaarba qaar u hiloobi.

Kolkaasaad qalabkiina intii aad kor u qaadaan Qaadiroow mahadaa luuqdiinii baxsanayd bartaas aydun ku qaadi lahaydeen.

Qurba joogtuna qiiro xoogloo la yaabo dhankooda ay ka qacsiin ilmadii kal gacaylka ee qalbigu uu xajin waayay!

Qabawgii baa laydiinka hiillin lahaa oo qorax baydun  ku qubaysan lahaydeen, Qurbihiibaydun karaysan lahaydeen intaad qowmiyadiinii  arktaan qiimahay yeelatay eegga yaad wahaabka waydiisan lahaydeen kuligiinba wanaagga .

Qandhadii baydun ka bogsooni lahaydeen oo caanahaydun  ku dhaqaajin lahaydeen Calooshii engegnayd.

Cad fareesha yuu cunihiinu digsiin laa,isagoonba lahayn baruur aad ka baqdaanaba, oon calalin xoog leh u baahnayn, oo dhaacaanka iyo miiduba ka dareeri.

Qarrankiinaad soo arkaysaan oo qoraalkii farta hooyaydun gidaar walba ka eegan oo turjubaan uma baahnaysaan  oo Mindhinaw way micna Beeshay.

Qolqolkii aad martaanba qalbigiinaa luxmi lahaa oo qoomamaydun la qandoodsan lahaydeen oo qaladkii baydun xasuusan lahaydeen  iyo qurbahaa nacaska ah ee qiimaheenii ku lumee dadku ina quudhsanayeen qaxootinimo darteed.

Qaadirakaydun baryi kolkaas in aan qayrkeen kor u dhaafno oo khushuuc baydun la ooyi dhammaan.

Qalbigiinaa Jilcilaa oo Ilmadii farxadeedbaa qoyni lahayd guud ahaanba dharkiina , oo eedihii ummaddaan in badan laga galaayay ee lagu eeganayee waliba loo sacbinaaayay  Silicaa kuwa geystay yuu damiirkiinu la diiri lahaa oo darxumadaygeysteen baydun dareemi kolkaas.
___________________________________________
Markaas yaydun soo dhigi meesha su,aalo qaaliya oo qurbajoogta iyo degeljoogtuba isku dhaafsan.  Su,aalihii waa hore idin seegay idinkoo sixitaan subaxdaas ku dhaqaaqi Samaantiina haleeli oo si dhan u wada qaadan.

  • War sidani ma dhabaa?
  • War sidaynu ahayn?
  • War miyaan sirxanayn?
  • War Awoowgii la jannee!
  • Eegga yaynoo talinaaya?
  • War wixii laynoo sheegayay aaway?
  • War kuwani miyaanay wiilasheenii ahayn?
  • War wixii layna liqsiin jiray aaway?
  • ALLA WAY OO MAGACAY JIR!
  • ALLA WAY OO MAGACAY JIR!
  • WAR MA WAXANAAN KA MAQNAYN?

Intaas iyo inkaloo wada waw iyo siin ah yay isla soo hor fadhiisan,kolkaasay isla qaadaa dhigidoonaan oo ay qumanta uun isku raaci ee intaan qaadin jidkaasey qurbajoog iyo degeljoogay qorshahoodii hagaag oo qaxarkii waa laga raysan ee qaaradii u dhaqaaqa.

  "Waa siday tahay  taasu"

Sidaas yaanu rajayn oo  dadkeenii samaantay wada qaadan,ee qurbajoogtu ha socdeen oo ha soo eegeen deegaankii iyo dadkoodiiba siduu yahay.

Eeggadaas ha dhaqaaqeen intii sii hakanaysay.  Weliba dhawaaqaasu dhinaca uu aad u khuseeyaa dhalinyarada weeye dhankeedee iyaga aad ha u gaadho.oo dhulkii ha tageen iyaguu dhawrahayaaye.

Oo kuwii lala dhaafay,ama meelkale ku dhashaw dhaqso eegga u gaadha oo dhayda soo dhamma haatan.
 

  • Qofwalbaaba wixii uu qalbigiisa ka doono, waa in uu qabsadaa.
  • Degeljoog iyo qurbajoogtuba waa  in ay aad u qoslaan(Qosol aan dembi keenayn).
  • OO Qarabaadooda salaamaan oo galaba meel ay maraan.
  •  Qorshayaasha socdee horumarinta loo qasday waa in ad qaybtiinii fulisaan  .
  • Waa Waxa laydiinku dhawaaqay ee dhul dheer loo soo maray.
  •  Ee wakhtiga loo gelinaayo inaad soo barataan beledkiinii wacnaa Ee Beryo Ciil ku sugnaa. "Waa Siday tahay"

Waa Nabada Baylah ka dhawrtaan!

Waa in aad bawdweyn(Derbiweyn) ka dhistaan

Waa in aan balaayo ka soo gelin baashii aad ka jirtaan.

Qurbajoog iyo Degeljoogta labadiinaba saas yaa laydinka doonahayaa

Waa ina aysan qolana dhankeeda dhaxani aysan ka soo gelin.

Degeljoogtaa soo baqooshay iyo Qurbajoogtaa sii qulqulaysaa Nabad bay ku bahoobeen  iyo badbaadintii ummaddeena ee bulshooy saas wax u eega.

Nabaddaa bilicdeeda iyo bidhaanteeda layaabana bishaaradeeday wadaan oo bulshaday maqashiini In Badweyntii Hindiya,Baasifiga iyo Atlantic iyo Badda Cas ay ka hilaacday oo bidhaanteedii wada gaadhay.

Degeljoogeey Ma idinkaan idinla hadlaa? Mise Qurbajoogtaan lahadlaa? Mise labadiinaba waan la hadlaa?

Alleelaha labadiinuba waad mudantiin in aan maanta idinla hadlaa"waa say tahay"

Quluubtaa laga doonayaa  Qurbajoogto in ay Ka Qadayso  Awaare iyo Awbarre,Afdem iyo Afdheer,Ayshaca iyo Erer ,Baabili iyo Baarey, Bookh iyo  Jarati , Jigjiga  iyo  Xamaro,Xarshin iyo  Danood,Doolo Ado iyo Doolo Bay i,  Dhagaxbuur  iyo Dhagaxmadaw, Dhambal iyo  Dhanaan, Dhoobaweyn  iyo Dhuxun, Sagag iyo  Sallaxaad, Shaygoosh iyo Shilaabo, Shiniile iyo  Cadaadley,Ceel-Gari iyo Garbo , Galaadi iyo Gaashaamo, Godey  iyo  Gooro, Gunagado  iyo  Gursum
,Fiiq  iyo Filtu ,Feerfeer iyo  Qabribayax, Qabridahar  iyo  Qalaafo, Lagahida iyo Ma,aysiyo, Maya Muliqa  iyo  Mooyaale, Mustaxiil iyo Wardheer, Hargeele iyo  Hudheta,Iimay Bari iyo Iimay Galbeed. Intaasu waa degmooyinkii  deegaankeenu lahaa qaabilaaduse kuma koobna.

oo inkaloo badan baa billan oo barwaaqo aad ay u taal  oo bulshadu ay aad u degtaa. Beldkeenu intaa uun ma ahaa waa dhul aad u balaadhan oo  booqashadana ku haboon  gebi.
Qorshahoodu siduu yahay qurbajoogtaa eegga inoo maqan  waa in ay soo wada booqdaan intaa iyo inta kalee Qarranku inaga dhexeeyo  ee qawmiyadaha kale degaan haddii uu eebe yadhaahdo waqkhtigooduna saamaxo.

Waxay soo qiimaynahayaan qaabka ay maanta yihiin Qawmiyadaha aan wada naallo iyo qolowalba halka uu Qasrigoodu ku yaal iyo habka ay u dhaqmaan.

Degeljoog iyo Qurbajoogeey dad nasiib laa tihiin ee soo duceeya dhammaantiin dhulkeenii inuu nabad ku waaro. Allahayoo noo hagaaji dhamaan hawsha adduun iyo Aakhiraba dhankeeda. Samo noo gu dhammee rabboow:

  • Suubanaantii maamulkeena iyo socdaaladii  farxadeed
  • Fayoobidii shacbigeennaiyofariintii gacalkeenna
  • Fankii dhaqankeenna iyo Abwaanadda Waddankeenna
  • Fikradihii waxgaradkeenna iyo Farsamadii Webabkeena.
  • Falsafadii Aqoonyahankeena iyo firfircoonidii dhalinteena
  • Feejignaantii culimadeena iyo fasiraadii Diinteena .
  • Fahankii odayadeena iyo Fiiradii Ummaddeena.
  • Farasku waa in aanu istaagin oo filkii uuna ka gaabin ,oo fagaxda aan lagu dhaafin.
  • SIXUN KII U SOCDAA ISAGAA SIMBIRIIRIXANDOONA.
  • EE SAADAASHA WANAAGSAN HA LA QAATO
  •  OO DHANKEEDA HABOON IYO SAMAANTA HA LA DHAWRO
  •  DHIBKU WUU ISKA IDLAANE SIDAAS WEEYAAN BALLANTEENU.


Abdirashid Olad(Shabeel)
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews