Qaybtii 8-aad ee Socdaaladii Samato Bixinta iyo Saadaashii Ummaddeenna: By Abdirashid Olad
Meelihii la ilduufay inta aynaan abaarin bal aan soo yaalkana eegno sidii uu mar ahaa.
Ethiopia waxaa jirtay xilli ka mid ah oo ay Imbiraadooriyadihii soo maray ka mid ahayd Gabadh. Halkaas waxaan ka soo qaadanayaa in yar .
Zewditu April 29, 1876 – April 2, 1930 waxay ahayd boqortoyadii ka soo talisay sanadihii 1916 illaa 1930. Wa ayo haddaba Zewditu, waa curadii Menelik(Mililikh).Waa Naagtii uu ku xigay ninkii ay ku dhammaatay hanaankii Imbiraadooraydihii itoobiya Xayle Salaase. Dhimashadeed la iskuma waafqsana sababta saddex arrimood ayaa lagu tilmaamaa 1. Ninkeedii oo Dagaal lagu dilay markii loo sheegay in ay naxdin u dhimatay waa la sheegaa.
2. Iyada oo qabtay Xanuunka Sonkorta ayuu typhoid ku dhacayna waa la yidhaadaa.
3. Biyo qabaw oo lagu daawaynayay ayay ka naxday markii lagu dhex ridayna waa la yidhaahdaa.
Halkay ku dhalatay waxaa lagu sheegaa Ejersa Goro.
Eagga aan u leexdo dhankeenii ee bal dhawra
intii DDS dhisantay ee hogaanka maamul ay qawmiyadu hanatay iyo intii u dhaxaysay xilligii aan ku sheegnay kala guurka ama sebenkii kala yaaca 1991.
Ruuxii maan lihi maanta wuu arkayaa riyadii inoo rumawday iyo rajadeena fiican ee u baahan in aynaa eegga halaynin ama aynaan is hareer marin.
Ilaahay waa Raxmaan oo isagaa ruuxwalba uumay oo halkuu rabo geeya ee horta taa bal ogaad.
Ruuxna yaanuu xasdin ruuxii illaahay mansab siiyo,ama uu magac siiyo,ama uu maalba siiyo ama uu dadba siiyo iyo kii uu intaa wada siiyo illeen waa deeq illaah oo dadku mayna abuurane.
Iyadoo la samroo ruuxii joogay markaa uu leeyahay tolow say noqon eegga!
oo sabiyadii laga yaacay iyo Odayadii socon waayay. Samaan aan la filayn Rabbi sawtii ina siiyay ay saakadaa weli muuqato Seed tihiin maad fahantaan?
War sawtii cidlada looga dhaqaaqay ,ee cararkii laba waayay,cid u eegta gadaal ama gaadiid wax u geeya oo ku soo qaada duqaydii iyo intii taakta darayd. taana see loo illaaway ma samaantaynaan aqoon oo siloonaantaan ka helnaa?
Alla markii ay ninba tiisii cuslaysay,ee badhba meel saxariiro, sawtii soo gashay aayar ,Raxmad Eeboo ordaysaa, ee ma waxaynaan karayn Eebboow mahadaa in afkeenu
yidhaahdo?
War sawtii irid oo dhan banaysay,idamkii Eebe dartii. Rabiyoow mahadaa.Haddee eegga uun bal xusuusta oo Rabiyoow Mahadaa dhaha, oo dhibatada daaya ,oo walaalnimada dhawra!
Allaa weyn oo waaxid ah,mahadna isagay u sugnaataye ee miyaa la ilaaway waayo waayo wixii jiray iyo wanaagaas ka dambeeyay?
Miyaa la ilaawikaraa deeqaha Eebe na siiyay ee dartii ku yimidee daf uun soo yidhi aayar oo haddii midmid loo dhigo mankeenu keeni karaynin.
Alla maad daawataan damaashaadka ciyaarta ee qawmiyadihii kale u imaan in deegaankeenii lagu daawado,waxa dadkeenu soo bandhigaayo iyo dhoolatuskaa dhalinteenii ay marayso dalkeenii wacnaa een duur joogta ka ahayn,mise waad aragtaane waanay idiin dhamdhamayn?

Alla yaaba filaayay oo u fadhiyay farxadaa , iyo macawistaa sharafteedii shabshablaysay iyo shaalkii qurxoonaa ee dadkeenii la fadhiistay shirarkii baarlamankaa!
Daf unbay soo tidhi aayar dawladnimo aan la filayan iyadoo la dangiigo,oo ninba geed uu ku dhuumman.
Odayadii laga yaac
ay ee maganta reer u ahaa iyagoo baqanaayo oo goormaa laydin birayn leh!
Diyaarad sawtii ka dul guuxday ee ku degtay meeshii ay joogeen kolkaas Sheekheenii qiimaha weynaa Sheekh Cabdi Naasir Sh.Aadan(J.A.H.K.W) iyo Akhyaartii Sharfanayd ee ay wada joogeen halkaas (J.A.H.K.W) Sida Adeer Maxamed Ugaas Cabdi(Majeerteen)(J.A.H.K.W),Sheekh Cabdi Waayeel (J.A.H.K.W),iyo Abtidoon ,ee ay ka soo qaaday halkii ay godoonka ku ahaayeen.
Waxaan maqli jiray hal hays ahaa Soodaanta(Suudaan) Maanaa keenay?
Illaahayga subxaana ee uu sadirigooda gashay kuwaa suudaan intay u direen ka soo saaray dhibkii saw tixgelin maysan ahayn ma amarkeenay ku tageen mise awood aynu lahayn?
Aan u leexdo duqaydii diyaaradu ay u tagtee taladooda la doontay,War saw taaba mayna ahayn qiimo Eebbe nasiiyay iyo qadarintii ummaddeena isbedelku uu u horseeday ,ee qaybteena aan la ilaawin ? Saluug wuu jiray iyo sad fiican oon la helin markaas hayeeshee samatabixinbay iyana ahayd oo dani waa seetee ogaada.
Waa Quraan ruu
gyo illaahay qalbigooda ogaayoo qushuucdoodu badnaydoo ummaddan taariikh weyn oo halgameed ku lehaa oon marna la ilaawi karayn.
Ee qalbiga yaynaa ka saarin Qaadir ha u naxariisto iyaga iyo waalidiiinteen ba dhamman.
Wadnaheenna oo aynu ku hayno iyo In la xusuustay mudanyiine Naxariis Eebe ha siiyo intoodii dhimmatoo dhan,inta noolna cissi bay mudanyiin iyo sharafkoodoo la ilaasho .
Markii ay soo duuleen duqydii ee Suudaan soo yar mareen saw kuwii soo degay ma aha caasimadii ubaxa cusub ama aan ubaxleeyba i dhadeehdee (Addis-ababa) oo ay dhergigii dharaarahaas uun ka huleeleen intii u talinaysay .
War isbedelkaa miyaynu Ilawnay,mise waan dafiraynaa,oo runtaan ka masuugnaa sidii xaasid masayrsan,oo xin u qooq loo abuuray?
Illaahay jannadii iyo naxariis tiisa ha siiyee halkaas yay ka bilaabeen baadigoobka dadkii balaayadu ay kala daadisay ee inba meel u baqooshay.
Markaasay qawmiyadi
i qaybteedii uga dooneen . iyagoo joogay habeen qudha oo dhawr ah oon ba badnayba.
Halkaa kola ay marayso ee meeshaas ay joogeen la yaabeen! yay heleen birmad wiilal ah oo labaatan iyo dhawr ah.
Kuwaas oo soo baqooloo bulshadii dooni xaqeedii in aanu baylah ku soo dhicin.
Illeen wiilashaa aan birmad moodaynayn badhbaaba hawshoodu ahayd,in ay soo barmarshaan oo boogtuba ayna bogsoonin oy bartaa nagu shirqoolaan.
Baadida nin kula doonayaa Jira oo daalna kaa badane ,oon doonahayn in aad heshaa daa,im Abidkaa.
Dadkuna ay moodayaa
n in aad tihiin Duul walaalaha oon wax u dahsoonayn...
Halkaas yaa laysku bariidshay iyadoo laysu buseelay oo bishaaro dhawaaq,Hebelo way bed qabaan iyo Hebelo way ka baxeen basar laysugu sheegay wixii balaayo dhacdee biyuhu qaar la tageen.
Hadal nin badiyayna ma wada odhan nin gaabiyayna ka ma wada tegin ee waxaa hore loo yidhi(Hal diidaysaa Geed ay ku xoqato ma weydo) ! Wallee maanta waxaynu joognaa heer illaah lagu mahadiyo iyo meel illaahay lagu sugaa,in la dhawrtaana waajib ay tahay! ee walaalayaalow garta taas.
Waxaa bilaabmay heshiiskii Qawmiyadaha iyo dhigashadii cahdigii ku meel Gaarka ahaa.
Odayadeenii halkaas yay sax
eexii ku duugeen iyagoo marti gelin weyn siiyay wiilashayadii birmadka ahaa.Danjire Maxamed Xasan kaahin oo wiilsha birmadka ah ka mid ahaa ayaa qaybtii odayadu sii qabteen mid lagu xurmeeyay.
Markaas yaa Charterkii ku meel gaadhka ahaa Saxeex qaaliya lagu Jiiday.
Halkaasay riyadii badh rumawday,oo badhkale uu ka dambeeyay,oo haddana uu ka dambeeyay,oo hadana uu ka dambeeyay,oo wax ay burqataaba boqolkiiba sideetan rajadeenii ay saaka dhabawday, labaatanka soo hadhay ee dhimmanna een eegga tebaynaana waxa aynu ku gaadhi Waa Samaantiyo nabadoo la sugaa ee walaalayaal Sidaas maad garataan Samaantana qaadataan.
Hadal horaa ahaa(Hashu ragaadka miyay isku eryaysaa,mise way iska bixinaysaa)
Saacadii ku martaana midba waa siye eega oo soo noqon maysee ogaada cimriguna saas yuu u socdaa oo dadkii ayaantaa yaryaraa eegga waa kuwaas talinayaa ee dalkoodii xukumee dadyaw maad taana garataan.
Dad la,aani waxba kuma yeesho,ee Dad xumaa ku disha!( Rag la,aani waxba kuma yeesho ee rag xumaa ku disha ayay ahayd) laakiin maadaama Rag iyo Dumarba kii alle hagaajiyaaba wax tar yahay waxaan u qaatay erayga Dad kaas ayaa cadaalada u dhow oo Rag iyo Dumarba muujinaya.
Wixii uu ku dhamaystirmi maamul suuban oo sal adkaadaa waa samaantiyo iyo nabadoo la subkaaye walaalayaal sidaasna ogaada.
Wixii lagu dhergaana waa nabadoo la dhidboo aan loo dhaqaaqin xumaanta. Rag walaaloow Wax uu ku dhaamo la,waa.
Haddii aad eegto xilliyadii cararee tegay iyo kan aan cidhbinayno.
Wax weynbaa u dhexeeya laakiin wax tegay tiigsimaad ma leh,wixii tagay teg oo la soo dhaaf wakhtigiisii.
Ee wakhtigan aan cidhbi
nayno cagaha maynu ka deyno,oo aan madaxa iyo wadnaha ku qaabilno.
Madaxa iyo waxa ku jira hadda yara jaleeca maskaxdii baa ku jirta,Aragiibaa ku jira,maqalkiibaa ku jira,urintiibaa ku jirta,dhadhankiibaa ku jira.
Wadnuhuna waa matoorkii waxaas oo dhan wadaayay).
Wakhtigan aan Caydhinayno isagoo aynu Canaanan!
Een Caasiyayno intii aynu cayno dhammaan!
Een dilayno inagoon kaba doonan wanaaga uu wado ee dhexe mushaaxi!
Isgaaba iskii u socdoo cidna aan sugahayne.
Inta uusan na dhaafin ee xum
aan uusan rasaynin een dib u dhac kaleeto inooga imaanin tegidiisa.
Saw in aan qaadano ma aha khayrka uu daadihinaayo?
Mise waan ka dudnaa wanaaga uu daldalaayo?
Ma duurkaan ka galnaa oo derbiyadaan kuududnaa?
Ma dibadahaan ka dhawaaqnaa sida dugaaga aan dadkaba u istaagin iyo dhurwaaga musaska uun daba taageen ee muudiisii la nacee meeshuu joogaba laga caydhin.
Caqligaa la maalaa markii
arini kaa murgto eed mohato inaad wanaag ku maarayso, si aad mareegta uga soo bixisato iyo meeshii kaa qabata.
HA LA GARTO IN AAN GAADHANAY GOORTAAN WANAAG GEYIGA KU DHISAYNAY.
OO WAA IN AYNAAN WADA NOQONIN GUDUN YAHAY BADHKAYBAA KUGU JIREE IMAADAN GOYSEEN.
Waa inoo Qaybta 9-aad haddii Alle idmo
Abdirashid Olad(shabeel)
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.