Dadaal iyo Halgan Dheer kadib Maxaa iskabadalay Qurbajoogta D.D.S.I iyo Midhihii Halgankii Adkaa ee lalagalay UBO oo horseeday World Peace Day iyo Jig-jiga.
Dawlada Deegaanka Soomaalida Iti'yoobiya ayaa ahaan jirtay meel ay waxoogaa carqalad ah marmarka qaar kagaysan jireen Ururka Nabad diidka ah ee looyaqaano UBO oo ay macnaheedu tahay Ururka Bahdilka Ogaadeen.
Dad kamid ahaa shacabka deegaanka qaarkood oo aana fikir fiican kahaysanin Ururka Ubo ayaa la arkijiray inay taageero kahelaan dadkaas oo ubadnaa dadka bilaa aqoonta ah, sidoo kale Taageerada ugu wayn ee uu ururku kudhisnaa ayaa ahayd taageerada ay ka helijireen qurbajoogta u dhalatay Deegaanka Soomaalida iti'yoobiya ee ku kala nool dunida daafaheeda.
Taageeradaas ay ka helijireen Qurbajoogta udhalatay D.D.S ayaa usuuro galisay inay Qurbajoogtii deegaanka Daah kasaaraan xaaladihii horumarineed ee deegaanka ka hanaqaaday.
Xafiiskii Sida khaaska ah uga shaqayn jiray ladagaalanka iyo kahortaga Nabad diidka ayaa ahaa xafiis aad u awood iyo waxqabad yaraa marka laga eego dhanka ladagaalanka nabad diidka, dhanka fikirkii ay bulshadu ka qabtay xafiiskaas iyo kaalintii uu xafiisku kagajiray dawlada deegaanka soomaalida ee maamuladii wakhtiyadaas.
Iyada oo aana lasoo koobi karin heerkii ay maraysay xaalada nabadgalyada deegaanku ayaa waxaa xusuus mudan in dib loo eego halkii ay Dad farakutiris ahaa oo deegaanka kusugnaa ay kataagnaayeen aragtida iyo ladagaalanka nabad diidka UBO iyadoo halkaasna laga fahmi karo in mar haddii Dad iyagu xaqiiqda ogaa oo kusugnaa deegaanku ay heerkaas maraysay in ay qurbajoogta deegaanka u dhalatay ee dibadaha ku sugnaa aana faahfaahin looga baahnayn xaalada ay kusugnaayeen iyo aragtidii ay UBO kahaysteeni heerka ay taagnayd.
Hadaba Halgan iyo dadaal dheer kadib waxaa suuro gashay in ay Ha'yadihii Nabad galyadu sitoosa ugasoobaxaan waajibaadkoodii iyo xilkoodi shaqo.
Islamarkaana waxaa waxlaga qabtay oo lashaandheeyay dhamaan ha'yadihii Uxilsaarnaa arimaha nabadgalyada oo ay kamid ahaayeen Booliska D.D.S, Ha'yadaha Sirdoonka iyo xubnihii kuhawlanaa arimaha nabadgalyada oo dhan.
Mudo kadib waxa uu isbadal ka yimid aragtidii ay shacabku ka qabeen Nabad diidka UBO sidoo kale waxaa aad loogahalgamay Xubnihii farakutiriska ahaa ee qaabdhismeedka dawlada ku jiray ee nabad diidka ahaa oo dhamaantood laga sifeeyay qaabdhismeedka D.D.S Xubnahaas oo ay wehelinayeen dad xanbaarsanaa aragtidii soomaaliya islamarkaana calanka deegaanka kahortaagnaa in loobadalo calan deegaanka matali kara, Sidoo kale raali ka ahaa kuna qanacsanaa in shirarka baarlamaanka heesihii dawladii soomaaliya loo isticmaalo.
ugudanbayntii waxaa suuro gashay in gabi ahaanba lafashiliyo lagana hortago lana hor istaago fikir midaysana ka dawlad ahaan iyo ka shacab ahaanba laga qaatay ladagaalankii Nabad diidka UBO.
Sidoo kale waxaa lahirgaliyay oo soobaxay Ciidanka Booliska Gaarka ah oo aad u jabiyay aadna u baabi'iyay nabad diidkii hubaysnaa ee hortaagnaa horumarka deegaanka shacabkana dhuunta u taagnaa, waxaa kale oo lahirgaliyay booliska kahortaga kacdoonada iyo ha'yadihii sirdoonka oo aad looxoojiyay oo hantiyay nabadgalyadii magaala madaxda DDS Jig-jiga iyo Deegaanka oo idil.
Waxaa Lagaadhay Heer ay jigjiga oo looyaqaanay xarunta qaraxyada ay noqoto magaalo loodoorto xuskii aadka u waynaa ee Maalinta Nabada Aduunka iyo waliba xuskii aadka u waynaa ee Xuskii maalinta xoolo dhaqatada iti'yoobiya oo ay kasooqaybgaleen masuuliyiinta ugusaraysa dawlada dhexe oo uu horkacayay Raysalwasaaradaha wadanka Mudane Males Zenawi, taasina ay cadaynayso heerka xasiloonida nabadeed ee deegaanku ay gaadhay marka loo eego xaaladihii looga bartay deegaanka iyo guud ahaanba wadanka iti'yoobiya.
Hadaba ugudanbayntii ayaa kadib markii laga faraxashay halgankii wadanka gudihiisa ee UBO lalagalay waxaa dhexda looxidhay loona soo jeedsaday halgankii dhanka qurbajoogta deegaanka ee ku kala nool dunida dacaladeeda.
Sida la ogsoonyahay waxaa socdaalo kala duduwanaa lagusoo kala bixiyay lanasoobooqday wadamada ay aadka ugu badanyihiin qurbajoogta u dhalatay deegaanka waxaana socdaaladaas aana ukala hadhin masuuliyiintii wakhtigaas talada deegaanka gacanta ku haysay oo uu horkacayay Hogaankii Nabadgalyada iyo maamulka cadaalada ee wakhtigaas mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Gudoomiyaha Xisbiga dimuqraadiga shacbiga soomaalida itoobiya Mudane C/fataax Sh. C/laahi.
Halgankaas oo run ahaantii ahaa mid aad u adkaa marka la eego taageeradii ay nabad diidku kulahaayeen dibadaha ayaa waxaa aad u adkayd islamarkaana calool adayg , karti iyo geesinimo dheeraad ah u baahnayd u badheedhka loobadheedhay in halkii ay joogeen lagu raadsado Xubnihii Nabad diidku uu kutiirsanaa.
Kulamadii ugu horeeyay ee ay masuuliyiintaasi kusoo qabtaan wadamadii ay ugu hortageen oo uu kamid ahaa wadanka sweden ayay kala kulmeen Dagaal adag oo u baahnaa kago'naansho iyo geesinimo, waxayna halkaas kula soo kulmeen qurbajoog aad u tirabadnayd waxaana suuro gashay in ay masuuliyiintii iyo xubnihii Nabad diidka taageersanaa fool ka fool isuhorfadhiisteen aadna u doodeen, kulamo kaladuduwan iyo doodo aad u dhaadheer kadibna shirarkaasi ay kusoo gabagaboobeen is afgarad guul iyo jawi farxadeed.
kulamadaas ayaa run ahaantii ahaa kulamo taariikhi noqday iyadoo dhinac laga arkayay Dad ilmaynaya dhinacna ay jireen dad lagu tooriyeeyay maxaad shirka ugaqaybgasheen.
waxyaabihii ugu yaabka badnaa waxaa ka mid ahaa gabadh iyo aabaheed oo wada hadlayay iyadoo ay gabadhuna dhexjoogto dadkii banaanbaxayay aabaheedna dhex taaganyahay dadkii shirka galayay, iyagoo si ay isumaqlaan hadaladooda dhaadheeraynayay ayaa waxaa hadaladoodii kamid ahaa odayga oo leh aabo kaalay ani isoo raac iyo gabadha oo diidan.
gabagabadii shirarkaas ayaa goob joog laga ahaa odaygii iyo gabadhiisii oo wada fadhiya shirarkii ugudanbeeyay ee wadankaas ka dhaca.
Durba waxaa soojabay oo garoonka Bole International aad u buux dhaafiyay qurbajoogtii udhalatay deegaanka oo sanado badan kadib soobooqanayay wadankoodii iyo eheladoodii Sidoo kale magaalooyinka deegaanka ayaa lagu arkayay dad aad u badan oo kayimid qurbaha unayimid eheladoodii ay mudada ismoogaayeen.
waxaa kale oo la arkayay dad aana iyagu waligoodba itoobiya arag oo aad ula yaabanaa wadankooda iyo dhulka ay goonida u leeyihiin baaxadiisa iyo baaxada shacabka aykasoo jeedaan iyo waliba dawladnimada ka jirta deegaanka oo aad u fajac galisay.
waxaa bilaabmay maalgashigii kala duwanaa ee ay qurbajoogtu kumaalgashanayeen deegaanka iyo soodagidii qurbajoogtu ay dhulkooda soodagayeen.
waxaa xooga lasaaray in lawada maro dhamaan wadamadii ay kubadnaayeen qurbajoogta deegaanku oo uu waftigii halgamadaas galayay uu hogaaminayay Hogaankii nabad galyada ee hore oo noqday Madaxwaynaha Dawlada Deegaanka soomaalida Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Gudoomiyaha xisbiga ahna Wasiir Heer fadaraal ah Mudane C/fataax Sh. C/laahi.
Warbaahinta nabad diidka oo aad ugu celcelinjirtay in Madaxwaynihii hore ee deegaanka iyo Madaxwaynaha Hada ee Cabdi Maxamuud Cumarba loodiiday inay maraykanka tagaan ayuu afkii juuqda gabay kadib markii uu Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii uu horkacayay ay ka cagadhigteen Garoonka Caalamiga ah ee Minesota iyagoo wax alaale wax ay kuhadlaan ama qoraan waayay.
Tuug budhcada oo wixii uu xaday lagasoomatajiyay fadhi umayaale kadib markii UBO loogutagay fadhigoodii Qurbajoogtiina lahaleelay ayay iskudhexyaaceen mudo dheerna iskumashquuliyeen awoodoodii oodhana galiyeen sidii banaanbax wayn ay u qaban lahaayeen iyagoo aad u aaminsanaa in ay banaanbax caalamkoodhani arko ay qabandoonaan maadaama oo ubucdii taageerayaashoodii loogutagay, ayaa waxay waayeen xitaa toban qof oo ubanaanbaxda dantuna ugudanbayntii ku kaliftay inay dad wata calamadii soomaaliya iyo kuwa shacbiya boodhadhka ay wataana kusawiranyihiin madaxda soomaaliya ay kudilaan barafkii kadhacayay goobtaas kuna magacsheegtaan walaw ay jirtay in ay xitaa khilaafaad arintaas kadhashay kadib ay xubnihii aagaas u xilsaarnaa iskaga tageen wixii ay UBO u hayeen iyaga laftoodiina shirkii kasooqaybgaleen.
Warbaahinta maraykanka ayaa aad looga daawanayay warar ay kusoo qaadanayeen siyaasiyiintii soomaali ugu taageerayaal badnaa oo kusugan maraykanka kadib markii hoolkii waynaa ee Marriott Minneapolis City Center oo qaadayay dad dhaafaya laba kun oo ruux uu buux dhaafay islamarkaana dadkii meel ay kala istaagaan ay waayeen, Balse shirkaas kadib intii aana kulanka galin lalayeelanayay shirar gooni gooni ah.
Cariga Maraynkanka ayaa guud ahaan laga soohooyay guul wax ku ool ah oo lataaban karo qurbajoogtii halkaas ku sugnayda laga soo qaaday daahii kasaarnaa Xaaladaha dhabta ah ee kajira deegaanka.
Safaarada Wadanka ee kutaalay gobolkaas ayay run ahaantii aad u cajab galisay baaxadii dadka shirka isugu yimid islamarkaana waxaa arintii khibrad ahaan u qaadatay dawlada dhexe iyo dhamaan deegaamada itoobiya, Sidoo kale wasaarada arimaha dibada ee wadanka ayaa bilawday baaqyo ay ugubaaqayso qurbajoogta iti'yoobiya inay kusoolaabtaan wadankooda soona maalgashadaan waxayna wasaaradu bilawday dardargalin cusub oo kuwajahan qurbajoogta iti'yoobiya.
waxaa durba magaalada addis kabilawday shirar ay masuuliyiinta dawlada dhexe layeelanayeen qurbajoogta wadanka ee kusugan addis.
Waxaa iyana lama ilaawaana in kadib isbadalkii laga keenay dhanka qurbajoogta ay suuro gashay in raysalwasaaraha wadanka iti'yoobiya mudane males zenawi uu kuqancay in uu kulan balaadhan laqaato qurbajoogdii kusoolaabatay wadankooda hooyo halkaasna ay qurbajoogtu ka heleen dardargalin iyo dhiiri galin aad u wayn.
Xaalada qurbajoogta deegaanka u dhalatay ee kusugan wadamada dibadaha ayaa haatan maraysa meel aad u wanaagsan islamarkaana sitoosa uga wada go'ay ururka nabad diidka ah ee ubo, waxaa intaa dheer xubnihii nabad diidka u qaabilsanaa abaabulka shacabka qurbajoogta ah oo iyaga laftoodu kusoo biiray islamarkaana qaatay fikirka saliimka ah ee dawlada deegaanka soomaalida itoobiya.
waxaa bilaabmay ururo jahliyadeed oo aad u farabadan kuwaas oo aad ugu dadaalaya sidii ay wadankooda iyo goobaha ay kasoo jeedaan wax ugu qaban lahaayeen.
waxaa xusid mudan in lacagihii uxaroonjiray nabad diidka UBO looweeciyay inay u xaroodaan jahliyaadkaas wanaaga isu abaabulay islamarkaana ay ururada qurbajoogtu hantidaas u isticmaalayaan horumarka deegaanka.
Waxaa sitoosa u istaagay taageeradii nabad diidku ay ka heli jireen dibadaha arintaasina waxay horseeday in ay kala firdhaan oo uu khilaafaad aad u xoogani ka abuurmo dhexdooda maadaama ay ahaayeen dad markii horeba ku midoobay ganacsiga dhiiga shacabka, haatana markii ay waayeen xaaraantii ay u barteen ay kala danaysteen.
Qormadan oo aan ku eegaynay isbadalka kayimid Dadaalkii dheeraa ee loo galay xasiloonida nabadgalyada deegaanka iyo isbadalka laga keenay qurbajoogta u dhalatay deegaanka oo uu daah wayni kasaarnaa xaaladaha dhabta ah ee ka jira deegaanka iyo horumarka kahanaqaaday deegaanka, ayaanu intaas kusoo koobaynaa...
Daahir Qorane :
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.