Minneapolis (Cakaaranews) Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida, Mudane Cabdi Maxamud Cumar, ayaa maanta khadka telefoonka shir kagala qayb galay masuuliyiinta iyo xubnaha Ururka Dhalinyarada Qurbajoogta Soomaalida Ethioipia (SEDYO) ee fadhigiisu yahey magaalada Minneapolis, ee dalka Mareykanka.
Hogaaminta ururka ayaa madaxweynaha u sharxay hawlihii ay qabteen intii ka danbeysay booqashadii Madaxweynuhu ku yimid Minnesota, halkaasoo madaxweynuhuna ururka ku ammaanay kaalinta ay buuxiyeen iyo dadaalka ay ku jiraanba.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhalinyarada kula dar daarmay inay u diyaar garoobaan sidii uga qaby qaadan lahaayeen kulan ballaadhan oo bisha April horaanteeda lagu qaban doono magaalada Minneapolis, lagagana wada hadli doono Qorshaha 5-ta Sano ee wadanka Ethiopia, laga fulin doono.
Xubnaha Ururka Somali Ethiopian Diaspora Youth Organization, ayaa dhankooda ballan qaaday iney si fiican uga qayb qaadan doonaan kulanka looga arrinsanayo Qorshah Kobaca iyo Isbadalka ee 5-ta sano ee soo socota laga hir galinayo guud ahaan dalka Ethiopia.
Abdurahman Bootaan