Ogeysiis: Qurba Jooga Soomaalida Itoobiya ee Boqortooyadda Britain waxaa lagu wargelinayaa inay kasoo qayb galaan shirka ka dhacaya Britain 16/04/2011

altUK (CakaaraNews) Aniga oo ah Dr Xuseen Cali Ibraahim ; ahna Gudoomiyaha Golaha Qurba Jooga Soomaalida Itoobiya ee Boqortooyadda Britain kuna hadlaaya magacayga iyo kan jaaliyaddaba waxaan dadweynaha sharafta leh ee ka soo jeeda Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee ku nool dalkan Boqortooyada Britain;  lagu wargelinayaa inay kasoo qayb galaan shirweyne muhiim ah oo la qabanayo 16/04/2011.

Shirkan waxaa qabanayaa wafdi heer qaran ah oo ka imanaya dalkii hooyo (Itoobiya) oo ay hogaaminayaa Madaxweynayaasha kililadu gaar ahaan mudane Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, Wasiirka Arrimaha dibada ee Jamhuuriyada dimuqraadiga federaalka Itoobiya isla markaana ah Raysal wasaare ku xigeen mudane (Hailemariam Desalegn)   ,

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada isla markaana ah Gudoomiya Xisbiga taladda degaanka haya Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdilaahi iyo Wasiirka ganacsiga mudane Cabdiraxmaan Skeekh Maxamed ee jamhuuriyada dimuqraadiga federaalka Itoobiya iyo xubno kale.

Waxaa lagaga hadlayaa shirkaasi Qorshaha Dhaqan Dhaqaale Ee ay Damacsantahay Xukuumaddu Shanta sano ee soo socda. Kaa soo ay dawladdu Diirada Ku saarayso in ay gaadhsiiso Koboca Dhaqaale ee Ethiopia 14,9% shan sano gudahood iyo Jaaliyadaha dibada ku nool ee ka soo jeeda dalka Itoobiya kaalinta looga baahan yahay sida inay maalgashadaan dalkooda hooyo iyo inay ka qayb qaataan dhanka horumarka, arrimaha bulshada iyo nabad gelyada.

Shirka meesha lagu qabanayaa iyo wakhtigu waa sida hoos ku qoran

 The Great Hall
Imperial College London
Sherfield Building
South Kensington Campus
Exhibition Road
London SW7 2AZ.

Time: 2:00 PM - 7:00 PM

Wixii faahfaahin dheeriya kala soo xidhiidh hogaanka Golaha Qurba Jooga Soomaalida Itoobiya ee UK

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Dr. Xuseen Cali Ibraahim (Gudoomiyaha Golaha Qurba Jooga Itoobiya ee UK)

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews