Jigjiga (CakaaraNews) Sida wararka sheegayaan waxaa maanta Magaalada Jigjiga soo gaadhay hadiyadihii ay wafdiga Dawlad Degaanka Soomaalida ee dibada tagaya ay u geyn lahaayeen jaaliyaadka degaanka u dhashay ee ku nool qurbaha. Waxay wararku intaaa ku darayaan in hadiyadahan laga soo kala ururiyay 53 degmo ee degaanka.
Hadaba wariyayaal arrintaas waydiiyay Hogaanka nabadgalyada waxa ay yihiin hadiyadhaa, waxaa uu Hogaanku u sheegay in hadiyadha ay ugu tala geleen jaaliyaadka ay ka mid yihiin, biyaha ceelasha, Bulaale, Sasabane, Doolo, Wardheer, Walwaal, iyo ceelal kale oo badan. Waxaa kale oo Hogaanku uu sheegay inay soo uruuriyeen oo ay u sameeyeen frames muraayado leh, carada ama ciida laga kala keenay Gobolada Dhagaxbuur, Wardheer, Qoraxeey, Fiiq, Afdheer, Godey, Jigjiga, Shiniile iyo Liibaan.
Waxaa sidoo kale uu Hogaanka Nabadgalyada uu sheeegay inay diyaariyeen hadiyado kala nooc ah oo loogu talagalay in shacabka Degaanka u dhashay ay u noqoto mid xasuusisa khayraadka Degaanka, waxaana la sheegay in hadiyadahaasi ay ka mid yihiin, Yicib, Beeyo, Foox, Dhafaruur, mal-mal iyo dharka Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo agabka sawirada aqal Soomaaliga.
Sidoo kale, waxaa uu wafdigu wadaa cajalado iyo muuqaalo laga soo duubay degaanka Soomaalida iyo filimo muujinaya ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo ciyaaraha iyo heeso hawleedyada dhaqanka iyo hidaha Soomaalida.
Hanaanka jaaliyadaha lagu kala siinayo hadiyadahan ayaa waxay noqonayaan talada qunsulada Degaanka iyo Xisbiga SPDP matala khaasatan kuwa ku sugan dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka.
CakaaraNews