Addis Ababa (CakaaraNews) Wafdi heer sare ah oo ka kooban masuuliyiinta Heer Degaan iyo Federaal ee Soomaalida ah ayaa 12:00 saqdii dhexe ee Caawa ka duulay Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Bole ee caasimada Addis Ababa.
Wafdigan oo ka kooban wufuud heer sare ah oo ku kala jira maamulka Federaalka, ka Degaanka iyo ka xisbiga waxaa hor-kacaya Gudoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi.
Wafdigan waxaa sidoo kale ku jira labada Masuul ee dawlada Federaalka ku jira ee kala ah Mudane Bashiir Cabdulaahi Caydaruus, Wasiir u Xigeenka Wasaarada Beeraha iyo Horumarinta Xoolo-Dhaqata ee dawlada federaalka, iyo Mudane Axmed Shide, Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Maaliyada ee Federaalka ahna wasiiru Dawlaha Iskaashiga Dibada.
wafdigan oo booqasho saddex todobaad ah ku maraya dalalka Yurub, Waqooyiga Ameerika, Barriga Dhexe iyo Qaarada Australia, waxay lugta safarkooda ku horeynayaan dalalka Yurub.
Sida ay wararku sheegayaan waxay wafdigu la kulmayaan jaaliyaadka u dhashay Degaanka Soomaalida ee ku kala nool dalalka qaaradaha aan sare ku soo sheegnay.
Wafdiga waxaa kaloo ku jira Madaxa Xafiiska waxbarashada Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Bulxan, Madaxa Xafiiska Biyaha, Tamarta, Macdanta iyo Khayraadka dabiiiciga Mudane Dr Suldaan Wali.
CakaaraNews