Qorshaha Wafdiga Xukuumada DDS iyo Jaaliyadaha

Addis Ababa (CakaaraNews) Wafdiga Dawlad Degaanka Soomaalida ee u kicitimay dalalka Yurub, Waqooyiga Ameerika, Barriga Dhexe iyo qaarada Australia ayaa la sheegayaa inay jaaliyadaha u dhashay Degaanka Soomaalida ee ku nool dalalka ay marayaan ay u sameenayaan fursado maal-galineed iyo talaabooyin dhiiri-galin ah oo lagu soo jiidanayo si ay qurbo-joogtu u maal-gashato Degaanka ay ka soo jeedaan.

Sida wararka laga helay Xukuumada iyo waliba wafdiga inta ayna ka ambabixin Magaalada Addis Ababa, waxay wafdigu ay hadiyad ugu wadaan qurbo joogta in la qaybiyo dhul ku yaala Magaalooyinka Jigjiga, Errer, Dhagax-Buur, iyo Godey oo loo asteeyay inay noqdaan Industrial Zone.

Waxaa Xafiiska Maalgalintu ee Dawlad Degaanka Soomaalida uu sheegay in qofka ka tirsan jaaliyaadka Degaanka Soomaalida ee soo codsada in la siiyo dhul uu dhisto oo uu ka dhisto guri deganaansho diyaar loogu yahay in la siiyo dhul dhan 250 Kaara-Mitir.

Wuxuu kaloo Madaxa Xafiiska Maalgalinta ee Dawlad Degaanka Soomaalidu uu sheegay in safarkan ay wafdigu tagayaan ay u qoondeeyeen in dhul dhan 1,300 oo Hektar oo ku yaala duleedka Jigjiga bilaash lagu siiyo hantiilayaasha qurba joogta ah si ay u dhistaan.

Hamiga ka danbaysa bixinta dhulkan dhan 1,300 ee Hektar oo hadana isla meel qudha ku yaala ayaa loo fasiran karaa in la sameeyo dabaqad bulsho oo dhex dagan Degaanka Soomaalida balse qaab-nololeedkoodu ku qotomo hanaanka Reer Galbeedka iyo dalalka horay u maray.


Wararku waxay kaloo intaa ku darayaan in fursadaha canshuur dhaafka ee gaadiidka lagula soo galo dalka ay u bandhigi doonaan jaaliyaadka jooga dalalka Reer Galbeedka.

Wararku waxay kaloo intaa ku darayaan in xubnaha jaaliyada ka soo jeeda Degaanka Soomaalida ee raba inay ka faa'iidaystaan fursadaha dhiiri-galinta maalgalinta Degaanka Soomaalida ee doonaya in la siiyo dhulal ku yaala Gobolada kale ee Degaanku ka kooban yahay lagu siinayo sida ay rabaan.

Hadaba, waxaa Bulshada Jaaliyadaha lagu wargalinayaa in cidii rabta in la siiyo dhul ay dhisato, ama ay ku ganacsato ama canshuur dhaaf ay la xidhiidhaan kulamada ay wafdigu kula kulmayo jaaliyaadka ugu dhaw.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews