Stockholm (CakaaraNews) Shirkii Jaaliyada Diabada ee u dhalatay Dawlad Degaanka Soomaalida ay kula kulmayeen wafdigii heerka sare ahaa ee ka socday Xukuumada Dawlad Degaanka Soomaalida, Xukuumada Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Federaalka Itoobiya iyo Xisbiga Dimuqraadiaga ee Shacabka Soomaalida (XDSHS) ee uu hor-kacayay Gudoomiyaha Xisbiga Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi ayaa lagu iclaamiyay inuu bilaabmayo cawaysinka maanta marka goore-sheegtada magaalada Stockholm ay tahay 18:00.
Guddiga qabanqaabada shirka ayaa sheegay in shirkan lagu marti-qaaday dhamaan saxaafada iyo wakaaladaha wararka ee heer gobol iyo kuwa caalami ahba.
Wixii ka soo kordha shirka iyo muuqaaladiisaba kala socda shabakada CakaaraNews
CakaaraNews