Stockholm (CakaaraNews) Shirkii Wafdiga ka socday Dawlad Degaanka Soomaalida iyo jaaliyadaha dalka Sweden ee ka soo jeeda Degaanka Soomaalida oo ka bilaabmay maanta markii ay goor-sheegtada Stockholm ay ahayd 17:00 galabnimo socdayna ilaa 19:30 fiidnimo ee wakhtiga Stockholm ayaa wajigiisii koowaad uu si wanaagsan u qabsoomay.
Shirkaas oo lagu qabtay Hotelka Ibis Hotel oo ku yaala Caasimada Stockholm oo ay ka qayb-galeen boqolaal qof oo ka tirsan jaaliyadaha Degaanka u dhashay ee ku sugan dalka Sweden, waxaa kaloo weheliayay wakiilo ka kala yimid dalalka Scandinivianka iyo waqooyiga Yurub iyo waliba dalka Maraykanka.
Wakhtigan waxaa wafdigii Dawlad Degaanka Soomaalida iyo marti gaadhaya 350 lagu casuumay casho-sharaf uu fidiyay Safiirka Dawlada Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Federaalka Itoobiya u fadhiya dalka Sweden.
Casho-sharaftan oo lagu qabanayo Guriga Official Residence ah ee Safaaarada Itoobiya waxaa lagu daawan doonaa Filimo Documentary ah oo ka hadlaya xaalada horumarka ee Degaanka Soomaalida.
Waxaa kaloo la sheegayaa in lagu daawan doono filimo muujinaya dhibaatada ay nabad-diidku shacabku ku hayaan.
CakaaraNews