"Waxaa La Gaadhay Bilowgii Dhamaadkii Nabad-Diidka" Fikirka Jaaliyaadka

Stockholm (CakaaraNews) Tan iyo intii ay booqashada wafdiga DDS ay igu soo baqooleen dalalka Yurub, waxaa shabakada CakaaraNews soo gaadhay emailo ay usoo dirayaan akhristayaaasheeda oo ay taageero hiil iyo hoo ahba ula garab taagan yihiin aqooon-yahanka wafdigan oo ay ku tilmaameen inay yihiin kuwa kaliya ee dabar-goynaya nabad-diidka ku dhex qadhaabsada shacabka qurba-joogta.

Sida ay aarraada iyo fikirka jaaliyaadku tibaaxayaan waxaa la gaadhay bilowgii dhamaadkii nabad-diidka (Beggining of the End). Waxaa marag ma doonto ah in nabad-diidku uuna jeclayn in fikir ka duwan kiisa beenta, borobogaandhada iyo mala-awaalka ku dhisan ay dadku helaan. Dhamaan shacabka ilaa maanta ka qayb-galay shirarkii goos-gooska ahaa ee wafdiga ka socda DDS uu kula lahaa magaalada Stochkholm ayaa waxay muujinayaan inay fikirkoodii hore ee ay ka qabeen Degaanka Soomaalida uu wax wayn iska badalay. Waxay tusaale u soo qaateen in garoonka maanta ciyaartu ka taagan tahay ay tahay godadkoodii Yurub oo la isla soo dhaafay Huuraale iyo qabalee danbe oo ay ku meerasytaanba.

"Nabad-diidka waa nolol-diid" ayay ahayd hal-ku-dhiga ubu badnaa ee shacabka ka qayb-galay shirarka ay maanta ku hadaaqayeen. Waxaa la isla gartay in booqashadan ay ahayd in mar horeba la sameeyo, balse maantana ay habon tahay in la joogteeyo oo tuugta dadka beenta ku haasaawinaysa la soo af-jaro.

Waxaa mid ka mid ah ka qayb-galayaashii kulankii ka dhacay Ibis Hotel uu noo sheegay in isbadalka maanta dunida ka jira uu cajiib yahay. "Walaahi isma odhan noloshaada waad ku gaadhi wafdi Degaanka Soomaalida ka socda ayaa Stockholm kuugu iman, halka Shuftaygii Inna Cumar Cismaana uu Ereteria findhicil kaga gabanayo". Wuxuu ku soo hal-qabsaday in "wanaag kasta oo loo dhaqaaqo in la sameeyo ay jiraan dad ay meeli bukto oo beentaiyo balaayada alloosa".

Guushan ayaa dadka degaanka Soomaalida ku dhaqan ay noogu tilmaameen inay tahay natiijadii dhaxal-galka ahayd ee maamulka cusub iyo Ciidamada Sida Gaarka ah u Tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska ay ka soo hooyeen la dagaalanka iyo tirtirida Nabad-Diidka,

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews