Shirkii Stockholm oo Halkiisii ka Sii Socda

Sundbyberg (Stockholm) Shirkii wafdiga Dawlad Degaanka Soomaalida ee ku sugnaa dalka Sweden iyo jaaliyaadka Degaanka Soomaalida u dhalatay ayaa wali ka sii socda goob dalxiiska loogu talagay oo la yidhaahdo Marabou Park oo ku taala duleedka Sundbyberg.

Shirarka wafdiga oo ay u kala qaybiyeen 5 meelood ayaa si goos goos ah uga sii socda goobahaa dalxiiska, iyadoo laga raystay jaahiliintii nabad-diidka ee ka soo hor-jeeday in bulshada qurbo-joogta ah ay fikirkooda iyo aaraadooda si xor ah u dhiibtaan.

Sida wararku sheegayaan Ururka Somali Ethiopian Peace and Development Forum ayaa qaban-qaabiyay kulamadan isagoo dedaal adag u galay sidii ay shirarkan u noqon lahaayeen kuwo dhaxal-gal ah.

Wafdiga ayaa ilaa iminka waxay hanteen quluubta iyo niyada shacabka jaaliyaadka ee Degaanka u dhalatay. Waxaa kale oo iyagana meesha lagu arkaa dad wajiyadoodu farxad iyo raynrayn ka muuqato oo u hanqal-taagaya inay maanta yeesheen dawlada kaliya ee dad Soomaali ah ay leeyihiin oo ka aasaasan gayiga Geeska Afrika.

Jawiga dalxiiska ee goobta  Marabou Park ayaa u saamaxaysa inay ka qayb-galayaasha shirkan ay ku qaataan niyad-sami iyo farxad.

Wafdiga ayaa laftiisa aad ugu faraxsan sida ay u heleen shacabka intaa le'eg ee taageersan wanaaga, nabada, horumarka iyo dimuqraadiyada. Waxaa aad isku badashay fikirkii markii hore laga qabay jaaliyaadka Degaanka u dhashay oo waxaa la ogaaday in jaaliyaadku ay ku yar yihiinkuwa maskaxdoodu gaaban tahay ee ku ugaadhsada dhiiga shacabka.

Qaar ka mid ah jaaliyaadka shirka ka soo qayb-galay galabnimada maanta oo aanu waydiinay sida uu shuucuurtoodu tahay, ayaa noo sheegay in ayna malaysan karayn sida ay maanta wafdiga u qaabileen.

Casuumad to casuumad kale, marti-qaad ilaa marti-qaad kale, sooryo to sooryo kale, wada-hadal ilaa wada-hadal, waxaa loogu sii gudbaba waxaa dhawaan wafdiga dawlad Degaanka Soomaalidu uu uga sii gudbayaa madasha Stockhol dalalka Finland, Norway, iyo Iceland oo dalxiis gaaban ay ku marayaan inta ayna u baqoolin cariga Ingiriiska oo ah godka u danbeeya ee ay ka sifayn doonaan hadhaaga nabad-diidka, nolol-diidka, horumar-diidka iyo wanaag-diidka.

Sidaan hore u sheegnayba kubadii way ka soo tagtay garoomadii Huuraale, Sasabane, Birqod, dhaba-Jiriso, Shawli iyo geeska Afrika gabi-ahaantiisaba, waxayna iminka dhex taala Galbeed, hawadana waxay ka soo horjeedaa dhinaca kooxda nabad-diidka iyo xumaan falayaasha. Siidhi Walahuna wuxuu u janjeedhaa Wafdiga DDS, tarabuunka taageerayaashiisuna waxay u qaybsan yihiin qaar yar oo cadceeda fadhiya oo aan u adkaysan karin milicda oo mar dhawba iska hoyan doona. iyo inta badan oo fadhida dhinaca dedan oo aan ilaa ciyaartu dhamaato aan hoyanayn.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews