Sodormalm (CakaaraNews) Shirarkii goos-gooska ahaa ee Wafdigii dawlad Degaanka Soomaalida iyo jaaliyadaha degaanka u dhashay ee ku nool waqooyiga Yurub ayaa si rayn-rayn leh uga sii socda magaalada Stockholm ee dalka Sweden.
Wararku waxay sheegayaan in tiraba shan shir oo kal duwan ay is-barbar socdeen. Shirka ugu waynaa kulamadan oo ka dhacay Hotelka Radisson-SAS Hotel oo ku yaala Sodormalm, saarana bada dacalkeeda ayaa isagu waxaa ka qayb-galayaasha ay ku lafagureen sidii loo qaadan lahaa mabda'a qudha oo lagula halgamo nabad-diidka UBO.
Dhinaca kale, shir balaadhan oo ilaa wakhtigan xaadirka ah ka socday Ibis Hotel oo uu soo qaban-qaabiyay aasaasaha Ururka Somali Ethiopian Peace and Development Forum Mudane Nuur Maxamed xasan Geele. Geedisocodkii shirkan ayaa waxaa dhex maray dood kulul ka qayb-galayaashii fadhiyay waxaana doodaha qaarkood si cel-celis ah looga daawanayay TVga Universal. Waxaa shacabka shalay taageerayay UBO oo ka soo go'ay.
Sidoo kale, inkastoo ay tahay calaamada nabad-diidka inay gacan ka hadal sameeyaan xataa iyagoo jooga dalalka horay u maray, ayaa waxaa galabta oday la yidhaahdo Maxamed Sahal Kabadhe Shiil oo ka mid ahaa dadkii ka qayb-galayay shirka oo uga soo baqoolay dalka Holland isagoo jooga meel bunka laga cabo oo ka soo baxay shirkii markuu dhamaaday ayaa weerar gaadmo ah ku soo qaaday dablay argagixiso ah oo ku hubaysnaa mindiyo soodhadh iyo budhadh. Waxayna dablaydaasi dhaawac xun oo khatar ah ay gaadhsiiyeen odaygaas.
Booliska dalka Sweden ayaa waxaa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah dambiilayaasha iyo dad badan oo loo aaneenayo inay ku lug leeyihiin weeradaas argagixisada ah.
Booliska Stockholm ayaa sheegay in dadka ay qabteen ay ku jiraan qaar sharci darro wadanka ku soo galay oo aan haba yaraatee lahayn wax sharci ah. Dhawaan waxaa la sugaa waa in kuwaa dambiilayaasha loo soo mastaafureeyo dhulkii.