Stockholm (CakaaraNews) Budhcadii shuftada argagixisada ahayd ee shalay dhaawaca culus u gaysatay muwaadinka ka qayb-galayay shirkii jaaliyaadka ee goosgooska ahaa ayaa booliska magaalada Stockholm ee dalka Sweden ay magacyadooda soo gaadhsiiyeen Safaraada Itoobiya ee fadhigeedu yahay magaalada Stockholm.
Booliska ayaa sheegay in dadkii waxyeelada gaysanayay ee lagu arkay Kamersda CCTV ay kala yihiin:
- Carab Geele Cali oo Reer Faarax Booli ah
- Cabdinaasir Xaashi oo Reer Xirsi ah
- Gamadiid oo Reer Xirsi ah
- Mustafe Il-Dhugle oo Abraahiin ah
- Muxiyadiin Cali Xaydar oo Reer Cali Yuusuf ah
Boolsiku waxay kaloo sheegeen inay ku dabajiraan aragagixiso kale oo la sheeegay inay kuwan la xulufo ahaayeen oo lagu raad taagan yahay sidii gacanta loogu dhigi lahaa. Argagaixisada UBO ayaa iyadu waxaa ilaa intii ay shalay falka dhaawac ah ay u gaysdteen muwaadinkaa waxaa la la'yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.
Dhinaca kale Qurbo-joog ka tirsan jaaliyada Degaanka Soomaalida ayaa maanta cabasho ak hor sameeyay albaabka hore ee qasriga Boqorka dalka Sweden iyo Ra'iisul Wasraaha dalka iyagoo ka cabanaya falalka argagiuxisinamada leh ee ay UBO kula kcayso shacabka Ogaadeenka.
Sidoo kale, wararka naga soo gaadhaya Wafdigii dawlad Degaanka Soomaalida ayaa noo sheegay inay marti-qaad rasmi ah oo Qado Sharafeed ah ay ka heleen Wasaarada Arrimaha Dibada ee dalka Sweden taas oo ka dhigan mudnaanta Sare ee wafdigu uu ku dhex yeeshay mujtamaca nabada niyo horumarinta dalka jecel.
Dhinaca kale, waxaa jaaliyaadku ay sheegayaan in Boolsika dalka Sweden uu si isdaba joog ah ula soo xidhiidho xubnaha jaaliyaadka isagoo daba socda inuu xididka u siibo kooxa yar ee xag jirta ee falalka argagixsinamada leh ka dhex samaynaya dalka Sweden.
CakaaraNews