Kulankii Wafdiga iyo Jaaliyada Fiqi Cumar oo si Wanaagsan u Dhamaaday

Stockholm (CakaaraNews) Wararka ka imanaya qolka shirarka ee Hotelka Radisson-SAS ee ku yaala Caasimada dalka Sweden ee Stockholm ayaa sheegaya in wafdigii ka socday Xukuumada Dawlad Degaanka Soomaalida (DDS) iyo Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida (XDSHS) uu maanta shir kula yeeshay Hotelka Radisson-SAS xubnaha Jaaliyada Sheekhaash (Beesha Fiqi Cumar) ee degan Stockholm iyo guud ahaanba dalka Sweden.

Sida wararku tibaaxayaan waxaa shirkaa lagu lafaguray ummuuro badan oo ku saabsan sidii looga wada shaqayn lahaa horumarka iyo nabada dhamaan Degaanka Soomaalida iyo sidii Jaaliyadu ay u garab istaagi lahayd dedaalka Horumarka ee dawladu ka wado Degaanka Soomaalida.

Dhinaca kale, waxaa kaloo isla maanta Hotelka Radisson-SAS ee Stockholm lagu qabtay shir lagu sii gogol-xaadhayay qaabkii loo qaban lahaa shirka laga qaban doono Caasimada London ee Cariga Ingiriiska. Kulankaasoo ay wafdiga DDS iyo XDSHS ay kula kulmeen wakiilo fara badan oo ka kala socday jaaliyado Degaanka u dhashay oo ka kala jira dalal badan oo ka tirsan qaarada Yurub waxaa lagu lafa-guray ummuuro badan.

Dhinaca kale, sida ay shabakada u sheegeen guddiga farsamada ee qaban-qaabinta kulamada Wafdiga DDS iyo XDSHS iyo jaaliyaadka, waxaa jadwalka maalinta beri ah ee inagu soo fool leh wafdiga DDS iyo XDSHS ka socda ugu jira inay la kulmaan jaaliyada Beesha Isaaqa ee ka soo jeeda Degaanka Soomaalida.

Sidaad uga barateen, kala socda wararka u danbeeya Shabakada CakaaaraNews. Wixii ka soo cusboonaada dib ayaanu idin kala soo socodsiin doonaa.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews