UBO oo hadana isku day day inay Disho Maxamed Sahal Kabadhe

Stockholm (CakaaraNews) Warar aanu ka helnay taliska Booliska ee Metropolitanka Stockholm ayaa sheegay in fal isku day dil ah ay budhcadii UBO ay hadana kula kaceen Maxamed Sahal Kabadhe (Shiil) oo jiifa cusbitaalka uu yaalo isagoo la halgamaya dhaawicii ay isla budhcadaasi shalay u gaystay.

Warbixinta Booliska waxay sheegtay in nin la yidhaahdo Cabdinaasir Gadhweyne oo iska dhigaya inuu yahay ehelka bukaanka dhaawaca ah inuu u galay qolkii uu jiifay Maxamed Sahal Kabadhe (Shiil) dabadeedna isku dayay inuu ka gooyo faleebadii ku taagnayd uuna bakhtiiyo aallaadii ICU ee ku xidhnaa garaaca wadnihiisa.

Boolisku waxay intaa ku dareen in nasiib wanaag ay si kadis ah ugu soo gashay Kalkaaliso (Nurse) balse dambiilaha oo naxsan inuu ka hor booday kuna baxsaday gaadhi uu nin kale u waday oo yaalay parking lotka dhakhtarka.

Booliska ayaa iyagu sheegay inay ku raad joogaan shaqsigaa oo koofiyad xidhnaa ayna baadhayaan cadaymo kale si ay bal u ogaadaan qof ka kale ee ku weheliyay isku-daygaas.

Dhinaca kale, kolkii dhacdadan danbe ay soo baxday ayaa nin la yidhaahdo Cabdi Shafeec wuxuu la soo hadlay ehelkii Maxamed Sahal Kabadhe Shiil isagoo u sheegay inuu la xidhiidhay Cabdinaaasir Gadhweyne kana codsaday inuu isku soo dhiibo hay'adaha amniga.

Cabdi Shafeec wuxuu ehalka iyo qaraabada Maxamed Sahal ka codsaday inuu isagu u hayo dhiigii iyo magtii Maxamed Sahal Kabadhe ayna halkaa ku iloobaan wixii dhacay oo la is cafiyo. Balse arrintaas markuu ula tagay, way ku gacan seedheen.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews