Dawlada Sweden oo Marti Qaaday Wafdigii DDS Amnigana aad u Adkaysay

Stockholm (CakaaraNews) Wafdigii ka socday xukuumada Dawlad Degaanka Soomaalida iyo Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida ayaa beri waxaa si rasmi ah u marti-qaaday dawlada dalka Sweden. Waxaa kale oo dawlada Sweden ay shaaca ka qaaday inay amniga wafdiga aad u ilaalin doonto hada dabdeedna ay fiiro gaar ah u yeelan doonto waxa y ku tilmaantay (Home-Grown Terrorism).

Warar aanu ka helnay illo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wafdigu uu kulamo goosgoos ah la yeelan doono unugyo ka mid ah xukuumada dalka Sweden iyo xisbiga talada haya. Waxaa kale oo la sheegayaa inay la kulmayaan ganacsato ka socota Chamber of Commerce dalka Swden iyo ka magaalada Stockholm oo ay ka wada hadli doonaan sidii ay u maal-galin lahaayeen degaanka Soomaalida.

Sida la wada ogsoon yahay, Degaanka Soomaalida oo ah degaan aad u wayn Eebbana ku manaystay khayraad fara badan ayaa waxaa aad u yar maal-gashiga dibada ee dadka ajaanibta ah. Sidaa aawadeed, waxay wafdigu ku qanacsan yihiin in wada hadaladii ay la galeen Jaaliyaadka u dhashay Degaanka Soomaalida ee ku dhaqan dalka Sweden ay damaanad-qaad u tahay in mulkiilayaasha iyo hantiilayaasha Swedishka ahi ay maal-gashadaan Degaanka Soomaalida.

Wafdigu wuxuu kaloo sheegay in galinka danbe ee berri ay kulan la leeyihiin jaaliyada beesha Isaaq ee Degaanka Soomaalida. Sidoo kale, waxaa maalinta Arbacada ah ay wafdigu xaflad mahad-celin iyo abaal-marin ah ay Radisson-SAS ugu qabanayaan dhamaan jaaliyaadka Nabada jecel ee ay la kulmeen.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews