London (CakaaraNews) Wafdigii ka socday Dawlad Degaanka Soomaalida DDS iyo Xsibiga Dimuqraadiga ee ShacabkaSoomaalida (XDSHS) ayaa maanta subaxii markay saacada GMT ay ahayd 9:00 (Sagaalkii) subaxnimo ka dagay gegida diyaaradaha ee Heathrow
Wafdigu wxay isla maantaba ay si rasmi ah u bilaabeen booqashadoodii rasmiga ahayd ee ay kula kulmayeen Jaaliyadaha u dhashay Dawlad Degaanka Soomaalida ee ku kala nool dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga iyo Koonfurta Yurub.
Wafdigu kolkuu ka soo dagay Gegida diyaaradaha waxaa halkaa kju soo dhaweeyay shacab fara badan oo ka tirsan jaaliyadaha Degaanka Soomaalida u dhashay oo lulayay caleemo qoyan. Waxaa kale oo wafdiga si diiran u soo dhaweeyay dhalinyaro loo xidhay dharka hidaha iyo dhaqanka oo ubax u galiyay xubnihii wafdiga.
Wixii warar kale ee ku saabsan wafdigaa kala socda CakaaraNews
CakaaraNews