London (CakaaraNews) Wafdigii ka socday Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida iyo Dawlad Degaanka Soomaalida ee soo gaadhay Caasimada London ee dalka Ingiriiska ayaa maanta waxay booqasho si wanaagsan loo agaasimay ay ku tageen daarta Bush House ee caanka ah ee hoyga u ah Idaacada BBC.
Wafdigu waxay booqashadoodaas ay waraysiyo kala duwan ku kala siiyeen labada Idaacadood ee BBC ee Laanta Af-Soomaaliga iyo Qaybta Focus on Africa.
Idaacadahaa waxay waraysiyo kal gadisan la yeesheen Gudoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida (XDSHS), ahna Hogaanka Kobcinta Tayada ee Dawlad Degaanka Soomaalida (DDS) Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi.
Dhinaca kale, shacab ku nool Degaanka Soomaalida ayaa taleefano u diraya qaraabadooda joogta Dalka Ingiriiska iyagoo ka codsanaya inay wafdiga ka socda DDS ay u muujiyaan ixtiraam iyo soo dhawayn ayna kala tashadaan sidii horumar taaba-gal ah looga hirgalin lahaa Degaanka Soomaalida.
Fariimo shabakada CakaaraNews si isdaba joog ah u soo gaadhaya ay muwaadiniinta Degaanka Soomaalidu ku codsanayaan in laga gudbay xilligii hadalka iyo is-jiidjiidadka oo la gaadhay wakhti laga wada arrinsado sidii nabad loogu soo dabaali lahaa geyiga Degaanka Soomaalida.
Sida dadka u dhuun-daloola Siyaasada Degaankan ay cabirayaan, waxaa Degaankan laga soo lumiyay fursado badan oo dahabi ah, waxaana haboon in jaaliyaadka dibada ku sugan ay ka fiirsadaan fursadaha qaaliga ah ee hor-yaala ee maanta ay tahay inay si wanaagsan u cosobsadaan.
Muwaadiniinta iyagu ku nool Degaanka Soomaalida ee qaraabadooda iyo qoysaskoodu dagan yihiin dalalka Yurub ayaa iyagu waxay dadkooda ugu baaqayaan inay ka fogaadaan xumaanta Ururka UBO ee hor-taagan horumarka iyo nabada Degaanka Soomaalida.
Waxay shacabka Degaanka Soomaalidu ay ka wada midaysan yihiin mowqifka ay ka qabaan dadka ehelkooda ah ee ku nool qurbaha oo ay ka codsanayaan inay mar uun dhinaca wanaaga eeggaan oo ay wadada samaha iyo wanaaga ay talaabo hore u qaadaan.
CakaaaraNews