Jigjiga (CakaaraNews) Shabakada CakaaraNews ayaa waxaa soo gaadhay baaq uu soo jeediyay Ururka Horumarinta iyo Nabadgalyada Degaanka Soomaalida oo uu taageerayaashaiisa ugu baaqayo inaysan wax aar-goosi ah ka gaysan falkii lagu waxyeeleeyay Maxamed Mursal Shiil oo sida aan ogsoonahay ay taageerayaasha UBO ku dhaawaceen isagoo jooga magaalada Stockholm ee cariga Sweden. Baaqii oo siduu yahay aanu u soo bandhignay waa sida hoos ku qoran:-
Maamulka sare ee GHNDS (Golaha Horumarinta iyo Nabadgalyada Deegaanka Somalida) oo ku boorinaya dhamaan taageerayaasha iyo shacabka ogaadeenya inaysan qaadin wax aargoosi ah oo kadhan canaasiirtii gaaday mudane M. Mursal Shiil.
Sida aad ogsoontihiinba waxaa maalintii Axada ee bishan August 16keedii, ay shaqsiyaad ka tirsan ururka ONLF ee garabka Mahamed Cumar Cusmaan ay dhaawac foolxun oo bini aadnimada ka baxsan ay ugu geesteen magaalada Stockholm ee dalka Sweden mudane Mahamed Mursal Shiil. Muwaadinka oo ah masuul sare oo ka tirsan ururka GHNDS, ayaa waxaa loo gaystay fal-danbiyeed isku day dil (attempted murder), kadib marka uu ka qayb galay shir uu soo qaban qaabiyay ururka GHNDS. Shirkan oo ka qayb galayaashiisu ay aad u tiro badnaayeen ayaa lagu falanqeeyay sidii horumar iyo nabad waarta loo gaarsiin lahaa gobalka Soomaalida Ogaadeenya.
Hadaba anagoo ah maamulka sare ee Ururka Nabadgalyada iyo Horumarinta Gobolka Degaanka Soomaalida ee Ethiopia waxaan ku boorinaynaa dhamaan taageerayaasha Golaha iyo wax garadka u dhashay Gobalka Soomaalida Ogaadeenya inaysan sharciga gacmahooda ku qaadin ee ay taageeraan oo ku caawiyaan sidii ciidamada amniga ee dalalka Sweden, Norway, Finland iyo Germany oo ah dalalka ay ka kala yimaadeen dambiilayaashan falka gaystay maxkamad loogu soo taagi lahaa canaasiirtii sida gaadmada ah ku wax yeelaysay Mudane Mohamed Mursal Shiil.
Sida aad ogsoontihiinba waxa uu dalka Sweden oo ah dalka dhibka ka dhacay uu leeyahay sharciyo lagula tacaalo falalkan isku dayga dilmo ah ee ay gaysatay kooxdan ONLF ee ka amar qaadata Mohamed Cumar Cusmaan iyo Cadaani.
Ugu dambayntii Waxaan dhamaan u mahad naqaynaa, taageerayaasha ururka iyo wax garadka Degaanka Soomaalida Ogaadenya sida ay u cambaareeyeen falkan wuxushnimada ay ku jirto ee lagu qaaday masuul wanaag iyo horumar dadkiisa iyo dalkiisa ugu baaqay oo aana haba yaraatee wax galabsan.
Mahadsanadiin
Maamulka sare ee GHNDS