Kulankii Jaaliyadaha iyo Wafdigii DDS oo Beri Bilaabmaya

London (CakaarNews) Waxaa maanta galinkii danbe Caasimada dalka Britain ee London ka socday kulamo goos-goos ah oo loogu gogol xaadhayay kulanka balaadhan ee maanta ka dhici doona Qasriga Safaarada Itoobiya ee ku yaala magaalada London.

Kulamada la soo qabtay ayaa waxa ay ku salaysnaayeen sidii dhamaan jaaliyadaha u dhashay Degaanka Soomaalida loogu marti-qaadi lahaa shirka maanta dhacaya.

Waxaana wararku intaa ku darayaan in Dawlada Ingiriiska ay go'aansatay sidii ay u adkayn lahayd amniga goobta shirka loogana hortagi lahaa kooxaha mayalka adag ee dalalkii Reer Galbeedka ahaa ee dimuqraadiyada ku abtirsanayay ka dhigay dunni saddexaad.

Illo xog-ogaal ah oo aanu ka helnay qaar ka mid ah Guddiyada qaban-qaabada ee shirka maanta ayaa noo sheegay in lagu qaban doono hoolka Shirarka ee Safaarada Itoobiya oo qaadaya ilaa 600 oo qof, laguna marti qaaday dad aad u fara badan oo ka kala socda Jaaliyada Ogaadeenka, Jaaliyada Jid-waaq, Jaaliyada Hawdka, Jaaliyada Beesha Fiqi Cumar, Jaaliyada Beesha Geri, Jaaliyada Gobolka Liibaan, Jaaliyada Soomaalida Itoobiya iyo Ururada aan dawliga ahayn ee ku qotoma jaaliyadaha ka soo jeeda Degaanka Soomaalida.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews