Stockholm (CakaaraNews) Wararka ka imanaya caasimada dalka Sweden ee Stockholm ayaa sheegaya in Booliska Metropolitanka ee magaalada Stockholm ay kulan gaar ah la yeesheen Muwaadin Maxamed Sahal Kabadhe Shiil oo sida aanu wada ogsoonahay todobaaadkan horaantiisii ay Qawlaysato ku abtirsata Ururka UBO ay ku dhaawaceen kolkii ay ku weerareen isagoo jooga badhtamaha magaalada Stockholm.
Wararku waxay intaa ku darayaan in boolsika maanta soo booqday Maxamed Sahal Kabadhe Shiil ay daawadsiiyeen cajaladihii muuqaalada ahaa ee ay qabatay kameradii CCTV ee ku xidhnayd goobtii ay budhcadaasi muwaadinkaa ku dishay.
Sida ay noo sheegeen illo ku dhow-dhow Maxamed Sahal Kabadhe Shiil, waxaa muuqaalada ku jiray cajaladahaa maanta ay Boolsiku u keeneen lagu arkay sidii ay Qawlaysatada (Gangs) UBO ay isugu soo diyaariyeen gaadhigii ay ku jireen ay ugu hadhsanayeen sidii ay u heli lahaayeen wax dabinka u soo gala. Waxaa kaloo cajalada lagu arkay sida uu u dhacay weerarka lala beegsaday muwaadin shacab ah oon waxba galabsan oo qawlaysatada UBO ay ugu waxyeeleeyeen.
Dhinaca kale, waxaa arrin mucjiso ah ku noqotay Maxamed Sahal Kabadhe Shiil iyo dadkii ehelkiisa ahaa ee u dhow-dhowaa markii ay muuqaalka cajaladahaa ku arkeen nin aan hore loo ogayn inuu ku jiray weerarka lagu waxyeeleeyay Dhibanaha Maxamed Sahal. Sida wararku sheegayaan ninkan muuqaalka hada ku cusub ayaa la sheegayaa inuu waxyeelo jidh-dil ah u sii gaysanayay dhibanaha Maxamed Sahal oo miyir la'.
Inkastoo ay dadkii xog-ogaalka ahaa ee cajaladahaa ay indhahooda ku dhaceen ay ka gaabsadeen inay magac-dhabaan qofka soo kordhay, iyagoo ku andacoonaya inay ka fiirsanayaan inayna caqabad ku noqonin ama ayna fashilin shaqada booliska dalka Sweden ay wadaan, hadana waxay shabakada CakaaraNews isku dayaysaa inay soo ogaato qofkaas fal-danbiyeedkan ku cusub qofka uu yahay.
CakaaraNews