London (CakaaraNews) Shirkii Jaaliyada Degaanka Soomaalida bu dhalatay iyo Wafdigii DDS ka socday ayaa si rasmi ah uga bilowday magaalada London kolkay saacada GMT ay ahayd 9:00 (15:00).
Shirkan oo ay ka soo qayb galeen dadwayne aad u fara badan waxay guddiga qaban-qaabada ee shirka maanta noo sheegee in lagu qaban doono hoolka Shirarka ee Safaarada Itoobiya oo qaadaya ilaa 600 oo qof.
Sidoo kale waxaa shabakada loo sheegay in jaaliyadaha ka soo qayb-gaklay shirkan ay ka mid yihiin Jaaliyada Ogaadeenka, Jaaliyada Jid-waaq, Jaaliyada Hawdka, Jaaliyada Beesha Fiqi Cumar, Jaaliyada Beesha Geri, Jaaliyada Gobolka Liibaan, Jaaliyada Soomaalida Itoobiya iyo Ururada aan dawliga ahayn ee ku qotoma jaaliyadaha ka soo jeeda Degaanka Soomaalida.
CakaaraNews