Dhagax-Wood oo Difaacay Soo Saarista Filimka

Jigjiga (CakaaraNews) Shirkadaha Soo Saarista Aflaamta ee Wadani Stars iyo Jarar Film Production ayaa si wayn u difaacay akhlaaqda iyo damiirka filimka cusub ee "Yaa Ina Sheegayoo Inaga Sheekeeyay" oo ay ku tilmaameen inuu yahay cabir fikir oo khiyaali ah kuna salaysan curin mufakir sheeko oo aan loo qaadan karin wax xaqiiq ah.

Maareeyaha Shirkada Jarar Film Production Mudane Mowliid Sheekh Daahir ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay Magaalada Addis Ababa ku sheegay in sheekada uu ku saabsan yahay Filimku ayna wali dadku fahmin. Sidaa aawadeedna loo baahan yahay in la sugo ilaa inta Filimka uu ka soo baxayo oo la daawanayo.

Dhinaca kale, ninka qoray scriptka filimka ahna soo saaraha ugu wayn ee filimkan ayaa isaguna sheegay in la gaadhay xilligii xorta loo ahaa cabiraada fikirka iyo xuquuqda qowlka. Wuxuu soo saaraha filimku uu sheegay in filimku ku qotomo sheeko hal-abuur la curiyay oo aan marnaba lagu qaadan karin xaqiiqda sheeko jirta. "Ma jirto cid nool, cid dhimatay, iyo cid kalaba oo uu filimku noloshooda dhabta ah ka waramayo." Isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu raaciyay "Hadii ay si co-incidental ah ay saheekada filimka ku jirta ay u ekaato mid xaqiiq ah, waxaan jecelnahay inaan sheegno inaan u kas ayna naga ahayn.

Sidoo kale, wararka ka imanaya Xarunta Aflaamta Degaanka Soomaalida ee Dhagax-wood waxay sheegayaan in labada shirkadood ee Wadani Stars iyo Jarar Film Productions ayaa iminka shaaca ka qaadeen inay soo saarayaan Filim laga sameeyay dilalkii kala duwanaa ee  inay soo saarayaan filimo badan oo ay ka mid yihiin Filim ku saabsan Dilalkii isdaba joogaa ahaa ee ka dhici jiray Degmada Qabri-Dahare, Filim ku saabsan Qisadii Raage Ugaas iyo Faarax Wiilwaal, Filim ku saabsan Shirqoolkii Canjeel-Talawaa ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan, iyo qisooyin yaab leh oo aan ka matalnaytaariikh nololeedkii Muuse Cawl.

Hadaba waxay Dhagax-Wood bulshada Soomaalida u sheegaysaa inay soo saarista Aflaamtaa ay kala Xidhiidhaan:

Waqooyiga Ameerika Cinwaankan:

Uurdoox Studio
912 E 24th Avenue
Minneapolis, MN 55404
Email; This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
 
Dalalka Yurub, dib ayaanu idiin kala soo socod-siin doonaa

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews