Shirkii London oo Wali Socda

London (CakaaraNews) Shirkii London ee ay ku kulmayeen wafdigii ka socday Xukuumada Dawlada Degaanka Soomaalida (DDS) iyo Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida (XDSHS) ayaa wali sii socda oo la isula fadhiyaa gorfayn iyo lafagurid xaalada Degaanka Soomaalida.

Kulankan oo ay ka soo qayb-galeen in ka badan intii hore loo filayay ayaa waxaa isugu yimid inka badan 25 jaaliyadood oo ka tirsan bulshada Degaanka Soomaalida ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, iyo waliba dalalka Koonfurta Yurub iyo nawaaxigooda.

Ilaa iyo wakhtigan oo saacada GMT ay tahay 18:27 daqiiqo waxaa jaaliyadaha Degaanku ay su'aalo aad u fara badan ay waydiiyeen xubnaha wafdiga, halkaasoo Gudoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida, ahna Hogaanka Kobcinta Tayada Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi iyo Hogaanka Nabad-galyada iyo Maamulka Cadaalada ee Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxamed Cumar ay si xarago leh uga wada jawaabeen su'aalahaa.

Wakhtigan haatan ah waxaa warbixinta shirka  halkiisii ka sii wada Gudoomiyaha Xisbiga Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi, iyadoo ka qayb-galayaasha shirku ay ku wada qanceen markay arkeen xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta degaanka Soomaalida.

Inkastoo uu wali shirkii sii socdo, wixii ka soo kordha kala socda CakaaraNews

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews