London (CakaaraNews) Wararka ka soo baxaya Madasha Shirka ee London ayaa sheegaya in shirkii uu wali halkiisa ka sii socdo, iyadoo ay xubnihii jaaliyadaha ee ka qayb-galay ay si qayrul caadi ah oo qoto dheer ay gunta ugu sii qodayaan arrimaha ku saabsan Degaanka Soomaalida.
Shirka waxaa furay Gudoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida (DSHS) Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi oo halkaa ka jeediyay xog-waranka xaalada Degaanka ku sugan yahay. Waxaa kale oo halkaa ka hadlay Hogaanka Maamulka Cadaalada iyo Nabadgalyada ee Degaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo isna ka waramay ujeedada safarkooda.
Sida wararka ilaa hada soo baxaya ay sheegayaan, waxaa su'aalihii ay soo jeediyeen dhamaan jaaliyadaha shirka ka qayb-galay oo dhamaa in ka badan 370 qof ay sida ay khusayso uga jawaabeen wafdigu.
Waxaa dhamaan su'aalihii ku saabnaa siyaasada iyo maamulka ka jawaabay Gudoomiyaha XDSHS ahna Hogaanka Kobcinta Tayada ee DDS, su'aalihii ku saabsanaa Nabadgalyada iyo Cadaalada waxaa xubnaha jaaliyadaha ka bogsiiyay Hogaaanka Nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar .
Sidioo kale, su'aalihii ku saabsanaa Biyaha, Waxbarashada iyo adeegyada kale ee horumarinta waxaa sida ay u kala khusayso uga jawaab-bixiyay Madaxa Xafiiska Waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Sheekh (Guray) iyo Madaxa Xafiiska Biyaha Mudane Dr Suldaan Wali.
Ka qaybgalayaashii ka socday jaaliyaadka ayaa iyagu ilaa haadatan qiiraysan oo ka yaaban sida ay u kala duwan yihiin fikirka ay ka haysteen Degaankooda iyo xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta. Dhamaan xubnaha jaaliyaadka ayaa iyagu isku laynayay sidii ay u salaami lahaayeen wafdiga Gudoomiyaha iyo Hogaanka oo ay qaarkood ka codsadeen inay isla sawiraan.
CakaaraNews