London (CakaaraNews) Qawlaysatada UBO oo maalmahanba isku urursanayay magaalada london si ay u carqaladeeyaan kulanka jaaliyaadka iyo wafdiga ka socda Dawlad Degaanka Soomaalida ayaa fashilaad iyo guul-daro kala kulmay kobtii ay damacsanaayeen inay ku mudaharaadaan. Hadaba iyadoo uu haatan shirku si wanaagsan u socdo ayaa waxaa gacan-ka-hadal iskula tagay qawlaysatadii UBO oo dhexdoodii ay feedh iyo budhadh isla dhaceen.
Booliska Metroplolitanka London ayaa isugu marna ka gacan laaban sidii uu u sugi lahaa amniga goobta shirka. Waxaana la galabta kolkay qawlaysatada UBO damacday inay xoog kaga joojiyaan muwaadiniin ka tirsan jaaliyaadka oo doonayay inay shirka ka qayb-galaan markiiba gacanta ku dhigay booliska kuwii rabay inay dadka handadaan.
Dhinaca kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in qawlaysatada dhexdooda ay isku dheceen taasina ay sababtay inay kala dareeraan oo ay dusha inkaar iyo habaar kaga tuuraan kuwii soo lugooyay. Sidoo kale, waxay boolisku waxay sheegeen inay ku mashquulsanaayeen qalalaase ka dhex dhacay kuwii mudaharaadayay ay sababtay inay is dhashaaqaan oo ay budhadh isla dhacaan booliskuna uu hada gacanta ku dhigay kuwii falalkaas iskula kacay, intii kalana ay kala tagtay.
Maaha markii ugu horaysay ee UBO iyo Qawlaysatada la hal-maasha ay guul-daradan oo kale ay la kulmaan oo ay ka dhacdo, halkeen maray iyo kobtee la inaga haleelay. Waxaa xusid mudan in qorshahoodii ahaa inay London ka fuliyaan isku-daygii dil ee ay Stockholm ka sameeyeen ee ay ku beegsadeen muwaadin si dimuqraadi ah u bixiyay fikirkiisa ayna haatan u fulin. Taasina waa Guul u soo hoyatay Degaanka Soomaalida iyo dhamaan inta Nabada jecel meel kastoo ay dunida joogaanba.
Hadaanu nahay Shabakada CakaaraNews waxaan Hambalyo iyo Bogaadin aan u soo jeedinaynaa dhamaan xubnaha jaaliyadaha nabada jecel ee sida dimuqraadiga ah ee wadaninimada ku dheehan tahay u abaabulay dadkooda ugana qayb-galay kulankaas. Sidoo kale waxaan hambalyo iyo bogaadin taas la mid ah u soo jeedinaynaa shacabkayaga ku nool Degaanka ee qoysaskooda ka tirsan jaaliyadaha ugu baaqay inayDawlada garab istaagaan
CakaaraNews