Wafdigii DDS oo Maanta La Kulmaya Ururada Bulshada

London (CakaaraNews) Wafdigii ka socday Dawlada Degaanka Soomaalida (DDS) iyo Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida (XDSHS) ee booqashada ku marayay dalalka Yurub ayaa la sheegayaa in maanta oo Isniin ah kulamo kala gaar-gaar ah la leeyihiin Ururada Bulshada ee ka jira jaaliyadaha u dhalatay Degaanka Soomaalida. Ururada la sheegay inay maanta la kulmayaan Wafdigu ayaa waxaa ka mid ah Ururka Waxbarashada ee Qoraxey, Ururka Horumarinta ee Dhagax-Buur, Dhanaan iyo kuwo kale oo fara badan.

Sida aanu ka soo xiganay illo xog-ogaal ah waxaa kulamada ay wafdigu iyo ururadaa bulshadu ay ku falanqayn doonaan sidii ay ururadaasi ay door libaax uga ciyaari lahaayeen dedaalka horumarka ee Degaanka Soomaalida ka socda.

Dhinaca kale, waxaa la sheegayaa in kulamadii gaar-gaarka ahaa ee Jaaliyadaha ay dhexdooda qabsanayeen ay si habsami leh uga socdaan Magaalada London. Kulankii maalintii Sabtida ahayd dhex maray jaaliyadaha Degaanka Soomaalida iyo Wafdigii ka socday Dawlada Degaanka Soomaalida DDS iyo Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida (XDSHS) ayaa la sheegaya inuu abuuray jawi is-afgarad iyo is-fahan ah oo u dhexeeya maamulka Degaanka Soomaalida iyo jaaliyadiisa ku nool qurbaha.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews