London (CakaaraNews) Wafdiga ka socday Xukuumada Dawlad Degaanka Soomaalida (DDS) iyo Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida ee uu hor kacayay Gudoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida (XDSHS) Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi ayaa maanta kulan la yeeshay Jaaliyada Beesha Fiqi Cumar ee dalka Ingiriiska.
Kulankan oo si wanaagsan u qabsoomay ayaa waxaa wafdigu ay sheegeen inay Jaaliyada Beesha Fiqi Cumar kala hadleen arrimo fara badan oo khuseeya danta beesha iyo Dawlada Degaanka Soomaalida.
Wafdigu wuxuu sheegay inay ka garwaaqsadeen arrimo dhawr ah oo ay jaaliyadu u soo bandhigtay oo ay ugu garaabeen.
Dhinaca kale, waxaa la sheegayaa in kulankaasi uu ku dhamaaday is-afgarad iyo heshiis sidii wax loo wada qaban lahaa.
Shabakada CakaaraNews waxay isku dayaysaa inay hesho tafaasiisha natiijada ka soo baxday kulamadii ay maanta Wafdigu la yeesheen ururada bulshada (Civic Society).
CakaaraNews