Astaanta Taageerayaasha UBO Lagu Yaqaan Waa Caga-Boodhleey oo Kale

London (CakaaraNews) Sida aan hore idiinku soo tabinay waxaan idiin soo bandhigany sidii ay taageerayaasha UBO ay ugu fashilmeen qorshahoodii ay ku rabeen inay ku carqaladeeyaan kulankii wafdiga ka socday Xukuumada Dawlad Degaanka Soomaalida, Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida iyo Dawlada Dhexe ee Federaalka ay kula kulmayeen jaaliyadaha u dhashay Degaanka Soomaalida ee ku nool dalalka Yurub khaasatan dalka Ingiriiska. Waxaan warkaa ku soo sheegnay inay gacan-ka-hadal iyo dagaal uu ka dhex dilaacay kuwii rabay inay bulshada nabada jecel ka hor istaagaan inay ka qayb-galaan shirkaas.

Sidaas aawadeed, waxaa jirtay inaan hada soo ogaanay magaca naagtii ku jirtay gacan-ka-hadalkaa oo iyadu ku dhawaaqaysay cay ay ugu jeedo Dr Maxamed Siraad Doolaal oo ka tirsanaa qawlaysatada UBO, iyadoo ku hadaaqaysay in dilkiisu uu ahaa libin u soo hoyatay budhcada UBO.

Naagtan oo la yidhaahdo Ruqiya Sheekh Khaliif, oo Reer Dari ah, balse ay dadku iyo iyaduba ay isu yaqaanaan "Caga-Boodhleey" ayaa ahayd ahayd naagtii cayda iyo aflagaadada labada nin isku dishay abuurtay. Sida ay noo sheegeen dad naagtan yaqaanay waxaa dawlada Ingiriiska ay tiraba laba jeer ku heshay danbiyo kala gadisan oo ay ku caan baxday kolkii lagu qabtay fal-danbiyeedyo kala ah dhoofin iyo ka ganacsi maan-dooriye, iyo is-xambaar sharci-darro ay dad ku soo galiso.

Sida ay noo sheegeen dad xog-ogaal u ah Caga-Boodhleey, waxaa maalintii ay ka Safaarada Itoobiya horteeda ka qaylyaysay lugta kaga xidhnaa aallada dabagalka ee lagula socdo dhaqdhaqaaqa dambiilayaasha, taasoo loogu xidhay bil-shuruud inayna gudaha magaalada London iyo Safaarada Itoobiyaba u jirsan karin wax gaadha 7 Km.

Waxaa mucjiso ah in taageerayaasha UBO ay yihiin dad ku caan-baxay dunuubta iyo waxa loo yaqaan fusuqa bulshada (Social Evil). Dhinaca kale, waxaa marag-ma-doonto ah in la gaadhay xilligii ay dadka Soomaalida ee Degaanka u dhashay ay yidhaahdeen "Enough is Enough".

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews