Warbixin Ku Saabsan Kulankii Dhexmaray Wafdiga Ismaamulka Soomalida Iyo Jaaliyada Dalka Britain

LONDON - Waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu qabtay shir aad u balaadhan oo lagu waraysanayo wafdi heer sare ah oo ka socda Ismaamulka soomaalida ee dalka Itoobiya.

Shirka oo ka dhacay safaarada ay ku leedahay Itoobiya wadanka Britain ayaa waxa la qabtay bishan 22-keedii oo ku beegnayd Sabtidii la soo dhaafay iyada oo ay ahayd maalintii ugu horeysay bisha Rabadaan ee barakaysan.

Waxaa shirka lagu furay aayado Quraan ah iyada oo safiirka Itoobiya uu jeediyay hadal gaaban oo hordhac iyo isbarsho ah.

Shirka ayaa ku socday afka Soomaaliga madaama wafdiga iyo dadwaynuhuba ay ahaayeen dad Soomaali ah.

Dadwaynaha ka soo qayb galay shirka ayaa waxaa lagu qiyaasay dad ku dhaw ilaa 250 xubnood oo kakala yimid gobalada dalka iyo wadamada Yurubta kale.

 

Gudoomiyaha wafdiga oo ah madaxa xisbiga talada dalka haya, Cabdfataax Sh Cabdulaahi, ayaa shirka ka jeediyey hadal aad u dheer oo ku saabsan marxaladihii kala duwana ee Ismaamulku soo maray.

Waxa uu gudoomiyhu tibaaxay in ay jiraan mashariic badan oo gabolka laga fuliyey kuwaas oo loogu talagalay in ay kor u qaadan heerka nololeed ee bulshada. Waxa uu tusaale u soo qaatay jaamacada Jigjiga, garoonka diyaaradaha ee caasimada, Wadooyinka laamiga ah ee isku xidha magaalooynka Harar - Jigjiga, Dhagaxbuur - Jigjiga iyo dhismaha dugsiyaal aad u tiro badan.


Waxaa kale oo uu sheegay in ay socdaan wadooyin laami ah oo isku xidhi doona Dhagaxbuur - Qabridahare - Godey iyo Shilaabo. Mar uu ka hadlayey dhinaca beeraha, waxa u tilmaamay in Mashruuca Horumarinta Galbeedka Godey la dhamaystiray iyada oo la doonayo in la dajiyo dad badan oo Soomaali ah.

Wafdiga oo ka kooban 6 xubnood oo midkood dumar tahay ayaa badankoodu ay ka warbixiyaan waxqabadka xafiisyada ay ka kala socdaan. Waxaa sidoo kale fursad la siiyey in ay dadwaynuhu soo gubiyaan waydiimo iyo talobixin.

Arimaha horumarka ka sokow waxaa shirka hadheeyey su'aalo fara badan oo la xidhiidha amaanka iyo nabdgalyada. Hogaanka Nabadgalyada iyo Cadaalada, Cabdi Maxamed Cumar, ayaa shaaca ka qaaday in hawlaha amaanka wax badan laga qabtay. Waxa uu hogaanku aad u eedeyey jabhada ONLF oo u ku tilmaamay in ay tahay mid bah dishay beesha Ogaadeenka oo ah beesha ugu badan Soomalida degta gobolka.

Waxa Cabdi Maxamuud Cumar sheegay in waxyeelada jabhada ay ugu dambasay gubista 6 kamid ah gaadidka dhisayey wadada isku xidha Dhagaxbuur iyo Qabridahare iyaga oo halka ku dilay injineeradi dhisayey wadada.


Hogaanka ayaa sheegay in ay ka go'antahay Ismaamulka gobolka sidii loo soo af-jari laha waxa uu ugu yeedhay nabadiidka. Waxa uu intaa ku daray in uu maamulkoodu sameeyeen ciidamo gaar ah oo loo tababaray la dagaalanka ONLF.

Shirka oo aad u dheera ayaa waxa hakinayey xiliyo loogu talagalay in ay dadku ku tukaadaan kuna afuraan.

Ka soo qaybgalayasha yaa waydiimo tiro badan waydiiyey xubnaha wafdiga iyaga oo ay su'aalaha wuufuudu qaybsadeen. Waxa ay dadku soo jeediyeen su'aalo farabadan oo la xidhiida amaanka, garsoorka, waxbarshada, dhulka soomaaliyeed ee la siiyey Oromada iyo qaar kamid ah beelaha oo si gaar ah uga hadlay xuquuqo ka maqan beelahooda.

ARRIMAHAA NABADGALYADA

Dadwayanaha ayaa wafdiga waydiiyey su'aalo ku saabsan dhinaca amaanka oo ay kamid ahaayeen: maxaa dad aan waxbagalabsanin ugana buuxaan xabsiyada? maxaa sababy cunaqabatayta raashinka iyo in hay'adaha qaarkood la eryo? iyo in ciidamada gaarka ahi ka daranyihiin kuwa dawlada iyo in kale?

Hogaanka nabadgalyada oo isku dayey in uu ka jawaabo su'aalahaas ayaa sheegay in ay hay'adahaha samafalku qaarkood ayna raacin xeerka wadanka iyo gobolka u yaala islamarkaana ayna waxba u qaban shacabka.

Xaga xabsiyada waxaa u hogaanku tibaaxay in ay jiraan dad xidhan balse la sii dayn karo waxaase uu dadka dib u waydiiyey dadka jabhada ONLF dishay miya dib loo soo noolayn karaa kuwa xabsiyada ku jira mar unbaa la sii dayne?

Waxaa Cabdi Maxamuud Cumar oo tilmaamay in ciidamada gaarka ah loo tababaray sidii loola dagaalami lahaa nabadiidika shacabkana loo illaalin laha xaqooda balse waxa uu qiray in ciidan badan oo isu tagay aan laga waayeynin dad khaldama.

Mar wafdiga wax laga waydiiyey sida ay ku dhacday in dhul ka tirsan Ismaamulka soomaalida lagu wareejiyo ka Oromiya, waxa ay ku jawaabeen in arrinta ceebteeda ay leeyihiin maamuladii ka horeeyey iyaga.


MASHRUUCA GALBEEDKA GODEY

Wafdiga oo ka jawaabayey waydiin ahayd in mashruuca beeraha ee Godey la soo dajinayo dad kale oo Itoobiyaan ah iyo in kale, ayuu gudoomiye wafdiga si faahfaahsan uga jawaabay. Waxa uu sheegay in ayna jirin wax qorshe ah oo dad aan Soomaali ahayn lagu soo dajinayo mashruuca. Gudoomiyuhu waxa uu intaa ku daray, in dadka deegaanka Godey ayna wali ka wada faa'iidaysan mashruuca duruufo jira dartood.

BEELAHA KA CABANAYEY MAAMULKA

Dad badan ayaa u hadlay beelaha ay ka soo jeedaan oo cadalad daro ka tirsanaya maamulka. Waxa uu wafdigu u balan qaaday in ay u qabanayaan kulamo gaar-gaar ah oo lagaga xaajoonayo cabshooyinkooda.

KAALINTA DAWLADA FEDERAALKA AH

Waxaa wafdiga kamid ah Bashir Cabdullahi oo ah wasiiro-dawlaha beeraha iyo horumarinta reer miyiga ee dawlada federaalka ah. Waxa uu Bashir sheegay in dawlada Itoobiya ay dhisteen qoomiyado isu tagay islamarkaana ay ka kooban tahay 9-dawlad goboleedyo.

Wasiiro-dawluhu waxa uu tibaaxay in ay dawlada dhaxe kor u qaaday mashaaricda laga wado gobalka Soomaalida iyada oo xubnaha golaha wasiirada ku jira ee Soomaalida ahi ay dabagal ku sameeyaan hawlaha wasaaradaha dawladu ka fulinayaan deegaanka.

Madax-xafiisyada waxbarshada iyo biyaha ayaa iyuguna si balaadhan uga hadlay waxqabadka iyo qorsheyaasha xafiisyadooda. Waxa ay sheegeen in ay jiraan dugsiyo badan iyo mashaaric biyo galin ah oo la sameeyey ama eega socda.


GUNAANADKII SHIRKA

Shirkii wafdiga iyo jaaliyada ayaa si guul ah ku dhamaaday iyada oo la isla qaatay in ay labada dhinac wada shaqeeyaan. Wafdiga ayaa ku booriyey jaaliyada in ay ka qayb qaataan maalgalinta dalka, in ay joojiyaan tageerada nabad-diidka islamarkaana tageeran Ismaamulka. Waxaa kale oo wafdigu balan qaadeen in la sugi doono amaanka dadka qurbajooga ah iyaga oo si cabsi la'aan ah uga shaqaysan dhulkooda hooyo.

Waxa ay wafdigu qireen in 100% wax walba ayna sax ahayn oo ay jiraan caqabado badan balse ay dadaalayaan dhaliishoodana ay qaadanayaan.

Jaaliyada UK ayaa dhankeeda ka codsatay wafdiga in la dhawro xuquuqda mawadiniinta iyo in kor loo qaado horumarinta dalka iyada oo daboolida baahida shacabka wax walba laga horesiiyo.

Dadka la socda siyaasada gobolka ayaa ku tilmaamay safarka wafdiga hal talaabo oo horey loo qaaday. Waxa ay sheegeen in ay muhiim ahayd in jaaliyadaha la wacyi galiyo islamarkaana la dhagaysto talooyinkooda.

Wafdiga ayaa fursad u helay in ay waraysiyo kala duwan kasii  dayaan idaacadaha BBC, VOA iyo TV-yada Soomaaliyeed iyaga oo boooqdaay xarunta BBC-da ee Bush-house-ka.

Waxaa la saadalinayaa in ay waxbadani ku xidhnaan doonan sida Ismaamulka gobalku u hirgaliyaan codsiyadii jaaliyadaha iyo guud ahaan kor u qaadida heerka nololeed ee shacabka.

Jaaliyadaha ayaa dhankooda laga sugaya in ay taxadarka badan joojiyaan oo si hagar la'aan ah uga qayb qaataan dhismaha iyo maalgalinta dalkooda hooyo.

BAAQII KASOO BAXAY KULANKA WAFTIGA IYO JAHLIYADA DALKA BRITIAN .....RIIX-HALKAN.

Xigasho: www.SomaliState.Com

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews