DDF iyo Ururka Horumarinta Qorahay oo la Kulmay Wafdiga DDS

London (CakaaraNews) Ururka Horumarinta Dhagaxbuur ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wafdigii ka socday Xukuumada dawlada Degaanka Soomaalida ee baryahanba booqashada ku marayay dalalka yurub. Kulanka Ururka Horumarinta gobolka Dhagaxbuur iyo Wafdiga ayaa waxaa la sheegayaa inay ka wada hadleen Arrimo fara badan oo dhinacyada bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka, iyo Adeegyada Aasaasiga ah.

Gudoomiyaha Dhegahbour Development Forum, Mudane Cabdirashiid Cumar Jees ayaa Shabakada CakaaraNews u sheegay in kulankooda ay la yesheen Wafdiga DDS ay ka soo baxeen natiijooyin dhaxal-gal ah oo lagu horumarinayo bulshada Gobolka Dhagax-Buur. Wuxuu Gudoomiyuhu carabka ku dhuftay in talaabooyinka ugu horeeya ee ay ka hawl-galayaan ay tahay sidii bulshada looga gacan-siin lahaa ka faa'iidaysiga adeegyada horumarka.

Ururka Horumarinta Dhagax-Buur wuxuu kaloo shaaca ka qaaday inay dar-dar galin doonaan abaabulka iyo wacyi-galinta bulshada jaaliyaadka ee ka soo jeeda Gobolka Dhagax-Buur sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen maal-galinta gobolka iyo taageerida adeegyada Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha. Kulankaas waxaa kaloo goob joog ka ahaa Xoghayaha Ururka Horumarinta Dhagaxbuur Mudane Axmed Xaaji Cabdi

Dhinaca kale waxaa wafdiga DDS la kulmay Ururka Horumarinta Qoraxey oo uu hor-kacayo Gudoomiyaha Ururka Mudane Bashiir Suldaan Maxmuud Haybe iyo Xoghayaha Ururka Mudane Cabdi Iimaan

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews