Waraysi Lala Yeeshay Hogaanka oo Ku Saabsan Shirarkii Jaaliyadaha

London (CakaaraNews) Sida aan wada ogsoon nahay waxaa dhawaanahan magaalooyinka Stockholm iyo London ka kala dhacay kulamo ay wafdiga ka socday Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida (XDSHS) iyo Xukuumada Dawlad Degaanka Soomaalida (DDS) ay la yeesheen jaaliyadaha ka soo jeeda Degaanka Soomaalida ee ku dhaqan dalalka Yurub. Hadaba, waraysi ku saabsan natiijooyinka ka soo baxay kulamadaa oo aan la yeelanay Hogaanka Maamulka Cadaalada iyo Nabadgalyada ee Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaan waydiinay natiijooyinka ilaa hada la garanayo ee ay abuureen kulamadaasi, waraysigiina wuxuu ahaa sidan:-

Shabakada: Mudane Hogaan waxaad nooga warantaa kulamada aad la gasheen jaaliyadaha Degaanka u dhashay ee ku nool dalalka Yurub?

Hogaanka: Kulamada aan la yeelanay jaaliyaadku aad bay u waynaayeen waxaana aan halkan magaalada London aan kula kulanay jaaliyadaha ka soo jeeda beelaha Ogaadeen, Fiqi Cumar, beelaha degan Gobolada Liibaan iyo Afdheer, jaaliyadaha beelaha Jidwaaq, jaaliyadaha beelaha Nogob iyo Hawd, jaaliyada Gari, Dagoodi, jaaliyadaha beelaha degan wardheer, Qoraxey, Dhagaxbuur, Gode, jaaliyada Beesha Hawiye iyo ururo bulsheed oo ka soo jeeda Degaanka Soomaalida. Markaa kulamada aan la yeelanay jaaliyaadka ee ka kala dhacay Stockholm iyo London waxay ahaayeen kuwo aad u balaadhan oo ay ka soo baxeen is-fahan iyo garwaaqsi labada dhanba ah.

Shabakada: Hogaan sidee ayay u dhaceen kulamadaasi?

Hogaanka: Dhab ahaantii waxaa kulamaadi ay ahaayeen kuwo u dhacay si dimuqraadi ah oo ka qayb-qaadasho buuxda ay sameeyeen jaaliyaadku. Waxaa ay jaaliyaadku na tuseen dul-qaad iyo dhaliil iyo doodo kulul oo aan ku jirin wax laaxin ah. Waxaan jaaliyaadka ka aragnay qalbi wanaagsan iyo dimuqraadiyad aan horeba loo arag. Waxay jaaliyaadku soo bandhigeen dood kulul oo  toos ah oo aan gabasho lahayn. Su'aalo xasaasi ah ayay na waydiiyeen. Waxay ka hadleen waxyaabo macquul ah oo qofka maskadiisu shaqaynayso uu garawsan karo. Si kastaba ha ahaatee, doodahaasi waxay u dhaceen si dimuqraadi ah oo qofku uu si xor ah wax u waydiin karo qofka ay khusayso. Markaa waxaan odhan karaa kulamadaasi waxay ahaayeen kuwo dimuqraadi ah.
Shabakada: Hogaan waxaa nagu maqaal ah in doodihii idin dhex maray jaaliyadka ay ku jireen su'aalo idinku cusbaa oo aan hore la idiin waydiin jirin, taas maxaad ka leedahay?

Hogaanka: Waa run, waxay jaaliyaduhu na waydiiyeen su'aalo kulul oo dhab ahaantii aad u dhiiranaa, balse ku salaysnaa cilmi iyo caqli. Wayna ku mahadsan yihiin sida dhiiranaanta leh ee ay noo wajaheen.

Shabakada: Maxaad is leedahay wafdigu wuu ka faa'iiday kulamadii jaaliyaadka?

Hogaanka: Sida xaqiiqda ah, waxaan jaaliyaadka ka helnay natiijooyin waxtar leh. Waxay na waydiiyeen su'aalo fara badan oo macquul ah oo aan u garaabnay. Waxay xataa nagu soo biiriyeen dhaliilaha xataa aan xaga shaqada ka leenahay. Sida aad ogsoon tahay anagu waxaan nahay kuwii shaqada hayay ama ciyaartoydii ciyaarta ciyaarayay, markaa dhaliilaha iyo gol-daloolada aan leenahay ma garan karno. Waxaa dhaliilaheena garan kara oo arkaya dadka na daawanaya ee dibada naga jooga. Markaa jaaliyaadku waxay na tuseen meelaha aan dhaliisha ka leenahay. Khaladaadkayagiina waanu qaadanay oo waan iska saxaynaa. Anaguna waxaan tusnay jaaliyaadku gol-dalooladoodii, sidoo kale, iyaguna way qaateen oo waxay balan qaadeen inay iska saxayaan.

Shabakada: Maxaa markaa aad idinku ka qabanaysaan su'aalahaa ka soo baxay jaaliyaadka?

Hogaanka: Marka hore waxaan dalabka jaaliyaadka iyo beelaha aan ogaanay aan u gudbinaynaa xukuumada iyo dawlada, waxaanan u kala saaraynaa sida ay u kala khuseeyaan haykalka maamulka iyo sida looga go'aan qaadanayo, oo aan u jeedo sida ay u kala horeeyaan xaga wakhtiga oo su'aalo qaarkood ayaa deg-deg aan uga jawaabaynaa. Su'aalaha khuseeya maamulka waxaan u gudbinaynaa Xukuumada Degaanka iyo Madaxwaynaha Mudane Daa'uud Maxamed Cali. Kuwa u baahan in go'aan kabined ah lagu go'aamiyana waxaanu hor-dhigaynaa xukuumada, kuwa kalana cidii ay khusayso ayaan u gudbinaynaa.

Shabakada: Mudane Hogaan maxaa kale ood u malaynaysaa inaad ka soo korodhsateen kulamadii jaaliyaadka?

Hogaanka: Dhab ahaantii, waxa ugu muhiimsan ee aanu ka helnay kulamada jaaliyaadka waxaa weeye inaan ogaanay in dad muwaadiniin nabad jecel oo walaaladeen ah ay joogaan dalalka qurbaha. Xaqiiqdii hadal kuma soo koobi karo sida niyad-samida leh ee ay noo qaabileen. Waxaan ogaanay in jaaliyaadku ay yihiin dad maskax furan oo la rabay in mar horeba lala kulmo. Waxaa marag-ma-doonto ah in anaga maamulka Degaanka iyo shacabka Degaanka ku nool ahba aan wax wayn noo kordheen oo aan fahanay muhiimada jaaliyaadka. Maantana waxaan diyaar u nahay in jaaliyaadka codkooda la maqlo oo aynaan ka filin in ay fikirkayaga uun qaataane, fikirkoodana in la qaato ay haboon tahay.

Shabakada: Mudane Hogaan maxaad ugu dambayn u soo jeedin lahayd dhamaan jaaliyaadka Degaanka u dhashay ee ku sugan dalalka dibada?

Hogaanka: Marka hore waxaan salaan kal iyo laab ah aan u jeedinayaa dhamaan jaaliyaadka Degaanka Soomaalida, kuwa aan la kulanay iyo kuwa aanan la kulminba. Waxaanan amaan uga hayaa sida wanaagsan ee caloosha furan ee aynu u kulanay. Waxaanan u soo jeedinayaa hambalyo iyo bogaadin aan uga sido wafdiga iyo dhamaanba xukuumada DDS iyo shacabka ku nool Degaanka Soomaalida.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews