Hogaanka Nabadgalyada oo La Kulmay Odayaasha Beesha Cabdale

Jigjiga (CakaaraNews) Kulan Afur sharfeed ah oo Hogaanka Maamulka Cadaalada iyo Nabadgalyada Degaanka Mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu u fidiyay odayaasha, cuqaasha iyo indheer-garadka ka kala socday dhamaan beesha Cabdale ee qabiilka Ogaadeen (13 ka Jilib ee Cabadale ka kooban yahay dhamaantood), ayaa maalintii sabtidii lagu qabtay magaalada Jigjiga. Kulankaas oo Hogaanka iyo odayaasha Beesha Cabdale ay kaga wada hadleen arrimo badan oo khuseeya xaalada Degaanka Soomaalida guud-ahaantii iyo khaasatan Gobolka Godey, waxay ku lafa gureen arrimaha Horumarka ee ka socda Gobolka Godey iyo sidii looga midha dhalin lahaa.

Dhinaca kale, waxaa Hogaanka iyo odayaashu ay isla soo qaadeen sidii bulshadu ay uga qayb qaadan lahayd dedaalka horumarka iyo sidii loo adkayn lahaa nabadgalyada Degaanka iypo gaar ahaan xaalada Gobolka Godey, isla-markaana waxay si adag odayaashu u taageereen guulaha wax ku oolka ah ee laga gaadhay dhanka la dagaalanka nabad-diidka oo ay ugu danbaysay guushii ay haatan maleeshiyada Degmada Godey ay ka soo hooyeen dhirbaaxadii ay ku dhufteen nabad-diidka duleedka Laab.

Sidoo kale, waxaa hadalada Hogaanka ka mid ahaa isagoo carabaabay rajada Dawlada Federaalka iyo ta Degaanku ay ka qabaan mashaariicda laga fulinayo Gobolka Godey, kuwaasoo ka midha dhalintoodu ay u taalo odayaasha iyo cuqaasha u dhalatay Gobolka Godey, isagoo sheegay in Gobolka Godey ay haatan ka socdaan mashaariic horumarin ah oo aad u balaadhan loona baahan yahay in la garan istaago.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews