Hogaanka Nabadgalyada oo La Kulmay Odayaasha Beesha Cawlyahan

Jigjiga (CakaaraNews) Kulan Afur sharfeed ah oo Hogaanka Maamulka Cadaalada iyo Nabadgalyada Degaanka Mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu u fidiyay odayaasha, cuqaasha iyo indheer-garadka beesha Cawlyahan ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jigjiga.

Kulankaas oo Hogaanka iyo odayaasha Beesha Cawlyahan ay kaga wada hadleen arrimo badan oo khuseeya xaalada Degaanka Soomaalida guud-ahaantii iyo khaasatan Gobolka Afdheer, waxay ku lafa gureen arrimaha Horumarka ee ka socda Gobolka Afdheer iyo sidii looga midha dhalin lahaa.

Dhinaca kale, waxaa Hogaanka iyo odayaashu ay isla soo qaadeen sidii bulshadu ay uga qayb qaadan lahayd dedaalka horumarka iyo sidii loo adkayn lahaa nabadgalyada Degaanka iyo gaar ahaan xaalada Gobolka Afdheer, isla-markaana waxay si adag odayaashu u taageereen guulaha wax ku oolka ah ee laga gaadhay dhanka la dagaalanka nabad-diidka.

Odayaasha iyo cuqaasha ka qayb-galay kulankan ayaa aad u bogaadiyay sida niyadsamida leh ee xukuumada haatan jirta ay qaybaha bulshada ee kala duwan ay ugala tashato sidii horumar waara looga gaadhi lahaa degaankan.
Faahfaahinta kulamadan ayaan dib idiinku soo gudbin doonaa

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews