Madaxwaynaha DDS oo Hambalyada Sannadka Cusub Gaadhsiiyay Jaaliyadaha Degaanka u Dhashay

Addis Ababa (CakaaraNews) Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Daa'uud Maxamed Cali ayaa hambalyo sannadka cusub u soo diray dhamaan shacabka Degaanka Soomaalida isagoo u rajeeyay inuu sannadkan 2002 ee cusub uu Illaahay uga dhigo sannad barwaaqo iyo rayn-rayn ay ugu noolaadaan shacabka Degaanka Soomaalida.

Hambalyada sannadka cusub ee Madaxwaynaha oo laga tabiyay Idaacada la iska arko ee Qaranka ee Ethiopian TV qaybtiisa Af-Soomaaliga wuxuu hambalyada si khaas ah ugu daray bulshooyinka Jaaliyadaha Degaanka Soomaalida u dhalatay ee ku nool dalalka qurbaha ee daafaha dacalada aduunka.

Madaxwaynaha wuxuu salaantiisan hambalyada sannadka cusub ee 2002 wuxuu jaaliyadaha u dhashay Degaanka Soomaalida uu ugu baaqay inay u soo jeedsadaan dhanka wanaaga oo ay walaalahood ku sugan Degaanka ay kala qayb-qaataan dedaalka horumarka ee loogu jiro sidii kor loogu qaadi lahaa qaab-nololeedka shacabka Degaanka Soomaalida.

Madaxwaynuhu wuxuu kaloo ku booriyay jaaliyadaha Degaanka Soomaalida u dhalatay ee ku sugan dalalka qurbaha inay yimaadaan oo ay maal-gashadaan dhulkooda hooyo.

Wuxuu Madaxwaynuhu carabka ku dhuftay muhiimada ay leedahay doorka ay jaaliyaadku ku yeelan karaan kobcinta dhaqaalaha Degaanka.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.