Baaq Taageero, Cafiska Xukuumada DDS U Fidisay Maxaabiis Gaadhaysa 400-Qof

London (CakaaraNews) jaaliyadaha ku nool dalka Britian gaar ahaan jaaliyadihii la kulmay waftigii Dawlada Degaanka Soomaalida ayaa baaq taageero u gudbiyay xukuumada, iyagoo ku taageeraya cafiskii ay xukuumada DDS u fidisay maxaabiis dhan 400-qof.

Qaban-qaabiyayaashii kulankii dhex maray waftiga iyo jaaliyadaha ayaa iyaga oo matalaya jaaliyadahooda si gaar ah baaq ugu soo gudbiyay Xukuumada Maamulka DDS. isla markaana ka codsaday jaaliyadaha Maraykanka ee nabada jecel inay u diyaar garoobaan soo dhaweynta waftiga madaxweynaha ee kusoo fool-leh.

Dhanka kale Madaxa Ururka Horumarinta Arimaha Bulshada Dhagaxbuur Mudane CabdiRashiid Cumar Jees yaa isagu sheegay inay talaabadani ay tahay mid loo qaaday dhinaca wanaagsan si buuxdana ay u garab taagan yihiin go'aankaas. Waxaa kale oo uu intaa ku daray inay tani muujinayso fulinta balan qaadkii waftigii heerka sare ahaa ee maamulka deegaanka iyo ka federaalka ay u balan qaadeen jaaliyadaha dibada.

Waxaa uu Cabdirashiid intaa ku daray inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin maamulkooda, dhinaca maamulkana looga baahan yahay inay garab istaagaan shacabkooda.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.