WSRA oo Hambalyou soo Jeediyay Maamulka DDS

Marka hore anaga oo ah gudiga fulinta ee jaaliyadda ka soo jeeda DDS ee ku dhaqan dalka Sweden kuna hadleyna codka jaaliyada waxaan salaan guud iyo hambalyo ku aadan ciideena barakeysan u direynaa dhamaan umaddaha islaam ka ah gaar ahaana shacab iyo xakumadba walaalaha yaga jooga dalkeena hooyo iyo kuwa kale ee ku ciidaya dunidda dacaladeeda kala duwanba.

 Waxaanan leenahay ku ciida caafimaad iyo caleemo qoyan noqdda kuwo alle ka aqbalo soon koodii, cibaadaddii, iyo camalkii wanaagsanaa ay la yimaadeenba, noqda kuwo allaha weyn usakhiro una ifitiimiyo jidka nabadda, isjacaylka, horumarka iyo barwaaqadda aamiin!.

 

Marka xiga waxaan hambalyo iyo mahadnaq gaar ah halkan uga soo gubneynaa madaxda iyo maamulka DDS sida ay isugu soo xilqaameen uguna soo safreen socdaal kii dheeraa si ay ula kulmaan shacabkooda qurbha ku nool iyo sidii hagarbaxa, habsamida iyo hufnaanta lahayd ay ugu soo badhigeen waxqabadka maamulaka DDS horumarka inta la gaadhey iyo himilooyinka la rajeynayaba.

Sidda ay u muujiyee xilkasnimada ku dhisan daganaanta, dulqaadka iyo daryeelka wadaninimo iyo sida ay u fuliyeen balanqaadyadii ay u soo balan qaadeen muwaadniin toodii ay u yimaadeen, hadey tahay xoojinta xidhiidhka dalka iyo dibada iyo hadey tahay wada shaqaynta iyo wadaaga taladaba.

Waxaa runtii iyana xusid gaar ah muddan cafiska maxaabiista tirada badan ay u fidiyeen DDS ee ku beegnaa ciida barakeysan taas oo ka turjimeysa dareen kooda masu’liyadeed, caqiidadooda islaanimo, kan walaaltinimo iyo wadaninimo iyo kan fulinta axdiga ay u soo qaadeen qurba joogta ay soo kasbadeen qalbigoodaba.

Waxaanan leenahay hadaanu nahay jaaliyada ku dhaqan dalka Sweden si gaar ah ayaan idiin ku hambalyeey neynaa hadaad tihiin madaxda iyo maamulka DDS Cafiska aad muwaadiniinta tirada badan u fidiseen maalinta ciida ah ee farxada iyo reyn reynta u horseeday gaar ahaan boqolaal ka qoys iyo kumanyaal ka qof ay ka kooban yihiin ehelka iy qaraabda maxaabistaasi iyo guud ahaan malaayiinta shacabka DDS meel kasta ay aduunka kaga dhaqan yihiin dal iyo dibadba.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.